Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka u qabtay muddo 48 saacadood ah, si uu u soo gudbiyo dukumentiyada xubnaha loo magacaabay Golaha Hagista Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).
Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay guddiga baarlamaanka iyo wasiirka, kaas oo salka ku haya xogta xubnaha la xushay iyo habraacyadii sharci ee loo maray magacaabistooda.
Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka ayaa wasiirka ka dalbaday inuu muddada loo qabtay ku keeno dukumentiyada muhiimka ah ee xubnaha, si loo hubiyo inay buuxiyeen shuruudaha looga baahan yahay xilalka loo magacaabay.
Dukumentiyada la doonayo waxaa ka mid ah aqoonsiyada xubnaha, shahaadooyinka waxbarashada, warqadaha dembi-la’aanta, taariikh-nololeedyada iyo caddeymaha asluub-wanaagga ee ay bixiso Guddiga Shaqaalaha Rayidka Qaranka.
Khilaafkan ayaa soo ifbaxay kadib markii wasiirku ka jawaabay codsi hore oo guddigu ku dalbaday xogta xubnaha la magacaabay. Wasiirka ayaa ku dooday in helitaanka macluumaadka shakhsiga ah ee xubnaha uu magacaabay aanu ka mid ahayn waajibaadka guddiga baarlamaanka.
Hase yeeshee, guddiga ayaa diiday aragtida wasiirka, isaga oo ku adkaystay in uu awood sharci u leeyahay inuu dalbado xogta la xiriirta magacaabista xubnaha iyo xaqiijinta u-qalmitaankooda.
Guddigu wuxuu dooddiisa ku saleeyay qodobka 95-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu u daliishaday awoodda Baarlamaanka ee korjoogteynta iyo baaritaanka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, guddigu wuxuu tixraacay qodobka 59-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kaas oo u oggolaanaya guddiyada baarlamaanka inay dowladda iyo hay’adaha kale ka dalbadaan xogta iyo warbixinnada lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda.
Maxaa keenay in xogtan la dalbado?
Guddiga ayaa doonaya inuu xaqiijiyo in magacaabista xubnaha Golaha Hagista SARIS ay waafaqsan tahay sharciga tirsigiisu yahay LR.32, kaas oo la soo saaray 24-kii Diseembar 2024, laguna aasaasay hay’adda.
Gaar ahaan, waxaa la doonayaa in la hubiyo in xubnaha la magacaabay ay buuxiyeen shuruudaha xubinnimada Golaha Hagista ee ku xusan qodobka 7-aad ee sharciga aasaasay hay’adda.
Hay’adda SARIS ayaa qaabilsan sharciyeynta adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed. Sida uu guddigu sheegay, hay’addu maamul ahaan way ka madax-bannaan tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, inkasta oo ay siyaasad ahaan hoos timaaddo wasaaradda.
Weli waxaa taagan khilaafka u dhexeeya guddiga baarlamaanka iyo wasiirka, iyadoo muddada 48-ka saacadood ah ee loo qabtay wasiirka ay tahay tallaabada ugu dambeysay ee guddigu ku doonayo in lagu helo dukumentiyada iyo xogta uu codsaday.
Arrintan ayaa mar kale iftiiminaysa doorka kormeerka ee Baarlamaanka iyo muhiimadda ay leedahay in magacaabista xilalka hay’adaha dowladda lagu saleeyo shuruudaha iyo habraacyada sharciga ah.
Leave a Reply