Warqaad.com » Maqaalo

Waa la kala tegay oo la kala durkay,qabiil qabiilna loo kala baxay, 15ka Meyey yaa ku xusuusan?(Qeybta 1-aad)
Soomaaliya waxay dunida kaga taala bariga Afika,waxaana loo yaqaan mandiqada ay ku taalo:geeska Afrika,bedka Soomaaliya waxaa lagu qaddiray 320 kun mayl oo isku soo wareeg ah ama 640 kun kiilo meter oo isku soo wareeg ah,dhinaca bari waxaa ka xiga badweynta India,galbeedkana Itoobiya,waqooyina waxaa ka xiga badda cas,khaliijka Cadan iyo Jabuuti, konfurna waxaa ka xiga Kenya,waxayna Soomaaliya ku taal meel istaraatiiji ah oo aad u muhiimsan,waxay ka mid tahay xeebaha ugu dheer Afrika, waxaana dhererkeedu lagu qaddiray 3335 kiilo meter,ballaceeduna waxaa lagu qaddiray 170 kiilo meter.

Soomaaliya waxay kaloo leedahay labo webi oo waaweyn lana kala yiraahdo:Jubba iyo Shabeelle,Shabeellana waxaa lagu tiriyaa in uu yahay webiga ugu dheer bariga Afrika kaasoo dhererkiisu lagu qaddiray 2488 kiilo meter oo isku soo wareeg ah,dhul beero ku habboona Soomaaliya wey leedahay,meesha ay Soomaaliya ku taalo waxaa u suuroggeli karta in ay xakamayso marinka Baabal Mandab oo gaaraya ilaa badda cas oo dhinaca Afrika ka imaanayo,sidaas daraadeed waxaa u suuraggeli karta in uu xukumo jidadka badda ee ka imaanaya badda dhexe siina maraya Suwes canal ilaa bariga Afrika iyo bariga fog iyo wixii ka soo horjeeda barigaas fog.

Inkastoo Soomaaliya lagu tiriyo waddamada kulul ee Afrika “iyadoo konfurta Soomaaliya uu maro dhul baraha addunka ee loo yaqaano Equator,isagoo mara meel la yiraahdo Sanguuni oo u dhow magaalada Kismaayo ” haddana Soomaaliya waxaa jawigeedu lagu tiriyaa mid dhexdhexaad ah oo aan kulaylna ahayn qabowna ahayn,macnaha ma lahan jawi lagu qarqaro qabow daraadiis oo jaakooyin culculus loo qaato,mana lahan kulayl aad u daran oo dadka ku dhiba dharkooda,taasina waxay ku timid dhulka oo koreeya iyo biyo u dhowaanshaha Soomaaliya ay u dhowdahay badweynta.

Tirakoob rasmi ah lagama hayo Soomaaliya waxaana ugu wacan dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka bilowday 1991kii kaasoo ay ku nafwaayeen in ka badan nus malyuun oo ruux, hayeeshe tirakoob hore oo la sameeyay intii dawladda la ahaa waxaa lagu qiyaasay ilaa 8 milyan oo ruux,dadkeeduna waxay u badan yihiin oo lagu tiriyaa in ay yihiin dad reer guuraa ah oo xoolo dhaqato ah.

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhashay xisbi lagu magacaabo S.Y.L.(Somali Youth League) wuxuuna ahaa xisbigii u halgamay in uu gobollada konfureed ka xorreeyo gumeysigii Talyaaniga,wuxuuna gacan iyo taageeraba ka helay shacabka waddaniyiinta ee Soomaalida ah,xisbigii S.N.L.na wuxuu ahaa xisbigii u halgamay in uu gobollada waqooyi ka xorreeyo gumeysigii Ingiriiska,wuxuuna garab iyo taageeraba ka helay shacabka waddaniyiinta ah ee Soomaalida.

Bishii Juun 26keeda 1960kii,gobollada waqooyi waxay gacanta ku dhigeen gobannimadooda, waxayna ka xorroobeen gumeysigii Ingiriiska,isla sannadkaasina bishii Julay,gobolladii konfureed waxay gacanta ku dhigeen gobannimadooda,iyagoo ka xorroobay gumeysigii Talyaaniga,dabadeedna waxaa isku darsamay labada gobol,waxaana halkaasi lagu dhisay jamhuuriyadda Soomaaliya, shacabkuna aad iyo aad bay ugu riyaaqeen una soo dhoweeyeen isku darkaas labada gobol.

Bishii Sebtember sannadkii 1960kii waxay Soomaaliya ku biirtay qaramada midoobay, sannadkii 1963kiina waxay ku biirtay ururkii midowga Afrika,bishii febraayona 14keeda sannadkii 1974kiina waxay ku biirtay jaamacadda carabta,madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya xukuma waxaa la oran jiray Aden Cabdulle Cusmaan.

Sannadkii 1967 waxaa la doortay madaxweyne cusub oo la oran jiray Cabdurashiid Cali Sharmarke,isagoo ku yimid doorasho madaxbannaan,haseyeeshe isagoo booqasho ku maraayay gobollada ayaa bishii Oktober 15keeda sannadkii 1969kii la dilay,21kii Oktoberna sannadkii1969kiina waxaa dalka ka dhacay afgenbi militari ah oo uu hoggaaminaayay Maxamed Siyaad Barre,wuxuuna sannadkii 1972kii hirgeliyay qoraalka af Soomaaliga.

Intii lagu jiray xukunkii militeriga ahayd waxaa la isku dayay dhowr afgenbi oo dhicisoobay, dawladaha Itoobiya iyo Kenyana waxay olole u galeen sidii loo baabi’in lahaa magaca Soomaali weyn,sannadkii 1977kii waaxaa gobannimo helay dalka Jabuuti,wuxuuna ka xorroobay Faransiiska,wuxuuna dalkaasi noqday dal iskiisa u taagan,halkaasina waxaa ka bilowday gowricii loo geestay Soomaali weyn.

Dabayaaqadii sannadkii 1990kii waxaa dalka ka dhacay dagaal ahli ah oo lagu hoobtay, wuxuuna dagaalkaas ahliga ah sababay in gebi ahaanba uu dalkii burburo dawladnimadiina la waayo in ka badan 20 sannadood,waxaayna taasi sababtay in qabiil kasta uu dawlad samaysto, cadowgii Soomaali weyna ee Itoobiya iyo Kenyana lala heshiiyo,dadkiina ay intooda badan qaxooti ku noqdaan Itoobiya iyo Kenya iyo adduunka meelihiisa kale.

S.Y.L. (Somali Youth League) wuxuu ahaa xisbi gobannimodoon ah,wuxuuna u halgamaayay madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed,wuxuu ahaa xisbi ka dhexeeyay ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna ku fiday dhammaan gobollada dalka Soomaaliya,wuxuu ahaa xisbi siyaasi ah,wuxuuna doonayay in dalka lagu dhaqo diinta islaamka.

15ka Mey waa maalintii aasaaska loo dhigay xisbigaasi waddaniga ahaa,ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahna waxay maalintaasi af buuxa ku yiraahdeen:waxaynu doonaynaa S.Y.L. iyo 13kii dhallinyaro ee aasaaska u dhigay S.Y.L., sidaas daraadeed ayaanay marna u dhici karin in ummadda Soomaaliyeed quluubtooda laga tirtiro ama maskaxdooda laga suuliyo maalintaas qiimaha ku leh.

Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada taariikhda fog leh,waxayna leedahay geesiyaal ay ku faanto oo u soo halgamay madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed,haseyeeshe waxaa ayaandarro noqotay in markii gacanta lagu dhigay gobannimadii dalka 1960kii ilaa markii dib loo burburiyay dalkii iyo dawladnimadiiba 1991kii,waxaa la dafiri jiray xaqii iyo xuquuqdii ay lahaayeen halgameyaashii u soo halgamay gobannimada,mana dhicin wax abaabul ah ama barnaamijyo nidaamsan oo loogu talogalay bulshada iyo ardada Soomaaliyeed sidii loo bari lahaa taariikhdooda dahabiga ah iyo geesiyaashooda sharafta leh.

Muddadii soddonka sano ee xorta la ahaa iyo 22kii sano ee ka danbeeyay oo burburka iyo kala qaybinta Soomaaliya lagu hawlanaa welina lagu howlan yahay ayaa waxay noqotay in tartan loo galo burburka dalka iyo dadka Soomaaliyeed,halkaasina lagu illoobo geesiyaashii naftooda u soo horay in ay dalka ka xorreeyaan gumeystayaasha.

Labadii dawladood ee rayidka ahayd iyo tii ka danbaysay ee militariga ahaydba waxaanay isku shuqlin horumarka dalka iyo dadkaba,ururadii ka danbeeyayna oo isku sheegayay in ay dalka ku soo celin doonaan nidaam iyo caddaalad ayaanay run ka noqon waxayna u horseedeen in ka badan 20 sannadood in dawlad la’aan la ahaado qabiil kastana uu maamul gooni ah samaysto,madaxweyne u gaar ahna u caleemo saarto.

Dawlad kasta oo dunida ka jirta waxay ku faantaa oo ay qiime u yeeshaa geesiyaashooda innaguna waxaa nalaga helayaa dad badan oo Soomaali ah in ay la ujeeddo noqdeen gumeystayaashii dalkeena xukumi jireen,kuwaasoo dantooda ahayd in ummadda Soomaaliyeed aan la barin taariikhdooda dahabiga ah iyo geesiyaashooda waddaniyiinta ah, lagana dhigo dal aan soo halgamin dad u soo halgamayna aanay lahayn,waxaase nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed aan la illowsiin karin geesiyaashooda iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L.,waxay ummadda Soomaaliyeed illoobi karin kuwii dhulkooda kala qaybiyay kalana qaybsaday qolo qolona u kala qaybiyay,waxay kaloo illoobi karin kuwii walaalahooda ahaa oo gacan saarka la ahaa gumeystayaashaasi.

Ummadda Soomaaliyeed waa ummad xamaasad leh,taasina waxay markhaati u tahay sida ay u garab istaageen markuu ifka u soo baxay xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L.,wuxuuna xisbigu maalmo yar kaddib awooday in barnaamijkiisa uu ku baaho kuna fido dhammaan gobollada dalka uu ka kooban yahay iyo waliba Soomaalidii degganayd waddamadii ajnebiga ahaa,waxayna ummadda Soomaaliyeed naftooda iyo maalkooduba u hureen sidii uu u guulaysan lahaa xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L.,waxayna meel kastoo ay joogeen ku dhawaaqayeen gumeysi dooni meyno,gaalnimo dooni meyno,gunnimo dooni meyno, gobannimo ayaanu doonaynaa,waxaanu taageersanahay xisbiga S.Y.L. iyo hormuudyadooda.

Gumeystayaashu markii ay arkeen hawlahaasi waddaniyadda ah,waxay bilaabeen in ay kordhiyaan cadaadiskooda,waxayna la saaxiibeen shakhsiyaad Soomaali ah iyo axsaab aan waddani ahayn si ay u fuliyaan danaha gumeystayaasha iyaguna ay danahooda ku fushadaan, laakiinse falalkaas ay gumeystayaashu iyo saaxiibadooda kula kacayeen ummaddii qiiraysnayd kuma ridin wax niyad jab ah,waxaase sii kordhayay maalinba maalinta ka sii danbaysa siina xoogaysanayay isku xirnaantooda iyo isku duubnidooda, waxayna dagaal ay u wadajiraan ku qaadeen gumeystayaasha iyo kuwii ay isku fikradda ahaayeen.

Xisbigii S.Y.L. oo halgan dheer u galay sidii loo hanan lahaa madaxbannaani buuxda ayaa hormuudyadii S.Y.L. waxba ka guran mirahii xornimada kuna raaxaysan neecawdii gobannimada,dawladihii ka jiray Soomaaliyana waxaysan daacad u noqon waddaniyiintooda waxayna ka door bideen danahadooda gaar ahaaneed.

Gumeystayaashii iyo Soomaalidii ay isku danta ahaayeen waxay ummadda Soomaaliyeed u diideen in ay gartaan kee baa saaxiib la ah,kee baana cadow la ah,waxayna danaystayaashu olole u galeen sidii ay ummadda uga dhaadhicin lahaayeen in gumeystayaashu ay dalka khayr u wadaan horumarna ay gaarsiinayaan.

Waa inoo berri iyo qaybtii 2aad inshaa Allah

W. Q. Maxamedeyn

mohamedein@hotmail.com

Warbixin Dhab-kahadla ah: Waxtar Dawladeed Taageero shacab buu rabaa!!!!
Shacab waa koox dad ah kana dhexeyso dhaxal wada dhalasho iyo mid wada noolaansho.

Sidoo kale Shacab waa Bulsho wada dhalatay eebena isugu daray Dal,Diin,iyo wada dhalasho aan dhamaan.

Mararka qaar waxaa dhacda in bulsho hal wadan ka dhexeeyo ay ku hadlaan Afaf kala duwan kuna qaybsamaan dhanka Diinta.

Laakiin Shacabka aan iminka doonayo inaan tusaaleeyo waa mid nasiib iyo Naxariis eebe ku helay inay ku midoobaan,Diinta,Dalka,Afka iyo dhaqanka bulsho ee soo jireenka ah.

Dunidaan aan manta ku noolnahay ma jiro Dal shacabkiisu ay intaasi kulansadeen,laakiin waxaa iska cad in shacbigeena Soomaaliyeed galadaasi eebe aysanba u muuqan kuna doorsadeen khilaaf iyo damac kala tag.

Rabigeen waxa uu dardaaran aayad qur’aan ah nagu yiri “Qabsada xariga alle Dhamaantiin hana kala khaybsamina”.

Sidoo kale Shacbi Noloshiisa iyo dhismihiisaba waxaa xidid u ah Dawlad taasi oo laga doonayo in daryeel wacan siiso Bulshadeeda.

Maanta shacabkeena Soomaaliyeed waxa uu kasoo kabsanayaa jab gaaray muddo dheer kana dhashay Dawlad la’aan dalka ragaadsatay, taasi oo ka dhalatay Khilaaf Bulsho.

Waxaana muhiim ah in dhamaan shacab ahaan aan ka wada qayb galno taageerada aan siinayno dawladeena si aan cagta u saarno dhisida qarankeenii dumay.

Haykal dhismeedka dawladeed waxaa tiir muhiim ah u ah taageero shacab oo aan shuruudo lahayn balse la xisaabtan leh.

Marka aad dhab u eegto wada shaqaynta ka dhaxaysa bulshadeena Soomaaliyeed iyo Dawladoodu waxa uu u muuqda in shacabku marti ka yahay dawlada.

Madaxda dawladu waxa ay aalaaaba ku baaqaan cod dheerna ku sheegaan in Shacabka qayb ka yahay talada dalka laakiin taasi ma fahamsana in badan oo bulshadeena ka mid ah waxa ayna iska bariyeelaan taageerada dawlada.

Lasoco in dawladu tahay Mashiin u baahan in shacbigu wax ka dhaqaajiyo, ruux walbaana dhankiisa laga doonayo inuu ka riixo.

Iskuday in aad ugu yaraan maankaaga iyo Muruqaaga ku taageerto tiigsiga hormarka qaranimo ee dawladu bidhaamisay.

Iskuday inaad ka mid noqoto bulshada wacyiga iyo waanada la karab taagan Dawlada , yeeshana tanaasul caqliyeed oo dhanka dhaliisha ah.

Iskuday inaad shacabka u sharaxdo una sheegto doorkooda dawladeed iyo qaabka ay uga qayb qaadan karaan soo celinta sharafta dalkeena.

Maxaa sababay in in badan oo ka mid ah Odayaasha Soomaaliyeed iyo waxgaradkoodaba isku bahaysdaan Gudiyo aan Qaran u muuqan dhaliilana Shaqada dawlada miyaysan fahamsanayn in waajib ka saraanyahay dhankooda qabashada qayb ka mid ah shaqada ay dhaliilayaan?

Miyaysan Ogayn dhaliisha ay jeedinayaan jawaabdeeda saxda ah looga fadhiyo iyaga,maanka ay hayaana ay u baahantahay dawladu?

