Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qarax khasaaro kala duwan geystay oo goor dhaw lala eegtay ciidamo katirsan Dawlada Somalia

warqaad

 

 

 

 

Sida ay sheegayaan dad ku dhaqan inta udhaxeysa Deegaanada Leego iyo Yaaq-bari weyne ayaa waxay kuwaramayaan in halkaasi qarax xoogan goor dhaw lagula beegsaday ciidamo katirsan dawlada Somalia.

Qaraxa oo ahaa nuuca dhulka hoostiisa lagu aaso ee miinada loo yaqaan ayaa waxa lala beegsaday kollonyo ciidamada dawlada ah oo halkaasi ka waday howlgal baaritaano ah.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa oo qaraxaasi kasoo gaaray ciidamada dawlada inkastoo aan tiradooda la sheegi Karin goobta oo Askar badan isku geedaantay.

Kadib qaraxa ayaa waxa la maqlay rasaas xoogan oo ciidamada dawlada ay ufureen afarta dhinac iyagoo sidoo kale celinayey gaadiidka dadweynuhu raacaan ee halkaasi iyagu ku safraya walaw ay iska sii deynayeen.

Saraakiisha Ciidamada Dawlada iyo wariyeyaasha kusugan degmada Wanla-weyn oo xiriir aan la sameynay ayaa iyagu waxay Warqaad.com usheegeeen in faah faahino cad wali aan la heli Karin qaraxa oo goor dhaweyd dhacay awgeed.

Wixii kasoo kordho qaraxaasi insha allah dib kala soco Warqaad.com

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII