Baydhaba (Warqaad) — Xafiiska Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay howlgallada ay ciidamadiisu ka wadaan gobolka Baay, kaddib markii ay la wareegeen degmooyin dhowr ah oo horay ugu jiray gacanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 16-ka October 2026 ayaa lagu sheegay in ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay toddobaadkan howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Baay, kuwaas oo xafiiskiisu ku tilmaamay kuwo lagu sugayo amniga laguna soo celinayo xasilloonida deegaannada.
Xafiiska Lafta-gareen ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay dib ula wareegeen afar degmo iyo deegaanno kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay.
Degmooyinka uu xafiisku xusay ayaa kala ah Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor, waxaana sidoo kale qoraalka lagu xusay deegaanka Awdiile.
Lafta-gareen oo eedeymo u jeediyay Xasan Sheekh
War-saxaafadeedka ayaa eedeymo culus loogu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo xafiiska Lafta-gareen ku eedeeyay inuu hoggaaminayo xoogagga ay isku hayaan gobolka Baay.
Qoraalka ayaa ciidamada ka soo horjeeda loogu yeeray “Salbalaar iyo Afbalaar”, iyadoo lagu andacooday in howlgallada ay ciidamadu fuliyeen lagu beegsaday kooxahaas.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada taabacsan Lafta-gareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, eedeymaha ku jira war-saxaafadeedka ayaa ah sheegashooyin ka yimid xafiiska Lafta-gareen, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo halkan lagu hayo oo caddeyneysa dhammaan faahfaahinta la xiriirta eedeymahaas.
Bardaale oo kamid noqotay degmooyinka la wareegay
Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay maalmihii ugu dambeeyay la wareegeen magaalooyin muhiim ah, taas oo sii kordhisay cadaadiska militari ee saaran maamulka Baydhaba.
Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, ciidamada Lafta-gareen ayaa 16-ka October si nabad ah ula wareegay degmada Bardaale. Waxaa la sheegay in tani ay timid kaddib markii ay horay ula wareegeen Buurhakaba iyo Qansaxdheere.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Lafta-gareen uu wax ka beddelay qaabkii ay ciidamadiisu kula wareegi jireen deegaannada, isaga oo adeegsanaya wada-hadallo hoose iyo dhaqaale si uu taageero uga helo ciidamada ku sugan goobahaas. Habkan ayaa la sheegay inuu fududeeyay in magaalooyinka qaarkood lagu la wareego dagaal la’aan, inkastoo faahfaahinta arrintan ay u baahan tahay xaqiijin madax-bannaan.
Cadaadis sii kordhaya oo ku wajahan Baydhaba
Maamulka uu hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa wajahaya cadaadis militari oo sii kordhaya, iyadoo ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay ku sii siqayaan deegaannada ku dhow Baydhaba, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Horumarka ay ciidamadaasi ka sameynayaan gobolka ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni, xilli uu weli taagan yahay muranka ku saabsan hoggaanka iyo mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed.
Lafta-gareen ayaa horay xilka madaxweynenimada Koonfur Galbeed uga degay kaddib isbeddelladii siyaasadeed iyo militari ee ka dhacay Baydhaba, balse markii dambe ayuu ka laabtay go’aankaas, isaga oo weli sheeganaya hoggaanka maamulka.
Dhanka kale, xafiiskiisa ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada ay ciidamadu la wareegeen inay sii xoojiyaan taageeradooda, isaga oo carrabka ku adkeeyay xaqa ay u leeyihiin inay si xor ah uga qaybqaataan go’aannada la xiriira mustaqbalkooda, dowladnimadooda iyo maamulka deegaannadooda.
Xaaladda gobolka Baay ayaa weli ah mid isbeddelaysa, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadaan dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed iyo saameynta ay xiisaddani ku yeelan karto amniga gobolka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Leave a Reply