Macalinka kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa waxa uu weerar afka ah kala dul dhacay dhigiisa kooxda Gunners-ka Arsen Wenger kaasi oo mudooyinkii dambe xaajadu ku xumeyd.
Mancini ayaa sheegay in Arsen Wenger uu yahay mid ciyaaryahanada boosaskooda ciyaarsiinin taasina ay uwacan tahay guuldarooyinka madaxiisa ka guuxaya jirkiisana guduudiyey meelaha qaarkood.
Ninkaan talyaaniga udhashay hogaamiyana kooxda Man City ee horyaalka Ingiriiska ayaa rumeysan in Wenger uu qabo fikrad guuldaro mar walbana wuxuu isaga iska dhaadhiciyo ay ku dhacayaan.
“Aniga maahi Arsen Wenger,waan kala duwanahay aniga waxaan rabaa guul waana helaa sidaa waxa uu Mancini usheegay wargeyska ingiriiska kasoo baxa ee lagu magacaabo The Guardian.
Roberto Mancini ayaa sheegay in isaga uu uqirsan yahay macalinka macalimiinta dhinaca kubada Cagta dad uu ka mid yahay Carlo Anceloti oo hore Milan iyo Chelsea usoo kala leyliyey.
“Aniga ahaan Carlo Anceloti waxaan u’aaminsanahay inuu yahay mid ka mid ah tababarayaasha K/cagta caalamka ugu wanaagsan ayuu yiri Roberto Mancini”.
Ilaa hadda kama uusan hadlin weerarka afka ah ee Roberto Mancini uu kala dul dhacay tababaraha kooxda Arsenal Wenger oo isagu laga yaabo inuu ka tago naadigiisa dhawaan.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk