# Warqaad ## Posts - [Xasan Sheekh oo booqday markabka Çağrı Bey ee shidaalka ka qodaya xeebaha Soomaaliya](https://warqaad.com/daawo-xasan-sheekh-oo-booqday-markabka-cagri-bey-ee-shidaalka-ka-qodaya-xeebaha-soomaaliya/): Muqdisho (Warqaad) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka shidaal-qodista ee Çağrı Bey, kaas oo hawlo qodis ka wada biyaha Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku ay dadaal ugu jirto xaqiijinta khayraadka shidaal ee ku jira badda dalka. - [Masar oo digniin culus u dirtay Itoobiya, kana hortimid damaceeda Badda Cas](https://warqaad.com/masar-oo-digniin-culus-u-dirtay-itoobiya-kana-hortimid-damaceeda-badda-cas/): Qaahira (Warqaad) — Dowladda Masar ayaa mowqif adag ka qaadatay dadaallada Itoobiya ay ku dooneyso inay ku hesho marin-badeed, iyadoo ka digtay in dalalka aan xeebaha lahayn aysan Badda Cas u adeegsan karin ujeeddooyin militari. - [Lafta-gareen oo war culus kasoo saaray degmooyinka ay ciidamadiisu la wareegeen ee gobolka Baay](https://warqaad.com/lafta-gareen-oo-war-culus-kasoo-saaray-degmooyinka-ay-ciidamadiisu-la-wareegeen-ee-gobolka-baay/): Baydhaba (Warqaad) — Xafiiska Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay howlgallada ay ciidamadiisu ka wadaan gobolka Baay, kaddib markii ay la wareegeen degmooyin dhowr ah oo horay ugu jiray gacanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. - [Baarlamaanka oo wasiirka Beeraha u qabtay 48 saac, khilaaf ka dhashay magacaabista xubnaha SARIS](https://warqaad.com/baarlamaanka-oo-wasiirka-beeraha-u-qabtay-48-saac-khilaaf-ka-dhashay-magacaabista-xubnaha-saris/): Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka u qabtay muddo 48 saacadood ah, si uu u soo gudbiyo dukumentiyada xubnaha loo magacaabay Golaha Hagista Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS). - [Mucaaradka oo diiday jadwalka doorashada ee guddigu shaaciyay, eedeymo culusna jeediyay](https://warqaad.com/mucaaradka-oo-diiday-jadwalka-doorashada-ee-guddigu-shaaciyay-eedeymo-culusna-jeediyay/): Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka heer federaal ee uu maanta ku dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyaga oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay waddo hannaan doorasho oo aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin. - [Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada, kana digay khatar siyaasadeed](https://warqaad.com/farmaajo-oo-si-adag-uga-horyimid-jadwalka-doorashada-kana-digay-khatar-siyaasadeed/): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga soo horjeestay jadwalka doorashooyinka ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo ka digay in go’aankaasi uu dalka u horseedi karo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaysta, isla markaana khatar gelin kara dowladnimada Soomaaliya. - [Jadwalka doorashada labada Aqal iyo tan Madaxweynaha oo la shaaciyay](https://warqaad.com/jadwalka-doorashada-labada-aqal-iyo-tan-madaxweynaha-oo-la-shaaciyay/): Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada gole iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. ## Pages - [Bogga Hore](https://warqaad.com/) - [Home Wararka Caalamka Ra’yiga Xulka Contact Us](https://warqaad.com/home-wararka-caalamka-rayiga-xulka-contact-us/) [comment]: # (Generated by Hostinger Tools Plugin)