Wararka aan ka helayno garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw halkaasi soo gaaray wafdi uu hogaaminayey Ra’iisalwasaare kuxigeenka Turkiga ahna wasiirka Arimaha dibada dalkaasi Beker Bozdag.
Wali waxay kusugan yihiin gudaha muqdisho waxaana lagu soo waramayaa inay iminka kulan la qaadanayaan mas’uuliyiin katirsan dawlada Somalia.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirka arimaha Dibada Turkiga Beker Bozdag uu doonayo mashaariic uu maanta ka hirgeliyo muqdisho kuwaasi oo la sheegay inay qeyb ka noqoneyso dib udhiska dalka somalia.
Wasiirka Arimaha dibada Xukuumada Somaliya ahna Ra’iisalwasaare Kuxigeen Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa waxay iyadu kulan la qaadaneysaa dhigeeda Beker Bozdag oo maanta muqdisho soo gaaray.
Wixii kasoo kordha kulamadaasi iyo wafdi Turkiga ka socda dib kala soco insha allah.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk