Halyeygii hore ee Kooxda Rosseneri Paolo Maldini ayaa waxa uu amaan dusha uga tuuray xidigga kooxda Milan hadda khadka dhexe uga ciyaara ee Riccardo Montolivo.
Maldini ayaa ku sheegay Montolivo inuu yahay mid mustaqbal ku leh ciyaarta K/cagta isagoo tibaaxay in boos la tabayey Rosseneri uu ubuuxiyey.
Kabtankii hore ee Kooxda Ac Milan Maldini ayaa sheegay in Da’yarkaan Talyaaniga udhashay uu la fajacay qaab ciyaareedka uu naadiga Ac Milan lasoo baxay kubad qurux badana uu la yimid.
“Montolivo waa Pirlo cusub oo usoo baxay Kooxda Ac Milan,cid walboo wanaagsan waxaa ogaan karta dadka banaanka ka jooga ana waan la dhacay ayuu usheegay Maldini La Gazzetta dello Sport”.
Sanadkii 2011-kii waxa iskaga dhaqaaqay kooxda Rosseneri Qalbadii dhexe eek u duuli jireen kaasi oo ahaa Andrea Pirlo hayeeshee waxa la helay Riccardo Montolivo.
Laacibkaan Montolivo oo hore ugu soo ciyaaray kooxda Fioratina waxaana hadda uu ka mid yahay kuwooda loogu jecel yahay garoonka San Siro kana mid ahaa ciyaaryahanadii kala diray kooxda Barcelona Labo habeen ka hor.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk