Sheekadaan waxay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia waxaana gabadh lagu soo gaabiyey magaceeda Seynab ay ka warbixisay qiso jaceyl oo fashil ku dhamaatay.
Dhacdadaan oo waqtiga ay sheekada ay kawarameysay Seynab ayaa indhaheeda waxa ka qubanayey ilin iyadoo sheegtay in wiil ay aad ujecleyd si xun ula dhaqmay.
Seynaba ayaa sheegtay in wiilka ay caashaqa ula il darneyd lagu magacaabaa cumar iyadoo tibaaxday in jaceylkii ay uqabtay wali uheyso laakiin xumaan uu ugu badalay.
“Wiilkaasi waxaan isku baranay Baabuur Bl-ah dhexdiisa,waxaana uu ahaa qof wanaag aan isku baranay waxaana markii dambe uu noqday qof bini’aadanimada ilaalin.
Waxaan la yaabay markii uu igu yiri hadaad i jeceshahay,aan wadaagno sariirta ka hor guurka,ana waan ka carooday.
Waxaan maqli jiray hees Maxamed Xasan Lafoole uu qaado miraheedana ka mid ahayd ileen dad lama beero,mana baxo sidii geedo,anna waxaan is iri qofkaad jecleyd miyaa sidaa kugu yiri.
Sheekadaan waa mid ka mid ah waxyaabaha gabdhaha iyo wiilasha ka dhex taagan kuwooda jaceyl wadaaga ah muqdishana ku dhaqan iyadoo qofka ugu roon uu sameeyo (Khudbo siro).
Qaar ka mid ah Culimada Somaliyeed kuwooda ugu magaca weyn sida Shiikh Maxamed Cabdi Umal iyo Shiikh Maxamuud Shibli ayaa iyagoo fasiraya qur’aanka alle waxay sheegeen in gabar guri in lala galo ay xaaraan tahay guur la’aan.
“Diinta Islaamka waa mid dambi ku ah in wiil iyo gabar ku kali noqdaan iyagoo aan xalaal isku ahayn sidaa waxa muxaaradaraad ku sheegay Culimada Somaliyeed”.
Wiilasha iyo gabdhaha jaceyl wadaaga ah waa kuwo mar walbo caqabadooda ugu horeysa ka bilaabata markii ay timaado hadaad i jeceshahay waa inaad ii nuurisaa hal mar.
Maxaa lagu tilmaami karaa sheekadaasi,maxaa go’aan qaadan lahayd adiga oo gabar ah hadii sidaa lagu yiraahdo waliba qof aad jeceshahay?
W/D:C/llaahi Cabdi Cali (Diish)
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk
War Umal iyo Shibil midna ma Orone Allahi Ku Abuura Dhahey Ee U Tiiri Eebe Hadalkiisa Quraanka Ah Diintana Wax Ka Baro!
run ahanti waa arin ad ufolxun wilasha somaliyed intoda badana ay caadeysten ok waxase hadi ay igu dhacdo ila gudboonalahayd inan iskudayo kadanasulka jaceylkisa lagaficanyahay ilahayna ankabaryo inu igubedelo jaceyl kawanagsan kisa rabi ucorotay
oo ma jojiyeen ee hal kas ayaan ku asi lahaa jacay;kisa waana waskha maxa yelay ij nwalishi iyo hooyadii lagu sameyo rali isba ka ma ahaan walshi in tii lo keno ayaa la dhihi lahaa in atana mehesan aan sariita la tago markas ayuu o gaan lahaa damirka walalal tinimo iyo qiimaha ay ledahay gabadhi ………..
Waasax.gabarey.inaad.carootid