Warqaad.com » Taariikh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muujiyay sida uu uga xun yahay kaluumeysiga maraakiibta
Isaga oo ku guda jiray booqasho uu ku tagay Warshad Kaluun Madaxweyne Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ayaa waxa uu digniin u diray maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay il gaar ah ku eegi doonto.

RIIX HALKAN SIDA AAD UDHAGAYSATO HADALKA MADAXWEYNAHA

Madaxweynha dalka oo hadalka qaatay ayaa tilmaamay in dadka Soomaliyeed ay taariikh u leeyihiin kaluunka mudda fogna ay soo saranayeen  isaga oo tilmaamay bilaawgii xoriyada dalka Soomaaliya ay laheyd shirkado waa weyn oo ka shaqeeya Kaluunka.

Shirkadda kaluunka oo uu booqday Madaxweynaha ayaa lagu magacaabayaa Wadin. Waxaana uu warbixin ka dhagaystay Maamulka Shirkadda Kalunka, isaga markaasi kadib Xasan Sheekh ku booriyay wax soo saarka qeyraadka badda.

Wasiirka kheyraadka dalka C/riasaaq Cumar Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay wadamada shirkadaan ay u iibgeyso kaluunka waxa uuna sheegay in dhamaan wadamada dariska ah loo iibgeeyo Kaluunka.

Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud ayaa  soo hadal qaaday shirka buracbadeed looga hadlayay ee New Yorka isagoona sheegay in uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay kaluumeeysiga sharci darada ah ee lagu haayo xeebaha dalka Soomaaliya isagoona xusay in laga qaadayo talaabo maraakiibta sida sharcidarada ah uga kaluumeysato xeebaha dalka.

Akhriso: Dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee la xasuusto sanadkii tagay ee 2012-a dalkeena Soomaaliya
Inkastoo dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Dalkeenna ay ugu waaweynaayeen amaba ugu xiisa badnaayeen Isbedelkii dowladnimo ee dalka ka dhacay kuwaasi oo ka dhashay doorashooyin si xor ah loogu doortay Madaxda Sare ee Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka hadana guushii ugu weyneyd waxey aheyd in Dalka laga saaro KMG oo ay Soomaaliya u gudubtay Dowladnimo Buuxda.

Ka sokoow dhacdooyinkaasi waaweyn hadana waxaa dalka ka dhacay sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012ka dhacdooyin isugu jiray kuwo xanuun badan islamarkaana murugo xambaarsanaa iyo dhacdooyin farxad leh.

Barnaamijka oo xambaarsan macluumaad farabadan oo codad ah qeybta Hoose Ka Dhageyso

-Horaantii Sanadkan waxa isbedelladii ugu horeeyey ee lala talaabsaday ka mid ahaa Howlgallo si guud uga socday gobollada Dalka ayadoo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen magaalooyin dhowr ah kuwaasi oo muhiim u ahaa Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab waxaana magaalooyinkaasi ka mid ahaa xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyn.

-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 uu ugu bilowday isbedel hormarineed oo dhinacyo kala duwan oo ay magaaladu ku talaabsaneysay maadaama dabayaaqadii sanadkii sanadkan hada tagay ka horeeyey ee 2011ka inteeda badan Muqdisho ka xorowday Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab waxaana muuqaalladii kala duwanaa ee xiligaas ka baxay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed amaba wararkii ay warbaahinta Qaranku ka tabineysay isbedelkaasi ka mid ahaa Suuqa labaad ee ugu Weyn Muqdisho Suuq Bacaad oo isbedel ganacsi uu billo kooban gudahood ugasoo muuqday kadib markii ganacsatadu ay heleen kalsooni, meeshana ay ka baxday awoodda kooxdii baadda joogtada ah ka qaadeysay ee Al-Shabaab.

–Dhanka Siyaasadda sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 waxa uu ugu bilowday khilaaf kaasi oo salka ku hayey xil ka qaadis ay Xildhibaannadiii Baarlamaanka ee xiligaasi jiray sheegeen iney ku sameeyeen Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaasi Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan halka ay Madaxdii Dalka ee xiligaasi jirayna ay kasoo horjeesteen xil ka qaadistii Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

–Madaxweynihii Dowladii DKMGka aheyd Shariif Sheekh Axmed ayaa koowda bishii January ee sanadkii 2012 oo aheyd maalintii ugu horeysay ee sanadkii aynu kasoo gudubnay shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka waxa uu ugasoo horjeestay xilka qaadistaasi lagu sameeyey isagoo ku tilmaamay arin aanan waafaqsaneyn sharciga.

—-Buuqaasi iyo kala fikir duwanaashihii uu ku bilowday sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 ka waxa uu noqday mid markaasi sii fida waxaana uu keenay in Xildhibaannadii Baarlamaanka ee xiligaasi jirey ay ukala qeybsameen laba qeybood taasina waxey horseeday inaanay xildhibaannadu yeelan wax kulan ah hadii ay dhacdana iney isugu yimaadaan xarunta golaha Shacabka ay buuq iyo dagaal ku kala tagaan sida mararka qaarkood dhici jirteyna dhiig ayaaba madasha ku daadan jiray.

—–Iskudayo dhowr ah oo Madaxda Dolwaddii KMGKa aheyd ee xiligaasi jirtay ay ku doonayeen in lagu xaliyo khilaafka Baarlamaanka ayaanay mira dhalin waayo xildhibaannadu waxey halkoodii kasii wadeen ku adkeysashada go’aanka ayadoo ugu dambeynna ay Xildhibaannadii qabay iney xil ka qaadis ku sameeyeen gudoonka ay xarunta Golaha Shacabka kaga dhawaaqeen iney Madoobe Nuunoow Maxamed u doorteen shir gudoon ayagoo arintaasina ku dhawaaqay Afarta bishii January ee bilowgii sanadkii tegay ee 2012.

—Isbedellada sanadkii aynu kasoo gudubnay uu dalka ugu bilowday waxaa ugu waaweynaa dhanka dib u dhiska waayo waxaa xiligaasi si xowli ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goobihii kale ee xiligaasi laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab dib u dhis lixaad leh waloow badankood lagu sameynayey xarumihii ay Dolwaddu laheyd waxaana xiligaasi mar qura isbedel dhanka bilicda ah laga dareemay magaalada Muqdisho sida laga dheehday muuqaallo ay Warbaahinta Qaranku xiligaasi magaalada ka baahisay kuwaasi oo habeen iyo maalinba lagasoo kala qaaday.

—Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xiligaasi Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa koowdii bishii January ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 waxa uu kormeer ku tagay xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo waqtigaasi dib u dhis xoogan lagu sameeyey.

—Sidoo kale waxaa xiligaasi ay Madaxda Dowladdii KMGka aheyd xarigga ka jareen dhismooyin dhowr ah kuwaasi oo dib u dhis lagu sameeyey qaarkood waloow dib u dhiskaasi ay Dowladdu la kaashatay dalal iyo hay’addo Soomaaliya saaxiibo la ah walaalaha Turkigaba ha ugu horeeyaanee.

—Isbedelladaasi dhanka nabadda ah waxey horseedeen in Hay’addo caalami ah oo markii hore dalalka deriska ah qaarkood xafiisyadooda ay ku shaqeyn jireen ay usoo guuraan magaalada Muqdisho sida xafiiskii siyaasadda Q.M ee Soomaaliya UNPOS oo isagu horaantii sanadkan Muqdisho looso raray 24-1-2012.

—Ka sokoow isbedelladaasi nabadeed in dib udhis laga bilaabo Caasimadda iney fursad u horseeday waxey kaloo isbedelladu abuureen in dad badan ay dalka dib ugusoo laabtaan si ay uga qeyb qaataan hormarka Dalkooda waxaana durbaba soo muuqatay in dadku ayaga oo aanay baqdin qabin isugu yimaadaan goobaha lagu damaashaado oo ay ugu horeyso xeebta Liido.

–Bilowga sanadkii aynu kasoo gudubnay howlgalladii xooganaa ee ka socday ee gobollada koonfurta,galbeedka iyo Bartamaha Dalkeenna waxey cabsi iyo wel wel lexaad leh ku fureen Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo bilowgii sanadka 2012 uu u ahaa bilowgii baaba’a awooddii ay umadda ku xasuuqayeen maadaama lagala wareegay magaalooyin dhowr oo muhiim ahaa waxey taasi keentay iney cabsi aawgeed u faarujiyaan magaalooyin aanay howlgalku gaarin ayaga oo maanka ku hayey in dadkii ku sugnaa deegaannada ay joogeen aysan abaal u ergen.

—-Inkastoo howlgalladaasi ay si xowli ah ku socdeen hadana howlaha kale ee dalka ka socday wey farabadnaayeen waayo howlgalladaasi qudhoodu waxey ka mid ahaayeen fulinta qeyb ka mid ah qariidadii Nabadda ee Road-Mapka taasi oo dalka looga saaray KMGnimadii mudada uu kusoo jiray waxaana si loo hirgeliyo qariidadaasi xiligaasi dar dar xoogan ku socday howlaha ku aadan qorista qabyo qoraalka Dastuurka waloow ay howsha ugu badan ee qorista Dastuurka ay ka socotay xiligaasi magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

—Markii ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammo ka socday dalalka deriska ay ka xoreeyeen maleeshiyada Al-Shabaab magaalooyin badan waxaa xiligaasi Madaxdii hogaamineysay Dowladdii KMG aheyd ay booqasho ku tageen deegaannada la xoreeyey.

—Ra’isulwasaarihii Xukuumadii KMG aheyd Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa 06da bishii January waxa uu booqasho ku tagay isaga oo ay wehliyeen Wasiirro ka tirsanaa xukuumadiisa iyo taliyeyaasha Ciidammada qaarkood magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo maalmo kooban ka xoreysneyd argigixisada Al-Shabaab waxaana uu markii lagusoo dhaweeyey Ra’isulwasaare Gaas xiligaasi magaalada Beledweyn uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey Ciidammada geesiyaasha ah ee naftooda u huray iney cadawga Al-Qaeda umadooda ka dulqaadaan.

—Hadii ay howlgalladaasi noqdeen kuwo guul laga gaaray islamarkaana laga xoreeyey magaallooyin badan oo Dalkeenna ka mid ah horaanta sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012ka Madaxdii Dowladdii KMGKa aheyd ee xiligaasi jirtay waxey tilmaameen iney muhiimad gaar ah siinayaan sugidda iyo xaqiijinta ammaanka gobollada la xoreeyey.

—Madaxweynaha Dowladdii KMGka aheyd Shariif Sheekh Axmed ayaa 8-bishii January waxa uu jeediyey khudbad taasi oo uu Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed amar ku siiyey iney u diyaar garoobaan sugidda ammaanka gobollada la xoreeyey xiligaasi.

—–Howlgalladaasi sida xowliga ah uga socday gobollada Dalka waxey keentay iney wiiqanto awoodii argigixisada Al-Shabaab waayo waxaa howlgalladaasi looga dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal farabadan,Ajaaniibtiina intooda badan dalka wey ka carareen kadib markii laga dilay rag uu ka mid ahaa Bilaal Al-Barjaawi oo lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn horaantii sanadkii tagay ee 2012 waxaana markaasi ay bilaabeen Maleeshiyaadkii la qalday iney kasoo baxsadaan kooxda Al-Shabaab maadaama uu kooxda gabalkeedu dhacayo ayaga oo iskusoo dhiibay Dowladda Soomaaliya.

—Waqti kooban gudaheed Maleeshiyada Al-Shabaab waxaa iskasoo dhiibay oo Dowladda dhankeeda soo maray Maleeshiyaad kumanaan gaaraya waana kuwan qaar ka mid ah Maleeshiyaadkii soo goostay xiligaasi oo ka hadlaya sababta ku ka liftay iney kooxdaasi kasoo goostaan.

—-Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kadib guullaha isdaba jooga ah ee ay gaareen waxaa horaantii sanadkan si aad ah iskusoo tarayey deeqo lagu dhiiragelinayo Ciidammada kuwaasi oo ka kala imaanayey qeybaha kala duwan ee bulshada waloow ay abaabulka dhiiragelintaasi lahaayeen Haween Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood.

—Horaanta sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012ka waxyaabaha ugu waaweyn ee dalka ka jiray Dowladuna ay la tacaaleysay waxaa ka mid ahaa Barakacayaal gobollada dalka ugasoo barakacay Abaar saameysay guud ahaan Gobolka ayadoo barakacayaashaasina ay Dowladdu u sameysay xerooyin kuwaasi oo caalamkana ay gar gaar ku siinayeen Barakacayaasha waxaana xerooyinkaasi aynu ka xusi karnaa Badbaado iyo Rajo.

—Madaxda Dowladdii KMGka aheyd xiligaasi waxey mar walba tegi jireen xerooyinka ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha ah si ay ula socdaan nolosha dhabta ah ee ay Barakacayaashu ku suganyihiin iyo in gargaarkii loogu talagalay loo gaarsiiyo sidii loogu talagalay , waakan Madaxweynihii Dowladdii KMGka aheyd Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaya horaantii sanadkii tagay kormeer uu ku tagay xerada rajo —-11-1-2012.

–Dhacdooyinka ugu waaweyn ee xusidda mudan iney ka dhaceen gudaha Dalkeenna sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 horaantiisa waxaa ka mid ah qorshe ay soo dejisay Dowladdii KMGka aheyd kaasi oo loogu talagalay in looga saaro dadkii sida sharci darada aheyd ku degenaa 20 sano ka badan dhulalkii Dowladda ee danta guud loogu adeegayey waxaana lagu guuleystay qorshahaasi oo intii ugu badneyd dhismayaashii Dowladda xiligaasi dadkii sharci darada ku degenaa waalaga saaray.

—Qorshaha dhismooyinka Dowladd dadkii sida sharci darada ahaa ku degenaa looga saarayey in kastoo ay dejintiisa waqti badan ay qaadatay hadana ololihii ugu ballaarnaa waxaa la qaaday Afartii bishii February xiligaasi oo ay Ciidammada Qalabka Sida dhismayaal muhiim ah dadkii degenaa ka saareen.

—Madaxweynaha Dowladdii KMGka aheyd Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maalintaasi jeediyey hadal uu ku muujinayey in ka saarida dhismayaasha Dowladda dadkii degenaa ay ka turjumeyso in Qarankii Soomaaliyeed uusoo laabtay.

—08-Bishii February sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee A-Shabaab waxey qarax naftii halignimo ah oo ay usoo adeegsadeen gaari lagasoo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxey la eegteen dadweyne ku shaahayey maqaayada Fatxi oo ku dhegan Hotelka Muna ee degmada Xamarweyne waxaana ay argigixisadu weerarkaasi bahalnimo ku dileen 11ruux ku dhowaad 20 kalena waa ay ku dhaawaceen waloow dadkii dhaawacyada ay soo gaareen loo qaaday dalka Turkiga si loogusoo dabiibo.

—18kii bishii February waxaa magaalada Garoowe lagusoo gebagebeeyey shir socday mudo Seddex cisho ah kaasi oo looga hadlayey dastuur u sameynta dalka waxaana shirkaasi ka qeybgalay dhinacyo kala metelayey Dowladdii KMGka aheyd, maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaana dhinacyada kulankaasi Garoowe 2 ka qeybgalay ay qalinka ku wada duugeen heshiis qeyb ka ahaa sidii dalka looga saari lahaa KMGka.

—-22kii Bishii February ee Sanadkii 2012ka Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ethiopia ayaa magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ka xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

—23kii Bishii February ee isla sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012ka waxaa magaalada London lagu qabtay shir ay marti gelisay Dowladda Ingiriiska ayadoo shirkaasina uu ka mid ahaa shirarkii ugu waaweynaa ee Soomaaliya arrimaheeda looga hadlayo ee ka dhaca caalamka waxaana kasoo qeybgalay madax ka kala socotay in kabadan 50 Dal waxaana gebagebadii shirkaasi qodobadii kasoo baxay ka mid aheyd in Dowladdii KMGka aheyd iyo maamulka Somaliland ee walaalaha Waqooyi Galbeed ay wada hadlaan.

—07dii bishii March ee sanadkii aynu kasoo gudubnay 2012 tartan faneed tijaabo ah ayaa lagu qabtay xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee National Tyater ayadoo tartan faneedkaasina ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareysay Dowladdii KMGka aheyd iyo qeybaha bulshada.

—19kii bishii March ee sanadkii 2012kii diyaaradda Turkish Airways oo sameysay duulimaad heer caalami oo toos ah bur burkii kadib ayaa munaasabad xarigga looga jarayey waxaa lagu qabtey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

—23kii Bishii March Madaxweynihii hore ee Dalka Allaha u naxariistee Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta ayadoo Madaxweynahana aas qaran loogu sameeyey gudaha Dalka.

—Afarta Bishii April ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab waxey weerar qarax oo ay fulisay haweeney nafteed haligto ah kusoo qaadeen xarunta Tiyaatarka Qaranka xili ay ka socotay Munaasabad loogu dabaal degayey sanad guurradii Koobaad ee kasoo wareegatay dib u howlgelinta Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaana qaraxaasi ku dhintay dad gaaraya 6 ruux oo bulshada muhiim u ahaa sida hogaankii Sportiga Dalkeenna.

—Ra’isulwasaarihii DKMGka aheyd Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo markii uu qaraxaasi dhacayey khudbad ka jeedinayey Munaasabadda ayaa qaraxa kadib weerarkaasi cambaareeyey isagoo dhanka kalena tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi.

—Dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa gar gaar caafimaad u fidisay wariyeyaashii ku dhaawacmay qaraxii tiyaaratka waxaana 29kii Bishii April laga qaaday magaalada Muqdisho wariyeyaashii qaraxaasi ku dhaawacmay qaarkii uu dhaawacooda cuslaa.

—Bishii May Koowdeeda sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012 Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab waxey qarax uu fuliyey ruux naftii halige ah xili galab ah kusoo qaadeen maqaayad lagu shaaho oo ku taala degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana qaraxaasi u dhintay dad ku dhow 10 ruux oo laba ka mid ah ahaayeen Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaankii hore kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/weli Aw-Maxamuud ayadoo sidoo kalena la xaqiijiyey in goobta dadka ku dhaawacmay uu ku jiro Siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan, weerarkaasi bahalnimo mas’uuliyadiisa waxaa ku faanay argigixisada Al-Shabaab.

—-05-May-2012 waxey aheyd maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed waayo waxaa maalintaasi magaalada Muqdisho ka furmay shir bilow u ahaa shirarkii kala dambeeyey ee lagu unkay Dowladda aan KMGka aheyn waxaana shirkaasi uu ahaa shirka Odayaasha Dhaqanku ay kusoo xulayeen ergada ansixisey Dastuurka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka shirkaasi oo Odayaasha Dhaqanku ay ka kala yimaadeen guud ahaanba gobollada Dalkeenna.

—-14kii-May-2012 magaalada Muqdisho waxaa laga hirgeliyey baallihii ugu horeeyey ee cadceedda ku shaqeeya kuwaasi oo markii dambe si guud intabadan wadooyinka Muqdisho looga hirgeliyey waxaana baalleyaashaasi ugu deeqay maamulka gobolka Banaadir dowladda Norway ayadoo xili habeen ahna uu xarigga ka jaray Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

—24kii-May-2012 Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayadoo sidoo kalena ay Ciidammadu xaqiijiyeen ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ka mid aheyd goobaha ay sida aadka ah argigixisada ugu xooganaayeen.

—31-May-2012 Ciidammada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxey la wareegeen gacan ku heynta degmada Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose ayadoo isla maalintaasin ay maleeshiyada Al-Shabaab cabsi aawgeed u baneeyeen degmada Bu’aalle e gobolka Jubada Dhexe.

—01-June-2012 waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu qabtay shir ay dowladda Turkigu soo qaban qaabisay kaasi oo ay ka qeybgaleen dowladdo badan iyo madaxdii Dowladdii KMGKa aheyd waxaana shirkaasi laga soo saaray warmurtiyeed nuxurkiisu ahaa in la bedelo qaabka ay caalamka Soomaaliya u taageeri jireen.

–20kii-June-2012 waxaa magaalada London ee xarunta dalka Briatian ka furmay wadahadallo u dhaxeeyey Dowladdi KMG aheyd iyo maamulka Somaliland wadahadaladaasina waxaa lagasoo saaray qodobo is afgarad ah oo labada dhinac bilow ugu ahaa wadahadallo ay si fool ka fool ah isugu soo hor fariistaan.

—26kii-June-2012 Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxey si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

—-Ra’isulwasaarihii Xiligaasi ee Dowladdii KMGka aheyd Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saacado kadib markii ay Ciidammada Dowladda la wareegeen degmada Balcad waxa uu kormeer ku tagay degmadaasi isaga oo hadalna u jeediyey dadweynaha reer Balcad oo iskusoo baxay.

—29kii-June-2012 waxaa magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta ku kulmay Madaxweynaha Dowladii KMGka aheyd iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaana ay qalinka ku wada duugeen heshiis ay ugu muhiimsaneyd adkeynta qodobada shirkii London iyo in ay wada saxiixeen qodob cusub oo la xiriiray in la isku furo ganacsiga iyo isku socodka labada shacab.

—Madaxweynaha Dowladdii KMGka aheyd Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa 30kii-June-2012 markii uu kasoo laabtay magaalada Dubai waxa uu Odayaashii dhaqanka ee magaalada Muqdisho ku kulansanaa uga warbixiyey kulammadii ka dhacay Dubai ee dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha maamulka walaalaha waqooyi Galbeed Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

—25kii-Jully-2012 waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii ansixinta Dastuurka ayadoo furitaankii shirkaasina ay ka qeybgaleen Madaxdii ugu sareysay Dowladdii KMGka aheyd waxaana shirkaasi ka qeybgalay ergo gaareysay 750 oo ay soo xuleen Odayaashii dhaqanka ee Muqdisho ku kulansanaa.

—27kii-Jully-2012 Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna ayaa kasoo muuqday fagaareyaasha caalamka oo mudo 20sano badan uu ka maqnaa waxaana astaanta Qaranka Dalkeenna laga garaacay fagaaraha furitaankii tartanka Olombikada London .

–01-August-2012 waxey ka mid aheyd maalmihii ay dhaceen guullihii ugu waaweynaa ee dalka uu uga gudbay KMG waayo maalintaasi waxaa dugsiga tababarka Ciidammada Booliiska ee General Kaahiye lagu ansiyey Dastuurka Dalka kaasi oo ay ansixiyeen ergo ka kooban 750 xubnood.

—Madaxweynaha Dolwadii KMGka aheyd Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad uu ka jeediyey xeritaanka shirkii ansixinta Dastuurka waxa uu ku tilmaamay guul ballaaran oo umadda Soomaaliyeed usoo hooyatay.

—04-August-2012 Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta garoonkii diyaaradaha NO 50 ee gobolka  Shabeelada Hoose.

—20kii-August-2012 waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey Tiradii ugu horeysay ee ka mid noqota Baarlamaanka Soomaaliya kadib munaasabad Ballaaran oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana markii la dhaariyey kadib xildhibaannadu ay si kmg ah u doorteen shir gudoon kaasi oo noqday General Muuse.

—28kii-August-2012 Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka waxaana doorashadaasi oo ku tartamayeen ilaa Shan musharax ku guuleystay in loo doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.

—Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo markii loo doortay kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya khudbad ka jeediyey madasha ayaa Xildhibaannada doortay u mahad celiyey isagoo ducadanna jeediyey.

—28kii-August-2012 Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno kala oo ku dhow halkaasi oo ka mid aheyd goobihii ay sida aadka ah ugu xooganaayeen Maleeshiyada argigixisada ah ee Al-Shabaab waxaana la wareegidaasi si aad ah usoo dhaweeyey shacabka Marka Cadeey ku nool.

—-10kii-September-2012 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay guullihii ugu waaweynaa ee ay Umadda Soomaaliyeed gaaraan waayo Caasimadda dalka ayaa mudo 42sano kadib lagu qabto doorasho Madaxweynenimo waxaana maalintaasi dugsiga tababarka ciidammada Booliiska ee General Kaahiye lagu qabtay doorashada Madaxweynaha Dalka oo ay ku tartamayeen in kabadan 10 Musharax waxaana ugu dambeyn doorashadaasi ku guuleystay Madaxweynaha iminka talada dalka haya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

—Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa markii ay tirinta codadka soo gebagebowday kadib ku dhawaaqay habeenkaasi natiijada.

—-Madaxweynihii Hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna markii lagu dhawaaqay natiijada kadib jeediyey Khudbad isaga oo tilmaamay inuu natiijada doorashada aad ugu faraxsanyahay waxaana uu ugu hambalyeeyey Madaxweynihii doorashada ku guuleystay.

—Madaxweynaha La doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna markii loo dhaariyey xilka kadib waxa uu jeediyey habeenkaasi khudbadiisa ugu horeysay.

—Caalamka taageerro iyo guud ahaanba dadka Soomaaliyeed ayaa waxey si wadajir ah ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha guuleystay ayaga oo doorashadaasina ku tilmaamay mid taariikhi ah.

—16kii-September-2012 Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynenimo kadib munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo aheyd Caleemmo saarka Madaxweynaha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayadoo Munaasabadaasina ay kasoo qeybgaleen Madax ka kala socotay dalalka deriska iyo kuwa carabta qaarkood.

—20kii-September-2012 waxey aheyd maalin madoow waayo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxey weerar qaraxyo ah oo loo adeegsaday dad isku soo xeray walxaha qarxa oo naftooda haligaya ay ku qaadeen beerta Vilagge ee ku dhow guriga hooyooyinka waxaana goobtaasi ku geeriyooday dad farabadan oo ay ku jireen wariyeyaal qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed sida Allaha u naxariistee Madaxii wararka Telefishinka Qaranka Liibaan Cali Nuur, Madaxii Barnaamijyada Telefishinka Qaranka C/sataar Daahir Sabriye iyo Agaasimihii idaacadda VOD Radio Xamar C/raxmaan Yuusuf waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay in kabadan 20 qofood.

—Madaxda Dalka iyo Hay’adaha Ammaanka Dalka ayaa markii falkaasi uu dhacay kadib ka hadlay cambaareyn kadibna waxa ay shacabka Soomaaliyeed u ballan qaadeen in falkaasi foosha xun loo aargudi doono.

—Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa iyaguna Ballan qaaday ineysan falalka argigixisonimo wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha ay Warbaahinta Qaranku u heyso Shacbiga Soomaaliyeed waakan agaasimaha Warbaahinta Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo xiligaasi fariintan argigixisada u diray.

—01-Octobtar-2012 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii ugu horeysay ee uu uga ambabaxo magaalada Muqdisho tan iyo intii la doortay waxa uu ku aaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo uu kulasoo kulmay,waxgarad,saraakiil,mas’uuliyiinta maamulka gobolka Baay iyo qeybaha bulshada ee ku nool magaalada Baydhabo.

—-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka magaalada Baydhabo u jeediyey khudbad uu ku dhiirageliyey iney taageeraan dowladnimadooda.

—02-Octobar-2012 Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose halkaasi oo noqotay bartii ugu muhiimsaneyd ee ay ku harsanaayeen maleeshiyada argigixisada ah ee Al-Shabaab.

—06-Octobar-2012 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la tashiyo dheer kadib waxa uu u magacaabay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayadoo munaasabaddii lagu magacaabayeyna oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka.

—Ra’isulwasaaraha La magacaabay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii xilkaasi loo magacaabay waxa uu ka jeediyey munaasabadda khudbad isaga oo ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayaleh.

—17-Octobar-2012 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod caqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’isulwasaaraha la magacaabay Mudane Cabdi Faarax Shiroon (Saacid) waxaana markii ay xildhibaannadu ansixiyeen kadib loo dhaariyey xilkiisa.

—04-November-2012 Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magacaabay golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 10 Wasiir oo laba ka mid ah ay dumar yihiin waxaana magacaabistasi lagu shaaciyey Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka.

—13kii-November-2012 Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod caqlabiyad leh waxey ku ansixiyeen Xukuumadda uusoo dhisay Ra’isulwasaare Saacid

—15kii-November-2012 waxaa xarunta golaha shacaka ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyey Golaha Wasiirrada waxaana munaasabadaasi dhaarinta Wasiirrada goobjoog ka ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka.

—Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim oo markii la dhaariyey golaha Wasiirrada kadib waxaa khudbad ay ka jeedisay xarunta golaha Shacabka waxey ku ballan qaaday iney si daacad ah u gudan doonaan xilka loo dhaariyey.

—25kii-November-2012 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku marti geliyey shir Ballaaran oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka,Ra’isulwasaaraha Dalka oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada sida Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida oo ay hogaaminayeen Taliyeyaashooda.

—Shirkaasi Ballaaran waxaa looga hadlayey sidii loo qaadi lahaa isbaarooyin si sharci darro ah lacago looga qaadi jirey gaadiidka iyo ka hortaga kufsiga lagula kaco Dumarka Soomaaliyeed waxaana laga soo saaray go’aanno si adag loo hirgeliyey.

–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi khudbad uu ka jeediyey waxa uu tilmaamay inaanan la aqbali Karin in dumarka Soomaaliyeed kufsi lagula kaco iyo in dadka isbaarro loo dhigto.

–Kulankaasi wixii ka dambeeyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxey magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood ka sameeyeen howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka sharci darada ah gaadiidka lacagaha looga qaadi jiray waxaana howlgalladaasi lagu qaaday in kabadan 100 isbaaro.

Xusid

Waxaa xusid Mudan in mudadii sanadka aheyd ee aynu kasoo gudubnay ee 2012 ay dhamaan dhacdooyinka dalka ka dhacayey ay ugu badnaayeen fashilin ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya fashilinayeen weerarro ay soo qorsheynayeen kooxda Argigixisada ah ee Al-Shabaab ayadoo ciidammadu ay gacanta ku dhigeen baabuur lagasoo buuxiyey walxaha qarxa, qaraxyo wadooyinka lagu aasay, iyo jaakado waxyaabaha qarxa lagusoo xirayey.

Sidoo kalena mudadii sanadka aheyd ee aynu kasoo gudubnay waxaa si aad ah magaalada Muqdisho iyo gobollada ku dhow dhow ay Ciidammada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafikada ka hirgeliyeen sharciyadii wadooyinka.

Tababarrada Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya si dib u dhiskooda loogu guuleysto ayaa iyana mudadaasi sanadka ahaa kuwo joogto ah waxaana xerooyin dhowr ah oo ku yaala gobollada Dalka iyo dibadda tababarro loogusoo xeray ciidammo kumanaan gaaraya kuwaasi oo dib udhiskooda laga dheehan karo dhoolatusyada kala duwan ee ay Ciidammadu kusoo bandhigeen munaasabadahooda.

Dilalka Saxafiyiinta Gudaha Dalka Lagu Dilay Sanadkii Tagay

Xasan Cabdi Cismaan (Fantastik) Agaasimihii Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Degmada Wadajir qeybo ka tirsan ku dilay 28kii January- 2012.

Abuukar Xasan Kadaf Agaasimihii Idaacadda Somaliweyn ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan waxey ku dileen 28kii February degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wariye Cali Axmadeey oo ka tirsanaa Radio Gaalkacyo ayey kooxo bastoollado ku hubeysan ku dileen waqooyiga magaalada Gaalkacyo Afartii bishii March ee horaantii sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012ka.

Wariye Farxaan Jeemis Cabdulle ayaa bishii 2-May-2012 waxey kooxo bastoollado ku hubeysan ay ku dileen magaalada Gaalkacyo dhankeeda waqooyi xili uu ka yimid goobtiisa shaqo kunasii jeeday gurigiisa.

24kii-May-2012 kooxo ku hubeysan Bastoollado ayaa degmada Dharkenley ku toogtay Wariye Axmed Cadoow Canshuur oo ka tirsanaa wariyeyaasha Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

31kii-Jully-2012 kooxo bastoollado ku hubeysan ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay Jilaa sare Cabdi Jeeylaani Malaaq (Marshaalle).

12-August-2012 kooxo bastoollado ku hubeysan ayaa degmada Dharkenley ku dilay Allaha u naxariistee Yuusuf Cali (Yuusuf Fareey) oo ka tirsanaa Agaasimeyaasha Wasaaradda warfaafinta mudo fogna kasoo shaqeynayey Radio Muqdisho.

23kii-Ocotbar-2012 kooxo bastoollado ku hubeysan ayaa magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool ku dilay Wariye Axmed Saakin Faarax oo ahaa wariyhii telefishinka Universal magaaladaasi uga warami jirey.

29kii-Octobar -2012 Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ay kooxo bastoollado ku hubeysan u geysteen.

29kii-Octobar-2012 kooxo hubeysan ayaa degmada Waaberi ku dilay Abwaan Warsame Shire Cawaalle oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed.

Dilalka Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ee sanadkii tagay la dilay

Xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayey kooxo hubeysan ku dileen duleedka degmada Caluula ee gobolka Bari 27kii –January -2012.

Guddoomiyahii Xaafadda Israac Marxuum C/raxmaan Maxamed Cabdulle ayaa 06-February-2012 kooxo bastoollado ku hubeysan waxey ku dileen magaalada Gaalkacyo.

Allaha u naxariistee Abwaan Xasan Warsame Xiireey (Xasan Gabay) ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan waxey ku dileen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir 22kii-May-2012.

16kii-Jully-2012 Xildhibaan Maxamuud Garweyne oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee KMGka ahaa islamarkaana xukuumadihii KMGka ahaa qaarkood xilal wasiir kasoo qabtay ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

–04-August-2012 kooxo bastoollado ku hubeysan ayaa albaabka hore ee masjidka Marwaas ee degmada Xamarweyne ku toogtay Marxuum Ibraahim Iimaan oo ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

–22kii-September-2012 kooxo hubeysan ayaa degmada Waaberi ku dilay Allaha u naxariistee Marxuum Mustaf Xaaji oo ka tirsanaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

09-Kii-November-2012 Malaaq Isxaaq Xaaji Ibraahim oo ka mid ahaa odayaal dhaqameedyadii soo xulay ergadii ansixiyey Dastuurka ayaa kooxo bastoollado ku hubeysan waxey ku dileen magaalada Muqdisho.

DHAGAYSO: Dhacdooyinkii 2012-ka oo dhamaystiran, Doorashadii Taariikhiga ahayd iyo Amaankii…
Waxaan Halkan idiinku soo gudbinayaa maqalka barnaamij gaar ah oo ay Idaacada VOA ka diyaarisay dhacdooyinkii waa weynaa ee Soomaaliya ka dhacay sanadkii tagay 2012-ka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya soo maray taas oo ay ugu waa weyneyd Shirkii London, kii turkiga, Booqashadii Madaxda caalamka ee Muqdisho doorashadii barlamaanka, doorashadii Madaxweynaha a qaranka Soomaaliya  soo magacaabidii Ra’isul Wasaaraham qabashadii magaalooyinka waa weyn ee Soomaalida sida Afgooye, Balcad, Marka, Jowhar, Afmadow, Kismaayo iyo arimo kale.

Riix Halkan si aad udhagaysato Barnaamijkaas oo dhamaystiran

DHAGAYSO: Dhacdooyinkii 2012-ka Faa’ido ama Faa’ido daro ayay uhaayeen Soomaaliya
Mid kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si dheer kaga hadlay waxii dhacay sanadkii tagay e 2012-ka inay ahaayeen wax uwanaagsan Soomaaliya iyo Soomaalida.

Pro Heerow oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2012-ka uu xasuus badan ku reebay shacabka Soomaaliyeed.

Riix Halkan si ad udhagaysato Waraysiga Aqoonyahanka

DHAGAYSO: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan oo ka bad baaday isku day lagu qaraajin lahaa
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa manta ka bad baday isku day lagu qaarajin lahaa.

Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in waxyaabaha usoo dhiibeen mid kamid ah xubnaha ka shaqeeya xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Tarsan.

Waxyaabahan qarxa ayaa waxaa loo soo dhiibay Tahliil C/lahi Muumin, waxaase intii uusan falkas gaysan ogaaday qaar kamid ah saraakiisha amaanka gobolka Banaadir.

Riix Halkan si ad udhagaysato Ninka Qaraxa gaysan lahaa iyo Taliska ciidamada

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Col Maalin ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninkii falkaas weerarka ah gaysan lahaa iyo waxyaabihii qarxa ee uu falka ku gaysan lahaa.

‘Waxaa la igu soo wargeliyay inuu jiro kiiskan, waxaan qabanay ninkan lagu magacaabo Tahliil kadib waxaan helnay waxyaabaha qarxa”ayuu sheegay Col Maalin.

Isagoo hadalkiisa ayaa waxaa uu sheegay Col Maalin in ay sii wadayaan baaritaanka lau ogaanayo sababta falkaas dilka ah loogu gaysan lahaa Tarsan.

Tahliil C/lahi Muumin ayaa qirtay in rag Shabaab ah ay usameeyeen balan qaadyo badan oo la siin doono hadii uu waxyaabaha qarxa dhigo mid kamid ah goobaha uu tago gudoomiyaha gobolka Mudane Tarsan.

Waa Weerarkii ugu horeeyay ee la isku dayo in lagu dilo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Warqaad.com/Muqdisho Office

Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Degmada Kaxda Ee G/Banaadir ?
JUQURAAFI AHAAN HALKA AY KU TAALO DAGMADA KAXDA:

Dagmada Kaxda waxa ay dhacdaa koonfur galbeed ee Gobolka Banaadir waxaana dhanka Galbeed ka xiga Dagmada Dharkeenlay, Sidoo kale waxaa dhanka koonfur ka xigta Dagmada Lafoole ee Gobolka SH/Hoose.

Dagmada waxa ay ka soo bilaa baataa Ex-Controle Afgooye waxayna ku egtahay Siinka dheer ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagmada kaxda qiyaas ahaan waxay ku fadhisaa DHUL GAARAYA 10KM OO WAREEG AH.

#WAAX-YAHA AY DAGMADA KAXDA KA KOOBANTAHAY:

Waxay ka kooban tahay 5 waax-yood oo kala ah

1. Janeraal liiq-liiqato

2. Cali Janaale

3. Barwaaqo

4. Km13 ( N.B: Wali magac toos ah looma bixinin)

5. Shimbiraale

Dagmada kaxda waxaa maro ilaa 4-wado oo ay midiiba tahay (30 mitir).

MIDA 1-AAD: waa waddada koobaade waxay ka Timaadaa Xaafada Xoosh waxayna gaartaa laanta Cali janaale.

MIDA 2-AAD: waa mida labaade waxay sidoo kale ka timaataa EX-Controle-ka Afooye waxayna soo gasha waaxdaa Barwaaqo.

MIDA 3-AAD: waa mida seddexaade iyadana waxay ka timaadaa waaxda Barwaaqo oo waxay tagtaa ama ay gaartaa xaafada kaaba godey ee dagmada Wadajir.

MIDA 4-AAD: waa mida afaraade iyadana waxay ka timaadaa waaxda Cali Janaale waxayna tag-ta xaafada Jaziira ee Dagmada wada jir.

#XAALADAHA AY SOO MARTAY DAGMADA KAXDA

Dagmada kaxda waa DAGMADII 17 –AAD ee G/banaadir waana dagmo aad u facwayn, laakin soo martay marxalado kala duwan,waxaana si toos ah dagmo loogu aqoonsaday ama looga dhigay dhigay 15/10/2012 maalin isniin ah waxayna ku aasaasantay dhibaatooyinka faraha badan kuwaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana dib u dajin iyo dib u dhis balaaran lagu sameeyay sanadii 2007-dii waqtigaas oo ahaa waqti aad u xun, ayaa dadka deegaankaasi ku nool waxaa lasoo daristay dhibaatooyin farabadan oo ay kamid ahaayeen COLAADO, ABAARO, iyo BARA KAC iyo dhibaato dhanka bulshada, iyo siyaasadaba, taas oo ay usoo mareen himiladooda oo ahayd inay mar qura arkaan deegaankooda oo noqdo Dagmo buuxdo oo ka tirsan G/banaadir.

Hadaba howshaasi dhibka badan waxaa u istaagay ama u tafa xaytay go’aana ku gaaray inay siwalba iyo wakhti walba ugu dhabar adeegeen dabadeedna ay ku guulaysteen.

Dadkaa ayaga ahaa waxaa soo magacaabay bulshada ku abtirsata dagmada kaxda oo waxa ay marwalba kusocdeen latashiyo ay dadka lasamaynayaan,

taasi oo keentay in ay ugu dambayn gaaraan hadafkoodii.

#HOR MARKA DAGMADA KAXDA:

Waxaa kuyaala 3-school oo kala ah:

1.Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Caynu shamsi.

2.Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee AL-Ixsaan.

3.Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee AL-misbaax .

1. Caynu shamsi secondary school: Oo ah Dugsi Hoose Dhexe iyo Sare ahna dugsigii ugu horeeyay ee yeesho heer dugsi sare taasi oo ladhihi karo waa talaabo lagu farxo oo ay gaareen dadka dagmada ayagoo kaashanaya aqoon yahanadooda iyo cuqaashooda.

2. AL-Ixsaan secondary school: Oo ah dugsiga 2-aad ee yeesho heer dugsi sare lana dhihi karo waa talaabo markale lagu farxo oo ay ku amaan yihiin bulashada iyo aqoonyahanda.

3. AL-misbaax primary oo ah school: Dhawaan ayaa la asaas-aasay walina nasiib uma yeelan inuu helo heer dugsi sare.

#DHANKA DIINIGA:

Waxaa kuyaala dugsiyo kor u dhaafayo 20-dugsi quraan oo isugu jiro kuwo Tajwiid iyo kuwo kale.

waxaa kaloo kuyaala ilaa 13-maasjid sidoo kale waxaa jirta xer sitoos ah kutuba cilmiga uga daalacata SHEIKH MAXAMED NUUR MACALIN IBRAAHIM.

DHANKA CEEL BIYOODKA IYO CAAFIMAADKA

Waxaa dagmada kaxda kuyaala ilaa 3-CEEL, sidoo kale waxaa kuyaala ilaa 2-MCH iyo hal ISBITAAL oo kaliya lkn waxa uu qabtaa caruurta iyo umulisada balse dhamaan hada sidii loogu talagalay uma shaqeeyaan.

#DHANKA WADOOYINKA

Gabi ahaan dagmada kaxda malahan wado laami ah, balse waxaa jirta wado macmal ah taasoo dhib ku ah maritaanka gawaarida sida BL-ka iyo kuwa raaxada, Maxaa yeelay waxaan nahay dad shacab ah oo aan awoodin baahiyihii ay dhamaystiri jirtay dowlada, waxaana jirta daruufo farabadan oo aan kasoo marnay dhibaatooyin aan marnaba lagu soo koobi Karin qoraal gaaban .

aad ayaad ugu mahadsantihiin sida wacan ee aad u akhrisateen warbixintii qiimaha badnayd ee aan ku soo qaadanay dagmada kaxda.

W/Q: C/raxmaan Maxamed Macalin C/laahi (Mr: UK)

Tell: +277 3125 8074

Xaafada Parow, Cape town – South africa

Email:

cabdiraxmaanuk@gmail.com

cabdiraxmaanuk@hotmail.com

cabdiraxmaanuk@yahoo.com

DHAGAYSO: Qaar kamid ah Madaxdii soo dhaweysay Dr Gaas oo xabsiga loo taxaabay
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Puntland ay xabsiga dhigeen Mid kamid ah xubnihii ugu caansanaa ee soo dhaweeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Gaas.

Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan “”Faarax Gaab” oo ah siyaasi caan ah horeyna u ahaa xoghayntii Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi ayaa xabsiga loo taxaabay.

Gaadiid dagaal oo aad ubadan ayna wataan ciidamada amaanka Puntland ayaa si xooga ah kusoo ka xeeyay Siyaasigan kadibna xabsiga dhigay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa usheegay saxaafadda in qof walba hadii danbi uu galo uu xabsi mutaysanayo.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Gudoomiyaha.

Sargaalkan ayaa sheegay inuusan waxba kala socon xariga loo gaystay siyaasigan caanka ka ah Puntland sidoo kalana kamid ahaa dadkii soo dhaweeyay Dr Gaas.

Ciidamada xariga gaystay ayaa si gaar ah uga amarqaadanayay madaxweynaha Maamulka Puntland C.Raxmaan Faroole waxaana ay isugu jiraan kuwa badda iyo kuwa nabad sugida.

Dhanka kale Ciidamo uu hogaaminayo taliyaha magaaladda Boosaaso ayaa weerar ku qaaday Xarunta xisbiga isbadal doonka ee Puntland, iyadoona jirdil loo gaystay qaar kamid ah saraakiishii xisbigaas kuwa kalana xabsiga loo taxaabay.

Xiisad siyaasaded oo aad ukacsan ayaa ka jirta deegaanada Puntland tan iyo markii uu halkaas gaaray Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Gaas.

Warqaad.com/Muqdisho Office

Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

Dawladda Sucuudiga oo Dhisaysa Masaajid Qaadaya 1.6 Milyan oo Qof
Dawladda Sucuudiga ayaa ku tala jirta inay dhisto masaajid aad u weyn oo qaadaya dad gaaraya 1.6 miylan sida ay sheegtay saxaafada dalkaas, iyagoo ku beddeli doona goobo taarikhi ah oo halkaas ka dhisan.

Dawladda Sucuudig si ay masaajidkan u dhisto waxay dumin doonta saddexda masaajid ee adduunka ugu qadiimisan, waxaanay mashruucan cusub ku bixin doonaan malaayiin lacag ah si ay magaalada barakaysan ee Mecca uga hirgelyaan masjid aad u baaxad weyn.

Masaajidka ayaa noqon doona masjidka adduunka ugu weyn, marka la eego dadka uu qadaayo ee gaadhaya 1.6 milyan oo qofk, balse arrintan ayaa laga yaaba in dadka taariikhda ururiya ka soo horjeestaan, sababtoo ah waxa masaajidkan dartii loo burburiyana qaar taariikhda islamka ku xardhan.

Dhanka kale, dawladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inaanay qorshaynayn inay burburiso saddexaas masaajid ee qadiimiga ah, kuwaasoo jiray ilaa qarnigii toddobaad, dhismahoodana ay hirgelisay boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Ibraahim Kharad Saciid

DHAGAYSO: Axmed Madoobe oo kahadlay Doorka Ururkiisa ee Maamul usamaynta Jubooyinka iyo Awood qeybisga Beelaha
Gudoomiyaha ururka Raaskambooni ee qeybta ka ahaa ciidamadii la wareegay horaantii bishaan October magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay si awood ahaan kismaayo maamulka loo sameynayo la qeybsan doono.

Axmed madoobe ayaa wareysi uu siiyey laanta afka somaliga ee BBC-da ayuu sheegay in lagu kala badan yahay beelaha deggan kismaayo sidaana loo wadaagi doono xilalka maamulka kismaayo lagu wado in looga dhawaaqo.

Sheikh Axmed maxamed islaam ayaa  cod dheer ku sheegay inay muhiim tahay in maaamulka kismaayo si awood beeleed ah loo qeybsado islamarkaana ku cel celiyey inay iyaga ubadnaan doonaan beel ahaan.

Riix Halkan si aad Waraysiga udhagaysato

Waxaa uu sheegay in aan beelaha dega Jubooyinka loo fiiri doonin waa beel yar hase ahaatee cid walba intii xaq ay uyeelato ay heli doonto.

Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad diidan awood qeybsiga beelaha dega Jubooyinka.

Axmed Madoobe waxaa uu soo hadal qaaday cida ay tahay in Maamul ay usamayso Jubooyinka, ma dowlada Soomaaliyaa mise IGAD.

Wariye Warqaad.com  katirsan oo kusugan kismaayo ayaa soo sheegaya in ciidamada Raaskambooni maalmihii lasoo dhaafay halkaasi kawadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayey iyagoo dad badana xabsiga utaxaabay.

Axmed madoobe waxa uu ku dhiiri geliyey ciidamadiisa iyo kuwa kale ee kismaayo qabtay inay ku dadaalaan sugida amaanka iyo la socodka qolyaha falalka amni darada ka wada magaaladaasi.

Kismaayo oo ah xarunta Gobolka J/hoose ayaa horaantii bishan waxa la wareegay ciidamada Kenya,kuwa dawlada somaliya iyo ciidamo hoostaga axmed madoobe iyagoo iminka isku diyaarinaya maamul buuxa in loo sameeyo magaalada kismaayo.

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somaliya

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

Wax Badan Ka Baro Maalinta Carafo “Kororso Aqoontaada Ku Aadan Maalinta Carafo”
Maanta oo ah maalintii 9aad ee bisha Dil-Xijja (carafo) ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda. Maanta waa maalinta ay Xujeeyda ay u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, tanoo ka mid ah tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan ansax noqonaynin xajka, sida uu Xabiibka Suubbanaha Muxammad (scw) uu u yiriba: ”Xajku waa Carafa”, taasoo loola jeedo istaagga buurta Carafa.

Hadaba Si Aad waxbadan uga barato Maalintan

Riix Halkan si aad u Akhriso