Shaqada adag ee Dawladeed maahan in 100% fulindeeda looga fadhiyo masuuliyiinta dawlada balse Ogow in shacabku bar leeyahay,Iskana Ilow in Talada Dalka lagaa leeyahay Balse maanka gali in Fulinda Ujeedooyinka qaar dawladu fure u tahay.

Madaxdeena Dawladeed ee haatan talada haya waxa ay wacad ku mareen in ay toosin doonaan qarankeenii dumay,waxa ayna ku dhaqaaqeen tilaabooyin cadcad oo tusaale u noqon kara run nimada wacadkii ay mareen.

Laakiin taasi badalkeeda waxaa mararka qaar barbar socda shaqsiyaad leh ujeedooyin maldahan eed iyo dhaliilo aan dhabbe lahayna usoo jeeda masuuliyiinta dalka.

Haa waa sax xoriyada shaqsigu wax waa uu dhaliili karaa, laakiin ogow sidoo kale in maanta aan lajoogin xiligii dhaliisha ee la marayo waayo geesigu hormuud yahay.

Ogow in aad tahay ruuxii laga sugayay amaanta iyo talooyinka toosan ee wax dhisi kara.

Ogow in taariikhdu ku xusi doonto samaan iyo xumaan kaad hormuud u noqoto.ogow in shacabkeena Soomaaliyeed haatan ka daaleen dhawaqa shaqsiyaadka ujeedo doonka ah una riyaaqayaan ereyada maacaan ee rajadu ku dheehantahay ee ay dhagaha ugu shubayaan Madaxdeena qaranka.

Ogow in aad qayb ka tahay wadada soo celinta qaranka dalkeena ayna dhici doonto eebe idinkiis maalin dambiiluhu xisaab adag marayo qaran doonkuna guulaysanayo.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga sugayaa in ay barbar istaagaan madaxda qaranka,duco iyo dardaaranna la barbar istaagaan.

Anigu wali ma arag Dad ama Culimo isugu wacay Shacabka kadibna fagaare isugu soo baxay duco iyo dardaaranna isugu daray dawlada,marka laga reebo Bulsho taageero xambaarsan oo amaan mudan.

Hadaba Bulshadeena Soomaaliyeed: Ma shacab daalanoo loo diir naxaa Mise waa Dadoo Deeq iyo daryeel kaad siisabaa Dadka kuugu daran?!!!!!!!!!!!!!!!!!

Mohammuud Hassan Idaajaa .

Idaajaa4@gmail.com

Stockholm-Sweden.

Puntland waxay muu jiyeen geesinimo iyo wadaniyad balse waxayna samayn daraasad cilmiyaysan…
Puntland waxay muu jiyeen geesinimo iyo wadaniyad balse waxayna samayn daraasad cilmiyaysan oo ah halkee laysugu keenaa umadii soomaaliyeed oo casimad u noqota? Dalka soomaaliya waxa laga leeyahay dano guracan oo gumaysi salka ku haysa.danahaas waxaa loo helay dad soomaaliyeed ee loo adeegsado,waan orankaraa guud ahaan soomaali waa la adeegsaday balse lama wada helin ee qaar baa sigaara loo helay oo sababaya in shisheeyuhu dalka hanto. soomaalidu wali runta isuma sheegin dalku hadii uu galay marxalad dagaalo sokeeye oo dawladii burburtay 1991 oo casimadii lagu kala tagay maxaa dhacay?

Nasiib daro casimadii waxa u haray halbeel oo kamid ah beelaha soomaaliyeed taasoo u diiday casimadii wax daganaansho iyo amaan ah iyo in wax maamul ahi ka hirgalo ilaa hada maantadan lajoogo oo ay buux dhaafiyeen ciidamo amaanka suga oo kayimid caalamka hadana wax amaan ahi kamajiro.Beeshu waxay u diiday casimadii amaan mudo 22 sanadood ah.tani waxay sababtay in shacabkii Mogdisho daganaa ay firxadkii ku tageen dagaanadii ay kasoo jeedeen markiiba ay dhisteen maamulo sida somaliland iyo puntland waxaana laysku dayay in bal dib loo raadiyo in labaadi goobo qaranimadii iyo dawlad nimadii karaamo beelku ku dhacay oo calankii laga qaado dhulka.

Nasiib daro waxay noqotay markii somaliland ka gaabisay baadi goobka soomaalinimo iyo in dib loo yagleelo dawladnimadii soomaaliyeed ee burburtay,hayeeshee waxaa kaalinkaa habeen iyo maalinba aan kaseexan oo utaagnaa puntland ilaa ay calankii ka qotomiyeen madaxtooyadii iyo casimadii dalka halkaasoo ay kasaareen beelihii daganaa oo hooy lagu caruurkorsado ka dhigtay madax tooyadii looga talin jiray qaranka soomaaliyeeed.

Puntland waxay muu jiyeen geesinimo iyo wadaniyad balse waxayna samayn daraasad cilmiyaysan oo ah halkee laysugu keenaa umadii soomaaliyeed oo casimad u noqota? waxaa la tagtay wadaniyadii iyo in nidaamkii dawladnimo lasooceliyo oo kaliya. casimada waxay ahayd in la badalo sababo ah in laga bad baado dabinka gumaysiga iyo ninka u sahlaya.puntland iyo somaliland iyo gobolo kale oo soomaaliyeed hadii loo dooran lahaa in casimada lageeyo soomaaliya mar hore ayay caalamka wax la qaybsan lahayd kana bixi lahayd dawlad la aanta aafaysay iyo xasuuqa ragaadiyay ee aan macnaha lahayn.

Waxaan ognahay hayeeshee iska indhatiraynaa in Mogdisho ay dagan yihiin halbeel inay haystaan wixii kaharay guryihii danta guud dhamaan hay adihii dawlada iyo guryihii wixii haray ee shacabka soomaaliyeed gaarka u lahaa kuwaas oo ka qaxay aafadii burburkii dawlada.waxan ognahay inaysan diyaar u ahayn cabsina ka qabaan in dawladi ka dhalato soomaaliya mogdishana noqoto caasimadii dawladi ku shaqayn lahayd.waxaan ognahay in ay iskuwada raacsan yihiin in dawlad shaqaysaa ka dhalan mogdisho si kasta oo madaxweeyne iyaga looga dhigo cidkalena warkeedaba daa oo madax weeyene ka noqota.

Waxaan ognahay in uusan mogdisho joogin shacabkii soomaaliyeed qaybihiise kale oo utaagan in mogdisho ku soonoqoto caasimadnimadii iyo dawladi ku shaqayso sidaa daraadeed shacab dawlad rabaa majoogo mogdisho.majiro madaxweeyne udhashay beeshaan oo la hadli kara waxna ka qaban kara beeshiisa madama ay yihiin kuwa isbaaradu utaal sababtoo ah qaybuu kayahay in aan lahelin dawlad shaqaysa oo isagaa qaba fikirkaan ah dawlad diidnimada.maagaalo dhan oo aan doonayn nidaam afkana kasheeg sheega inay nidaam doonayaan in lafahmi waayo mudadaa dheer oo laga tashan waayo waa fahmah xumo waynaatay.

Sababaha ay udiidayaan nidaamku waa maxay? waa sababo aan ku ogaaday daraasad dheer iyo u kuurgalid dheer iyo xeel dheeranimo fog oo aan bartay waa maxay dadkani? maxay rabaan? jawaabta oo koobani waxay tahay sababta ay udiidayaan dawladnimada waa CABSI FILWAYN!! waxay kacabsanayaan in nidaam lahelo iyo kala danbayn waxayna guul u arkaan oo ku qanacsanyihiin in aan nidaam lahelin ee sidaa hada layahay la ahaado si ay u helaan daganaansho iyo walwal iyo cabsi la aan. waxay u arkaan dawladnimada iyo nidaamkuba in uu yahay wax iyaga halaagaya oo baa bi inaya oo dadkale u ah faa iido halka ay hada u arkaan inay sidan ku haystaan faa iido iyo hormar.waxay u arkaan in dadkii kale khasaaray madama aan dawladnimo iyo nidaam jirin caasimadii mogdishana aan cidkale imankarin sidaa daraadeed ay yihiin kuwa guulaystay ayagu.

Dhanka kale si aan loo dareemin waxay tumaan durbaan soomaalinimo calankay isku sawiraan oo meel walba la ordaan si aan loofahmin balse dhabtu waa cabsanayaan.markii walaalahayo ay casimadii iyo dalkiiba la hareen mudadaas dheer ayaa waxaa sahansaday shisheeyihii daydayga ahaa kaasoo ula yimid ciidan oo qabsaday mogdisho waxaa yaableh garoonkii diyaaradaha ee caasimada inay isu diideen dhexdoodu mudo20 sanadood ah oo dagal ooga yaashoodii isku dileen balse hada ay u adeegayaan oo raali ku yihiin in wiil cadaan ah oo wadan uu udhashay xataa hubanti loo haynin uu haysto iyagiina ay khaadin u yihiin slave.waxaan ognahay in xeebihii mogdisho dhamaan ay gateen yuhuud iyo xoogaa cadaan ah iyo turki u adeegaysa.waxaan soo xusuustay waagii siciid barqash mogdisho xeebta dheer kiraystay oo 2500 oo doolar ku kiraystay!!!

Gumaysigu waa mid arkay ninkan aan ogolayn wax nidaam ah ee cabsanaya kadibna dalkiibuu kala wareegay isagana xataa shaqaale waa u quuri waayay oo waad aragtaan mogdisho waxa reer galbeed kawado halka dadkii wadanka u dhashay ay ka baahan yihiin.oo hada qaybaha cadaanka ee xeebta mogdishana waa hoteelo iyo dhismayaal aad loo qurxiyay iyo ganaacsi malaayiin lagu kala macaashayo,wixii xeebta kabaxsana waa buushash iyo guryo dumay marka laga reebo xoogaa burburkii ka badbaaday.markaa is adoonsi iyo dabaqad baa ka abuurantay mogdisho sidii xiligii gumaysaga ka daran.oo ninka madaw ee beeshaas mogdisho dagan u dhashay magali karo soonkaas cadaanka waana la karabaashayaa hadii lagu arko.arimo badan baa jira oon damiir ahaan diidanahay inaan sheego.

Ninkan CABSANAYA ee reer galbeed qabsaday soomaali waa iska fahmi wayday.reer galbeed waxay rabaan shidaalka dalkaan iyo inay xeebtaa mogdisho ka dhistaan goobo dalxiis oo laga helo lacago malaayiin ah oo fisqi iyo fasaad aan ilaahay raali ka ahayn lagu sameeyo dhulka soomaaliyeed ee xalaasha ah.lacago ayay wataan malaayiin ah oo dalka ay ku gadanayaan,ninkaan cabsanayaana lacag buu rabaa uusan garanayn wuxuu ku samayn lahaa xataa haduu helo!!

Gunaanad

Waxaan kutalinayaa in somaliland iyo khatumo state, puntland iyo jubaland iyo bayland intay isu tagaan madama fadaraal dawladu tahay inay is waydiiyaan war halkeen ka dhiganaa caasimad nin walibana gobolkiisa hasoo dhisto wiixii is qadan karana oo is raaci karana hawada dhisteen hal state. balse haka fakaraan halkeen caasimad u noqonaysa umada soomaaliyeed si loo caymiyo xoriyada iyo jiritaanka aayaha danbe ee umada soomaaliyeed.in lahelo meel soomaali ugacanbanaantahay oo sirteeda ku qarsan karto oo ka caagan shisheeye in uu arimaha hoose ku milmi sida hada mogdisho ay u haystaan. hadaan lahelin caasimad cusub oo fadaarlku dago waxaa laluminayaa dhaqaalaha iyo xoriyada iyo siyaasada qaranka soomaaliyeed ee xorta ah.waxaad ogaataan xaqbay uleeyihiin sateska soomaaliyeed ee fadaarlka ahi inay doortaan dalkooda meeshii ay u gartaan inay caasimad ka dhigtaan halkaa unbaana aduunyadu ku qasban tahay inay ugu imaado dawlad diidi kartanaa majirto.waxaan rabaa inaad fahantaan in reer galbeed ganaacsi kawato mogdisho oo hantay iyo in shacabka mogdisho ay sidan u arkaan dawladnimo iyo hormar sidaa daraadeed malaha wax rajo ah haba yaraatee oo iyaga laga qabo inay isbadalaan madaama shisheeyaha iyo iyaguba ay qanacsan yihiin.aad ufahma hadalkaa wax rajo ah malaha!!! waxaa hadaba soomaaliyeey inala gudboon inayanu iswaydiino dawlad la aan makusii jiri karaa qarni soosocda? aynu tashano oo dib isugu noqono kana tashano sidaynu gumaysiga walaalkeen inoo soomaray uga lug bixi lahayn.

Siyaasada Soomaalida Dhaliil Aan Dhamaad Lahayn!!
Qeexitaanka Siyaasad waa mid Dalba si u dhigay, laakiin waxaa jira xeerar xidido u ah siyaasada xeertana siyaasiyiinta dunida.

Ma rabo in aan ka hadlo shaqsi ama koox kooban oo sheegatay magac laga dhadhasan karo siyaasada laakiin ujeedkoodu yahay tiigsiga ujeedooyin shaqsiyadeed oo maldahan.

Haa waa sax, Siyaasadu waa Habdhaqameed maldahan lehna ujeedooyin Maamul,mid Dhaqameed,ganacsi,ciyaareed (Sports), iyo waliba ujeedooyin kooxeed oo xambaarsanaan kara qaab hormarineed iyo dhanka dib u dhaca taasi oo keeni karta baaba’ Bulsho.

Siyaasadu inteeda badan waxaa lagu qeexaa Haykal dhismeed Maamul oo loo adeegsado qaadashada iyo fulinta qaabka dhaqanka iyo xeerarka lagu hago Gudaha Bulsho hal meel ku nool iyo la macaamilka Bulshooyinka Dibada.

Sidoo kale Siyaasadu waa dhabe maamul oo leh khataro badan laguna go’aamiyo masiirka maamul ee dawladaha caalamka,waa baaq ama sarbeeb maldahan oo ay isku fahmaan madaxda ama dawladaha dunida ee kala maanka ah luuqadaha ay ku hadlaana kala duwan tahay.

Siyaasadu waa qaadasho iyo curin maskaxeed oo hadba dhan loo janjeeriyay laguna wajaho u talinta bulsho dhan walboo ahaado,waxaana jira qaabab badan oo loo qeexo siyaasada caalamka.

Laakiin sidaasi oo ay Jirto ayaa hadana dalalka caalamku midba si u argaa ereyga Siyaasad,Qaarkood waxa ayba ku sheegaan mashiinka dhaqaajiya hormarka dawladnimo islamarkaana tusaaleeya wadan walbaa halka uu dunida ka joogo.

Qaar kale oo ka mid ah bulshada caalamku waxa ay siyaasada u argaan dhaqan ruuxu uu gali karo kuna shaqaysto,kuwa kale ayaa aaminsan insiyaasadu tahay xerada kuwa maamul doonka isku waraystaan kuna tiigsadaan hamigooda maamul.

Maqalka magaca Siyaasad ee Shacabkeena Soomaaliyeed waa muuqaal durbadiiba tarjumaada maskaxdu ka bixinayso ay tahay dhalanteed uu dhoolatus ku jirin aana lahayn kobac iyo garaad loo riyaaqo, kana duwan Maqalka Siyaasada ee in badan oo ka mid ah caalamka ee bixinaya in siyaasadu tahay haykal dhismeed buuxa lehna aas aaska hormarineed ee isku xira shacbi iyo Siyaasiyiin.

Dalkeena Soomaaliya waxaa ku nool tiro badan oo Siyaasiyiin ah si walboo ay kusoo galaan saaxada Siyaasada,waxayna hamigooda koowaad ka dhigaan inay meel uun ka qabsadaan maamulada laga dhiso Soomaaliya.

Ma jiro Siyaasi ama Siyaasiyiin u istaagay inay toosiyaan qalqalooca yar ee ku jira Hanaanka siyaasada Dalkeena,soona saaraan Siyaasiyiin cusub.

Mararka qaar waxaa dhacda in Dhawr ruux siminaaro dhanka siyasada helaan taasi oo aalaaba ku koobnaada maamulka haya talada amase kooxda siminaarka soo dhacsatay,taasi oo ka dhigan in Soomaaliya aysan ka jirin saaxo siyasadeed oo furan.

Dhanka Hagista maamul ee siyaasadeed waa mid muhiim u ah suncada iyo habdhaqanka shacbiga Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan.

Cid walboo haysa Hogaanka Dalkeena maxaa keena in ay marwalbaa soo laalaabato qaladaad Siyaasadeed oo Siman dhacana xiliyo isku dhaw?

Maxaa keena in Cid waboo haysa maamulka Dawladnimo ee dalkeena la iska barbar hadlo?Maxaa keena in Madaxwayne iyo Raisul wasaare amase xafiis dawladeed ee kaleba hal ruux oo dalka booqasho ku yimid la kulmaan kana soo saaraan Shirar Jaraa’id oo aan waxba kala badalneyn.?

Allaha dhawro Madaxda Dalkeena ee haatan diyaarka u ah dhisida iyo soo celinta Qarankeenii mudada la la’aa,Laakiin maxaa keena in ay soo laalaabato ku tumashada sumcada sare ee Calankeena qaaliga ah?

Sanad ka hor waxaa jiray dhaliilo ku aadanaa in kolka lala kulmayo madaxda caalamka ee lagu booqdo dalalkooda mararka qaar goobta laga waayo Calankeena Quruxda badan.

Haatanse waxaa taagan dhaliisha dhaawaca ah ee ah in Qiimaha Calankeena ee marwalbaaa dadaalka loogu jiro in laga barbar suro kuwa dunida Hormartay la barbar keeno mid uu leeyahay Maamul Goboleed dalka ka jira Calankuna yahay Astaantooda koowaad.

Hadaba siyaasada Soomaalida waa mid ay ka buuxdo Dhaliil aan dhamaad lahayn,laakiin waa mid Koboceeda ku xiranyahay shaqsiyaadka haatan sheegta siyaasada dhan walboo ay ahaado.

Waxaa jiray in dhamaan su’aalahaasi aan waydiiyay 1200 qof oo qaarkood siyaasiyiin ah saaxiibna ku nahay Bogagayga Internet-ka kuwaasi oo si islamid ah u sheegay dhaliilna u jeediyay siyaasada haatan ee dalka Soomaaliya.

Inkale oo ka mid ah bulshada caadiga ah ee aan Sul’aalahaan waydiiyay ayaa ceeb ku tilmaamay dhacdooyinka siyaasada u baahan ee aalaaba siyaasiyiinteena ku qaldamaan.

Siyaasada dunidu waa mid ay ku faanaan, halka mida Soomaalida ay tahay mid aan u jeed buuxda lahayn?

W/D:Mohammud Hassan Idaajaa.

Idaajaa4@gmail.com

Dunidu Digteytar Wey udarsa Doontaa(Maqaal Xasaasi ah)
Wadanka soomaliya waxa uu kamid ahaa xoriyad kaqadashadii gumeystihii soomaray kadib wadamada lagu tiriyo in eey yihin kuwa kuhoos nool talis kaligii talisnimo ah oo uu xiligaasi hogaanka uhayay Jaale Maxamed Siyaad bare .

Soomaliya haba lagu tilmaamo wadan uu hogaamiyo Digteytar hadana waxa ay umuuqatay wadan kabidhaamayay Qaarad weynta afrika waxa ayna gaadhay heer ah in lasiiyo tilmaamta ah libaaxa afrika .

Dalkeenu waxa uu yeeshay inta uu jiray taliskii milatariga warshado badan oo lagu manaafacay kuwaa oo lagu faani karay sida warshadii taraqa iyo sigaarka .midii dharka,tii kaluunka laasqori.iyo ciidan xoog badan oo sida uu jaanta iskula helayo caalmaka u arkayay libaax moora geel kabuxo militari mugweyn uu soo dhax galay.

Xasuusaha macaan ee militaarkeenii uu udhigay caalamka ayaa waxa kamid ahaa in mid kamida ciidamada difaaca cirka uu magaca soomaliya kusoo xardhay samada isaga oo kusoo qoray far waaweyn oo markaa cidii cirka eegtaahiba ay ka arkeysay magaca soomaaliya sidookle waxa lagu xasuusa doonaa hagardaamooyin badan oo maanta aanan iska celi karin in taliskeenii hore uu ahaa mid fashilin jiray har iyo habeen halka maanta kii soomaliya dan kalehba uu kafushan karo.

Shacabka dalkeena oo nabad kunaaloonayay ayaa marqura siyaasado qalafsani oo Aaminsanaa fikrad ah ladagaalan Digtaater waxa ay hilfaha uqadeen Dowladeenii xooganeyd taa oo qasabtay in xukunki bur buro dalkeeniina qar kadhaco

Hadaba Maxaa Laga dhaxlay Ladagaalankii Digteytar

Waxa aan usoo qaatay cinwaanka ah Digteeytar dunidu wey udarsa doontaa ayaa ah marka laga soo bilaabo 1990 kii majirin wax digteytar ah oo lasheego oo soomaray dalkeena ulajeedooyinkii looriday xukunkii dhexe wax kaduwan oo shacabka soomaliyeed ay arkeen majirin ilaa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid yihiin,dil.dhac.kufsi.isbaaro. iyo wax kabadan kuwaa oo gabi ahaan aan la arki jirin xiligii dalkeenu uu dowlada lahaa balse la arakay bur burkii dowladii dhexe kadib .

Somali badan ayaa xiligaan aad udoneysa xukunkii milatari ee nasoo maray oo kutilmaamnaa Digteytar iyaga oo sheegaya in dunida dowladoodii oo kale aysa soomarin balse kafiirsasha la,aan ay kudumiyeen.

Dal walboo Digteytar waayay Waa Agoon Maanta

Kacdoon xoogan oo wata daacayad ayaa si toos ah waxa ubaahinayay warbaahinta reer galbeedka iyo dad aaminsanaa mabaadiidooda kuwaa oo lagula dagaashanaa kaligii talisnimada waxa ayna kadhacday wadama badan oo katirsan qaraada afrika sida .masar,tunisiya .yemen.libiya.siiriya . iyo kuwa badan .

Balse waxa ay haleeshay seefta ladagaalanka kaligi taliyaha madaxweynayaal ay kamid yihiin Mu.amar Gadafi,Xusni Mubarak.Cali Abdala saalax ,Zeinal Abidin bini ali kuwaa oo katalinayay wadamadooda sanadaad aad uabadan

Maxay Wadamada Carabtu Ka Faa,iideen Ceyrsashadii Madaxdooda

Wadanka masar tan iyo xiligii kursiga lala riday Madaxweynahoodii nidaam qaaboon oo isku xiran dowladnimana ay kamuuqato kama iftimeyn waxaana kadhacayay dhacdooyin lala yaabo sida in wax walba oo dhaca in lagu xaliyo dibad bax, dhawaan ayeey ahayd markii qaar katirsan ciidanka wadankaa laga soo daahiyay mushaarkooda kadibna ay kubaaqeen dibad bax halka iyaga laga sugayay in ay dibad baxayaasha ladagalaman si nidaamka Maxamed Mursi uu cagahiisa ugu istaago arinta banaanbaxana ujoogsato,

Dhanka wadanka liibiya si lamid ah wadanka masar ayaa iyaguna uga walaacsantahay ,yemen iyo Tuniisiya xaaladoda iyaguna waa iska bariga dhexe .

Gunaanadka Maqaalkeyga.

Waxaa cad oo uusan daah saarneyn in madaxdii afrika laga faafiyay dacaayad ah kaligii talsinima hadaba hala isweeydiiyee yaa hada hogaan dali umadax banaan yahay hadii uu ladagaalamay kaligii taliye? Jawaabta mafoga waa cidna .

Dad walba oo Dunida kunool hadii ay wada daraja doon yihiin madax hogaamisaa waligeed dhalan meyso hadii ay dhalatana waa kuwa lagu tilmaamo Digteytar,

Wadamada caalamka oo dhan inta madaxdoodii riday yaa hada kasheegi kara wadan toosan ilaa bur bur kuyimid wadankaa mooyee?

Cayaarta caalamka iyo cunista badan ee ceyshka afrika iyo carabta waxa ay noqo doonaan kuwa cududoodii lakala gooyo waxaana dal walba lagu kacshaa dadkiisa iyadoo madaxdooda looga dhigaa bahalo kii kursi jecel dhiig ayuu udaadshaa sida Digtetaradii kuwaa oo aan munaaqisho kagalin kursigooda ilaa dhimasho waxaana sidaa kubaxay hogaamiyaal caan ah halka wadanka siiriyana hada uu dhiigu qul qulayo waxaa aad looga naxaa in kooxaha kasoo horjeeda Bashar Alasad ay markii hore kadhaga adeegeen wada hadal ay lagalaan xukuumada siiriya .

markii ay arkeen in odagu uusan jeesaneyna dad badana ay dhamaadeen waxa ay sheegen in wada hadal ay rabaan .ma isleedahay inta dhiigaasu uusa daadan maxay uawada hadli waayeen markii duunyo iyo dakeediiba la,adeen inta ay heshiinayaan? Taa waxa ay kudhisan tahay jago jaceylka bin,aadanimo .

Waxa walba oo dunida soomaray ilaahoow kadhig kuwa dhibkoda aan loo aayin samaantana alaha dunida kusoo dabaalo digteytar waa loo darsa doonaa hadii sidaan afrika iyo carabtu sii ahaadaan .

W/Q Wariye …..Maxamed Ciise Koonaa.

Khortoum,sudan .

Email.insaan15@hotmail.com

Gmail…insaan115@gmail.com

Mobile……0024969705255

Kiiska Kismaayo iyo kala fikir duwanaanshaha ka jira (Faalo Xasaasi ah)
Dadka oo dhan aadbay ula yaabanyihiin waxa socda intooda badana waxa ay jecelyihiin inay lahadlaan qalabka warbaahinta iyagoo leh labo ajando oo iska hor imaanaya ama afkaar ad adag oo si weyn isku qilaafsan.

Qeyb ahaan waxa ay dadku leeyihiin waxa kasocda kismaayo waa sharci daro waana caqabad siyaasadeed oo loo maleegay dowlada.

Kooxda kale ee kasoo horjeedana aragtidooda waxa ay tahay in dadka uu dastuurka u ogalaanaya xaqa ay u leeyhiin in maamulkooda ay iyaga dhistaan sidaana meesha ay uga baxeyso dhaqankii ay dowladihii kumeelgaarka digreetooyinka maamulada ku dhisayeen.

Reysulwazaaraha iyo xubno katirsan waziiradiisa ayaa ku guuldareystay in ay siyaasada dowlada kasoo iibiyaan madaxda hal adeega uu kamuuqdo ee kismaayo wax ka abaabulaya  waxii xiligaasi kadanbeeyayna dowlada sida inaanay waxba ogeyn ayay dhegaha iyo indhahaba uga laabatay waxa kismaayo kajira.

Kismaayo waa magaalo xeeb istiraatiiji oo ah caasimada sadaxaad ee soomaaliya waana magaalo badanaa dadka falanqeeya ay ku tilmaamaan in xal lagu wada qanco oo leehala ay lamid tahay cirbid haboon madow luntay oo lahelay  waxana magaaladaasi ay door firfircoon kaciyaartay mudadii ay soomaaliya colaada kajirtay iyadoo hadbana ku dhaceysa gacanta labadii dagaalanta kii reerka u hara.

Sidoo kalana waa magaalo ay ku guuldareysteen dowladihii kumeelgaarka in si un maamul shaqeeya ay uga sameeyaan xitaa hadii ciidamo shisheeye ay dowlada u qabteen.

Waxase hada sii dheer in magaalada sida dhul caalami ah oo aanay cidina sheegan karin ay maamul u sameynteeda ugu xisaabtamayaan dowlao kala duwan gaar ahaan kuwa urugobaleedka igaad waana meesha ladhihi karo waa halka ay sartu ka qurunsantahay.

Dalalka igaad oo badankood ay ciidamo kajoogaan soomaaliya qaarkood si toos ah iyo sidadbanba waxa ladhihi karaa arimaha jubooyinka waxa ay kadhax arkaan dano iyo istiraatiijiyado amaan dhaqaalo ama mid siyaasadeed oo dalalkooda quseeya waana waa taa sababta ku adkeyneysa in xaaladan cakiran ay u daayaan soomaalida gudeheeda .

Dalalkan ayaa shir quseeya wax kabedelka hab dhaqankoodii soomaaliya oo ay codsatay dowlada fadraalka waxa uu maanta uga furmayaa magaalada adis ababa ee caasimada itoobiya waxana dadka arimahan isha ku haya ay sheegayaan inay adagtahay natiijo wax ku ool u ah soomaaliya in shirkaasi ay kasoo baxdo hadii dalalkan ugu danbeyn ay ku qasbanaadaan in faragelinta ay kadaayaan soomaaliyana dadka qaar waxa ay leeyihiin waxa suura gal ah in qas siyaasadeed oo aan lamahdin hadana in si hoose ay u fuliyaan waana mrxalad kale oo kabaaraan deg iyo kafiirsi dheer u baahan.

Dhinaca kismaayo maamulka halkaasi kajira ilaa hada waxuu is dareensiinayaa in guulo wax ku ool ah uu kagaaray hadafkiisa siyaasiyiin caan ah iyo xildhibaano banadana ay soo jiiteen iyagoo sidoo kale ayidaad kale kahelay maamulka bunland oo weli miizaankiisa siyaasadeed aan la dhayalsankarin arimahaasi oo idil madaxada kismaayo waxay uga go leeyihiin inay dowlada ku qaadacday howshooda ay cadaadis uga dhigaan dhab ahaana waxa kasocda kismaayo odayaasha leysku aruuriyay iyo siyaasiyiinta ku qulqulaya marka aad eegto xaalada dhayalsi malaha.

Laakiin dowlada fadraalka ayaa ku jiifta aqoonsiga ay caalamka gaar ahaan mareykanka ka heshay iyadoo is dareen siineyso in natiijada kismaayo kasoo burqata ay ku filantahay laad siyaasadeed oo ay mar qura ku dhufato.

Laakiin dowladan ayaa dhalashadeedii loogu wanqalay kumeelgaar kabixida soomaaliya loona idmay inay kala maareyso dal iyo dad aad u kala tagay mudo rubac qarni ku dhow dowladaasi curdunka ah iyo marxalada kajirta gudaha dalka marka leysku eego ayay falanqeeyayaasha qaar ku  tilmaameen sida canug yar oo loo geliyay koor suud ah oo aad u quruxbadan kana weyn welina u baahan in caalamka uu ka ilaaliyo cidii carqalad ladooneysa.

Laakiin wax waliba ayaa la leeyahay waxa ay ku xirnaandoontaa sida ay arintani u maareeyaan madaxda dowlada ugu sareysa iskana xakameeyaan kalafakasho ku kala timaada heyadaha dastuuriga gaar ahaan baarlamaanka oo aad ugu nugul sidoo kale waxa aan meesha laga saari karin furfurnaan siyaasadeed iyo dulqaad badan oo ay layimaadaan madaxda oo qaarkood hada laga aqrisan karo in dabacsanaantii looga baahnaa ay meel iska dhigeen.

W/Q/ Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Kaynaan)

Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo diiday dalab ugu yimid Ra’isul Wasaare Dr Saacid
Kulamo balaaran ayaa ka soconaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyadoo kulamadaas ay wada qaadanayaan wafdiga Ra’isul Wasaare Saacid iyo Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo.

Kulankan ayaa wajigiisii koobaad waxaa uu dhacay shalay galinkii danbe iyadoo ay wada fadhiisteen maamulka magaalada kusugnaa iyo wafdiga dowlada.

Ma jirin qodobo badan oo kulanka looga wada hadlay maadaama waqtiga uu aad uyaraa Ra’isul wasaarahana uu ubaahnaa inuu warbixino kasii dhagaysto wafdigii isaga ka horeeyay ee xukumadiisa katirsana.

