Kooxda K/cagta Newcastle United ayaa waxa la sheegay inay weyn doonto muddo shan isbuuc ah goolhayaheeda koowaad ee shabaqa u ilaalinayey kadib markii uu dhaawac soo gaaray.
Tim Krul ayaa waxa soo gaaray sida dhaqaatiirta kooxda Newcastle ay sheegeen dhaawac dhinaca canqawga ah kaasi oo maqnaanaya ilaa shan isbuuc.
Waxa uu ku dhaawacmay Tim Krul kulan ay la qaateen kooxda Metalist Kharkiv lugtii labaad ee koobka Europa League wareegiisa 32 taasi oo Newcastle ay usoo gudubtay wareega 16aad ee koobkaasi.
Krul ayaa dhaqaatiirta kooxda Newcastle warar hor dhac ah ay Jimcihii shalay sheegeen waxa la tilmaamay dhaawaca soo gaaray uu yahay mid uu garoomada kaga maqnaanayo ilaa 5 isbuuc.
Goolhayahaan udhashay Waddanka Holland ayaa waxa uu ka maqnaanayaa ilaa 7 kulan oo kooxdiisa ciyaari doonto uguna soo horeeyo kulanka Newcastle la qaadan doonto Axada kooxda Southampton kulan katirsan horyaalka Ingiriiska.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk