Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga soo horjeestay jadwalka doorashooyinka ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo ka digay in go’aankaasi uu dalka u horseedi karo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaysta, isla markaana khatar gelin kara dowladnimada Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha loo qorsheeyay 15-ka May 2027.
Farmaajo ayaa dhaliilay habka loo dejiyay jadwalka doorashada, isaga oo ku tilmaamay mid aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin, isla markaana uu sheegay in uu yahay qorshe uu hal dhinac wato. Waxa uu sidoo kale su’aal geliyay sharciyadda guddiga, isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaanayo, inuu saameyn ku yeeshay dhismaha guddiga.
“Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waxa uu halis gelinayaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa uuna horseedayaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa ku adkeystay in aan go’aannada masiiriga ah ee dalka lagu gaari karin hannaan aan loo dhanayn, isaga oo ku baaqay in la dardargeliyo wada-hadallada siyaasadeed, si loo helo doorasho heshiis lagu yahay oo ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu doonayo inuu sii haysto awoodda dalka, isaga oo sheegay in qorshe doorasho oo aanay qeyb ka ahayn dowlad-goboleedyada iyo mucaaradku uu sii fogeyn karo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed, isla markaana uu dhaawici karo kalsoonida lagu qabo hannaanka dastuuriga ah.
Waxa uu intaas ku daray in tallaabooyinka aan heshiiska lagu ahayn ay Soomaaliya gelin karaan xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo cakiran. Farmaajo ayaa tusaale u soo qaatay khilaafaadkii hore ee dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, isaga oo ku dooday in faragelintii lagu sameeyay maamulladaasi ay horseedday iska horimaadyo iyo dagaallo.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada, madaxda hore iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka inay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan sidii loo gaari lahaa doorasho hufan, loo dhan yahay, islamarkaana heshiis siyaasadeed lagu yahay.
Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ayaa baaq u diray dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo beesha caalamka, isaga oo ka codsaday inay xoojiyaan dadaallada dhexdhexaadinta, kana qeyb qaataan sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka ka taagan doorashooyinka.
Khilaafka ku saabsan jadwalka doorashada ayaa mar kale muujinaya kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo weli ay muhiim tahay in dhinacyadu ka heshiiyaan hannaanka doorashada iyo waqtiga kala guurka siyaasadeed ee dalka.

Leave a Reply