Labada dhinac ayaa mar kale kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada maanta, kulankaasna waxaa uu ahaa mid kafool kafool ah oo aan waxba la isku qarin.

Maamulka KMG ah ee Jubbooyinka ayaa soo gudbiyay qaabka ay ujecel yihiin in maamul dhamaystiran loo dhiso Jubbooyinka dowladana ay raali ka noqoto.

Hase ahaatee Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gudbiyay hadaf kaas ka duwan iyo qorshe kale oo ay wadato dowlada Soomaaliya.

Qof kusugan Kismaayo kana qeyb galay shirka ayaa Warqaad.com u xaqiijiyay in Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya uu Maamulka Kismaayo ugudbiyay in shirka ka soconaya magaalada Kismaayo laga weeciyo qaabka haatan loo abaabulay ee ah in maamul loogu sameeyo Jubbooyinka, hase ahaatee laga dhigo shir dib uhesiisiin ah oo udhaxeeya beelaha Jubbooyinka.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa dalbaday in dowlada Soomaaliya ay soo magacowdo Maamul KMG ah oo 6-da bil ee soo socota ka shaqeeya gobollada Jubbooyinka.

Dr Saacid ayaa dhanka kale dalbaday in ciidamada kusugan magaalada Kismaayo la mideeyo lagana dhigo ciidamo hoostaga dowlada Soomaaliya, hal talisna loo yeelo.

Marka dhamaan qodobadaas la isku gartana la sameeyo gudi ka kooban maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo dowlada Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeynaya hirgelinta qodobadaas.

Hase ahaatee dhamaamn qodobadaas ayaa waxaa diidan maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo iyagoo sheegay inaysan qaadan doonin fikirka dowlada.

Arinta ayaa waxaa soo dhaxgalay odayaal iyo dad kale iyagoo isku dayaya in la xaliyo dhamaan kholaafyada haatan taagan.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’isul Wasaare Dr Saacid iyo Wafdigiisa ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Dad badan ayaa saadaalinaya in siyaasado kala duwan laga kala damacsan yahay magaalada Kismaayo, hase ahaatee in la isku fahmo arimaha magaalada ay ku xiran tahay in la sameeyo tanaasul badankooda ka yimaada dowlada Soomaaliya.

W/D: Axmed Maxamuud Jaamac

Email:- Baadidoon1@hotmail.com

Email: Baadidoon3@gmail.com

Qawda maqashii waxna ha uqaban,, halkee ku dambeyeen kiiskii dhalinyaradii xabsiga NSTA lagala baxay ee la xasuuqay?
Arrinta foosha xun oo NSTA ama nabad sugida loogu geysta inta la hubo lix dhallinyaro oo baaris ugu xirnaa xarunta dhexe ee hayadda sirdoonka somaaliya laguna tilmaamay in ciidanka alshabaab ay ka mid ahaayeen ayaa umadda waxaa fajac ku noqotay in meedkooda oo xabbado uga yaallaan madaxa hadana madax baabuur laga marsiiyey laga helay labo xaafadood ka mid ah magaala madaxda.

Dhacdadaas waxay dad badan soo xasuusiday xasuuqii 17 july 1989 xeebta jaziira loogu geystay rag reer soomaaliland ah keddib markii dad gaaraayo 47 qof oo wax ay galab sadeyn jirin in habeen barkii guryaha lagala soo baxay dabadeedna subixii meedkooda bannaanka jaziira lagu arkay,dhacdadaas waaxay ahayd arrin aad u muruga badan oo qaraabadii iyo inta xaqa jecel ilaa manta ay ka calool xun yihiin kuna noqotay uur ku taallo xanuun badan.

Balse middaan wiilasha yar-yar lagula kacay waxay uga duwan tahay ayagoo xabsi dowladeed lagu ogaa in haddana meedkooda lagu soo tuuro waddooyinka.

Murugada iyo fadeexada NSTA ku kaceen laguma soo koobi karo war iyo qoraal,umaddana waxay sugeysaa in dhibka iyo geerida meeshaas ka dhacday deg- deg xal waafi ah oo dadka ku qanci karaan laga gaaro.

Macquul ma aha in dowladda u dhaqanto sida al shabaab ama kooxda booko xaraamta Nijeriya oo dadkii xabsiyada ku jiray la jir dilo keddibna meedkooda jidadka la soo bilqo, dowladda waxay awood u leedahay in ciddii ay dembi ku tuhunto maxkamad la tiigsato si looga abaal mariyo fal-fal xumada ay ku kaceen,balse marna dadka ma oggolaan karaan in xabsiyada habeen barkii dhallinyarada lagala baxo keddibna si aar goosi ama aano qabiil u muuqdo looga taqalluso meedad koodana sida xaabada jidka laga helo.

Markii warkaa foosha xun dibadda laga maqlay,dowladda waxay labo toddobaad ka hor seddex wasiir u xil saartay in ay si deg-deg iyo daacad uga soo baaraan degaan sida wax yihiin keddibna go’aanka barista dib ugu soo naqaan kal fadhiga golaha wasiirada si go’aan looga gaaro.

Ilaa manta oo mar seddexaad barista dib u dhac ku yimid waxa dad badan ay ula ekaatay in daacadii maqan tahay ujeedadana ay tahay qawda maqashii waxna ha u qabanin. Dhegaha soomaalida kuma cusbo qiyaanada ah ( baaris ayaa

socoto ) keddibna shanqar dambe la waayo,haddii arrinka sidaas lagu daayo oo ciddii fal dembiyeedkaas gashay wax laga qaban waayo dowladda ha ogaato in dhibatadii la isu geysto ay masuuliyaddeda ayada qaadeyso.

Waddanka fowdada weli kama dhamaanin,waxaa maalin waliba la maqlayaa in dagaal dhex maro ciidan dowladda ka wada tirsan,markii dib loo raacana in dagaalkaas u salka ku hayo hab qabiil,fiiri midka ugu dambeeyay kana dhacay magaalada marka.

Ayadoo laga duulaayo in dowladda tahay mid dib u heshiisiin,ayaa waxaa lagu talinayaa in deg deg xal waafi ah uga gaarto sidii looga abaal marin lahaa dad qalatadii iyo qowleystadii gowraca kula kacay dhallinyaradii gacantooda lagu ogaa.

Haddii sidaas la yeeli waayo o dowladda xal keeni weydo farahana kala baxdo ha ogaato in wiilasha ay reer ka dhasheen wixii dhibaato ah oo dhacana in fadeexadaas ay madaxda dusha ka saran tahay.

Shaki kuma jiro in arrintaan laga hari doonin ilaa xaqa la gaaro,mana suurtowi doonto in gil-gilisho iyo siyaasad been huwan sida haatanba ka soo yeertay rag darajo jeneraal lebisan oo ku hantaaqay in wiilasha ay xabsiga ka fakadeen, jeneraalka waxaa jawaab ugu filan nin fakad ah xabadaha lagu rido melal badan ayeey ka haleesha ee ma aha kaliya in dhowr xabadood madaxa uga dhacaan korka intiisa kale bad qabo marka laga rteebo jirdil ku yaaal ,hadana madax baabuur laga marsiiyey si aan loo aqoonsan ,, waxaan maqalnaa alshabaab ayaa dadka madax ka gooya ,,oo kaalay hadii Dowladii dadka madax baabuur ka marsiineyso maxey alshabaab dhamaan waa waxba.

Yaan la isku jaha wareerin dadka na yaa lagu mashquulin been abuur raad lahayn sabab aan jirin yaan laraadin si umadda loo qaldo.

Arrinta ha laga abbaro runta ayadoo cidna looga baqin,haddi sidaas wax ka duwan ama arrinta lagu gooyo qawda maqalsii waxna ha u qabinin in ugu dambeyntii mar xeero iyo fandhaal kala dhecen in si xun looga qooma meyn doono.

Ugu dambeyntii umaddadda waxay u ooman tahay in caddalad lagu dhaqo,intaas ayaa deeqdo,musuq maasuq iyo dibindaabyo hore ayeey uga soo daashay,dowladda haatan jirto ididillo fiican ayaa ka muuqdo,falka NSTA ku kaceen dad badan wuxuu uugu muuqdaa in ujeeddo xun xambaarsan yahay oo la doonaayo in la iska hor keeno shacabka iyo dowladda curdunka ah oo la daala dheceyso sidii nidaamka iyo kala dambeynta dib loogu hanan lahaa. Ayadoo intaas laga duulaayo yaa nin jaceelsi xaqa looga leexanin,arrinta taagan na halaga ilaaliyo oraahdii can noqotay qawda maqalsii waxna ha u qabanin intaas ka gadaal waxa ay dadka dhoorayaan in xalka dilka wiilashaas la marsiiyo cadaalada iyo waddada ugu habboon.

Avv.Xussein Diiriye Afrax

Edmonton London

After 10 bloody years Iraq is still a live “No human has the power to eliminate a society”
It all began in March 2003 when United States of America and its military allied agreed to conquer Iraq and overthrow Sadam Hussein’s Strong regime. An invasion that will lead the destruction of a well stabled, strong regime and also the death of more than 100,000 Iraqi, most of whom were innocent civilians was lunched.

After one full month of heavy fighting the American forces managed to took over Baghdad, the capital city of Iraq on April 9, 2003, indeed there was celebrations some parts of the world and mourning and others.

After capturing Baghdad, the world was expecting a better future for Iraq but nothing happened as expected. Group of armed men started Hit and Run attacks against NATO forces of the grounds of Iraq; they killed many troops and injured an overwhelming number.

They killed 4,400 US military personnel and, nearly 32,000 have been injured in a suicide attacks, grenade attacks and face to face fire exchange,

Many American people have lost their loved ones in the fights on Iraq, a mother lost her only son who tried to serve the national army and a young daughter lost her father and will never see him again, Michael Moore wrote in his book “Will they ever trust us again “to express a letters sent from Iraq by the soldiers on the ground, almost every American soldier in Iraq, had a devastative feeling of lost and trauma. They lost faith in the Bush’s leadership.

One of the American soldiers in Iraq sent a letter and one of the paragraphs reads “I was actually in Fallujah before our first pull-out and was one of the first ones in on our return. Fallujah is called the city of mosques, and I am told it has more per capita than any city on earth I think. Well, not any more. We pulverized into rubble hundreds of them, and just about every one of them has extensive damage now, as does almost every major building I have seen in the town”

The war against Iraq favoured to the World-wide Al-Qaida in their campaign against America and its allied forces, they gained a lot of support from Muslims from all over the world that saw the Invasion as against Islamic rulers, helping al-Qaida to grow its network and spread their message of hatred against America and its alliance.

After long struggle, NATO managed to set up a kind of a government affiliated by the western powers, prime minister and ministers were put in office to run a country destroyed by super powers.

Many lessons were learnt through the war against Iraq but “My main lesson was its easy to destroy a regime than to re-build and re-establish it back together and indeed this is the task that lies ahead of the super powers and their regional supporters.

Sayidali Yassin

Sayidcali13@hotmail.com

Warbixin Xasaasi ah: Taariikhda Cakiran ee Magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose
Taariikhda Kismaayo waa mid dhibaato iyo murugo badan xanbaarsan, waxay leedahay muhiimad siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo waliba mid istiraatiijiyadeed, waxaana marka laga hadlayo magaalooyinka xaalkooda adagyahay lala bar bar dhigaa magaalooyinka Muqdisho & Gaalkacyo, xiligana waaba kasii durugsantahay intaasi oo waxay udun cusub ku tahay doowlada Soomaaliya.

Laaikiin marka aad Taariikh ahaan dib u raacdo waxaa kuusoo baxaya In Kismaayo ay qal qal galin karto midnimada hay’adaha doowliga ah ee Soomaaliya.

Markii ay doowladii hore bur burtay 1991-kii, Kismaayo waxaa sida magaalooyinka kale ay ku dhacday gacan cidlo ah, waxaa ku kor dagaalamay qabaa’ilo iyo hogaamiyo kooxeedyo kala duwan, labada dhinac ee sida weyn ugu dagaalamay waxay ahaayeen Korneyl Axmed Cumar Jees, oo katirsanaa isbahaysigii SNA iyo Xulufo uu horsed ka ahaa Jen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan.

Horaantii Sanadkii 1993-dii Kismaayo waxay halis u noqotay bur burka shirkii dib u heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socday magaalada Addis Ababa, ee dalka Ethiopia, kadib markii taageerayaasha Jen Morgan ay soo galeen magaalada ayna ka saaareen kuwii Korneyl Cumar Jees.

Hogaamiyihii SNM Jen. Maxamed Faarax Caydiid ayaa ku hanjabay inuu shirka kabaxayo, howlgalka QM ee Soomaaliya UNISOM, ayaa Ciidankooda gacanta ku hayeen ayaa markaas ku dhaqaaqay tallaabo ineey soo galaan kaga mamnuucayaan hagaamiyayaasha Jen. Morgan Iyo Cumar Jees.

UNISOM, waxay dadaal weyn u gashay ineey maamul u samayso Magaalada Kismaayo iyo gobolka Jubada Hoose, waxay magaalooyinka Kismayo iyo Nairobi ku qabatay shirar kala duwan, ugu danbeyna waxaa sanadkii 1994-kii ku guuleysteen ineey isku keenaan 19 beelood oo daga gobolkaasi, kuwaasoo heshiis ku saxiixay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, heshiiskaasi maraagin, sababtoo ah sanadkii xigay 1995-tii waxaa Soomaaliya isaga soo baxayUNISOM, magaalada Kismaayana waxaa dib ula wareehay Ciidamadii jen. Morgan.

Sanadkii 1999-kii, magaalada Kismaayo waxaa qabsaday isbahaysi cusub oo lagu magacaabo “Isbahaysiga Dooxada Jubba” oo uu hogaminayay Korneyl Bare Aadan Shirre “Barre Hiiraale”, kuwaasoo magaalada ka talinayay ilaa iyo inta ay soo baxayeen isbahaysigii maxkamada Islaamiga oo magaalada qabsaday Sebtember 2006.

Maxkamadaha ayaa iyagana magalada waxaa ka saaray Ciidamadii Ethiopia ee taageerayay kuwa doowlada Soomaaliya, bishii January 2007-dii, sanadkii xigay ee 2008, gaar ahaan bishii Sebtember magaalada waxaa qabsaday ururka Al-shabaab, sanadkadibna waxaa magaalada ku kor dagaalamay Al-shabaab iyo ururuka Xisbul-islaam, waxaana bishii December ee 2009-ka magaalada laga saaray ururkii Xisbul-islaam, oo uu hogaaminayay Axmed Madoowe.

Bishii October ee sanadkii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Kismaayo laga saaray Al-shabaab, waxaana magaalada qabsaday Ciidamada Kenya, Raaskanbooni iyo kuwa doowlada Soomaaliya.

Hadaba qabsashadan ugu danbeysay ee Kismaayo waxaa daba socday qorsho ballaaran oo loogu talagalay xasilinta deegaanada laga qabsaday Al-shabaab.

Sanadkii 2011, ayaa shir kadhacay magaalada Addis Ababa, waxaa qorshahaan kawada hadlay madaxda doowladaha urur Goboledka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto, waxaana lasoo saaray gudi gaar ah oo bisleeya qorshahaan, gaar ahaan qaybtiisa ku saabsan maamul u samaynta Jubooyinka.

Ugu danbeyn qorshahaan waxaa la dardar galiyaya qabsashadii magaalada Kismaayo kadib, waxaana uu dhigayay in ergooyin matala beelaha iyo dhinacyada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ku kulmaan magaalada kismaayo, qorshuhu waxa uu dhigayay in ergooyinkaas ay soo xulaan golo baarlamaan oo kadibna soo doorta madaxweyne uu yeesho maamul Goboleedka Jubba land.

28-kii bishii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada kismaayo ka furmay shirkii ugu horeeyay ee qorshahaan lagu fulin lahaa waxaase ku gacan seyrtay doowlada Soomaaliya oo qorshahaan intiisa danbe aan lasocon,Doowlada ayaa shirkaas ku tilmaamtay mid aan dastuurka waafaqsaneen