Saraakiil uhadashay Shirkada Diyaarada Turkish Airlines ayaa waxay ku goodiyeen inay joojinayaan duulimaadkii iay ku imaan jireen dalka Somalia.
Kadib eedeyn dhawaan loo jeediyey diyaarada Turkish Airlines ayaa waxay kaga jawaabtay arintaasi inay suurta-gal tahay inay shaqadii Somalia ay ka waday joojiyaan.
Afhayeen uhadlay Shirkada Diyaarada Turkish Airline waxa uu tibaaxay in hadal dhawaan kasoo baxay dawlada Somaliya Waaxdeeda Jinsiyadaha iyo Socdaalka uu run yahay iyaguna ay arkeen.
Waa xaqiiq in Diyaaradeena lagu dhex arkay dad baasa-booro Somaliyeed watay hadana been abuur ah kuwaasi oo Yurub qaarkood ugu safrayey ayuu yiri Afhayheenka”.
Mas’uuliyiinta Shirkada Turkish arline ayaa xubno socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Turkiga ka socda ay usoo direen Somaliya si loo hubiyo dadka ku baxaya baasaboorka Somaliga.
Todobaadkii hore shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho taliyaha hogaanka jinsiyadaha iyo Socdaalka C/llaahi Gaafoow ayuu ku eedeyey Diyaarada Turkish inay qaado dad wata baasabooro been ah.
Waxa uu Gaafoow dhaleceyn ujeediyey Turkisha Airlines isagoo tibaaxay in dadka qaarkood Yurub ku galaan Baasa-booro la been abuuray walaw hadda ay umuuqaneyso isfahan inuu yimid.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk