Raggaani oo dhalinyaro ah ayaa waxa gacanta lagu dhigay iyagoo marayey isgoyska Dabka ee magaalada muqdisho habeen ka hor xilligaasi oo qarax uu ka dhacay saldhiga degmada Waaberi.
Qaraxa oo ahaa bambaanada gacanta laga tuuro ayaa waxa lagu weeraray meel ciidamada dawlada kusugnaayeen oo ku dhaw saldhiga degmada Waaberi dad shacab ahna ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada booliska ee degmada Waaberi ayaa qaraxa kadib waxay gacanta ku dhigeen gaari Nuuca Kaaribta loo yaqaano oo seddex rag ah saarnaayeen xilli uu marayey isgoyska Dabka.
Gudoomiyaha degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa saxaafada usheegay in raggaani maanta oo sabti ah maxkamad muqdisho lagu soo taagi doono.
Waxa uu gudoomiyuhu sheegay in raggaani lagu tuhunsan yahay inay iyagu ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay habeenkii khamiista meel ku dhaw saldhiga degmada Waaberi oo shan qof ku dhaawacmeen.
Hadii lagu guuleysto maxkamadeynta raggaasi shabaab lagu tuhunsan yahay waxay noqon doontaa markii ugu horeysay oo qarax dad ka dambeeyey muqdisho lagu xukumo.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk