Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka heer federaal ee uu maanta ku dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyaga oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay waddo hannaan doorasho oo aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), oo ah xoghayaha siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo jadwalka cusub ee doorashada, isaga oo tallaabada guddiga ku tilmaamay mid sii xoojin karta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Jadwalka uu guddigu shaaciyay ayaa dhigaya in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo asteeyay 15-ka May 2027.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in taariikhda doorashada labada Aqal lagu saleeyay qodobka 18-aad, faqraddiisa labaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhigaya in taariikhda doorashada la cayimo 180 maalmood ka hor maalinta codbixinta.
Sidoo kale, guddigu wuxuu xusay in doorashada Madaxweynaha loo qorsheeyay 15-ka May 2027, isaga oo tixraacay qodobka 112-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddada xil-haynta madaxweynuhu tahay shan sano, laga bilaabo maalinta xilka loo dhaariyo.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa dhankiisa dowladda ku eedeeyay inay doonayso inay doorashada ku maamusho hannaan ay iyadu go’aansatay, isaga oo ku dooday in tallaabadaasi ay la mid tahay boob doorasho iyo awood sheegasho.
“Calool waxay ku bukootay kuma bogsato. Cudurka sababay burburka Soomaaliya wuxuu ka bilaawday doorasho la boobay iyo awoodda dowladnimada oo si qaldan loo adeegsaday. Afartan sano kaddib, Xasan Sheekh wuxuu doonayaa in isla cudurkii uu daawo ka dhigo, mana dhacayso! Alloow yaa talo maalinteeda qaata,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, ayaa soo dhoweeyay tallaabada guddiga doorashooyinka, isaga oo sheegay in dalka uu u jihaysan yahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda federaalku ay dadaallo ku bixisay dhaqan-gelinta dastuurka iyo hirgelinta sharciyada iyo hay’adaha lagama maarmaanka u ah qabashada doorashooyinka.
“Tan iyo markii la ansixiyey, madaxweynuhuna saxiixay afartii cutub ee ugu horreeyey ee Dastuurka Qaranka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wadday dadaallo lagu xaqiijinayo dhaqan-gelintiisa, iyadoo la meel mariyey xeerarkii iyo hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa hirgelinta doorashooyinka,” ayuu yiri wasiirku.
Cabdifitaax Qaasim ayaa sidoo kale xusay in doorashooyin qof iyo cod ah ay ka dhaceen Muqdisho, halka hannaankaasi uu ka socdo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isu diyaariyaan ka-qaybgalka doorashooyinka, isaga oo doorashada qof iyo cod ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dowlad-dhiska, xoojinta dimuqraadiyadda iyo in shacabka ay doortaan hoggaamiyeyaashooda.
Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo isku haya hannaanka doorashooyinka iyo qaabka loo maareynayo kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa la filayaa in jadwalka cusub ee doorashadu uu sii huriyo doodaha siyaasadeed ee ku saabsan sharciyadda hannaanka doorashada, heshiiska dhinacyada iyo sida loo xaqiijin karo doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda.
Leave a Reply