Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaabiis xaniinyaha laga garaacay qaar ka mid ah xabsiyada magaalada Muqdisho

maxaabiis

 

 

 

 

Waa mid ka mid ah waxyaabaha ka qarsoon dadka isku sheega inay yihiin xuquuqul insaanka waxaana si qarsoosi ah dhalinyaro ku eedeysan Al shabaab xaniinyahooda lagu bur buriyaa xabsiyada.

Xarumaha Ciidamada dawlada ee kuyaalla Magaalada muqdisho ayaa waxa ku jira kumanaan maxaabiis ah kuwaasi oo iyagu lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin falalka Argagaxisanimo.

Saldhig kuyaalla Muqdisho waxaa dhalinyaro ku jirta ay la kulmeen sida dad lagu kalsoon yahay inoo xaqiijiyeen in looga istaago xaniinyaha oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee raga alle ugu deeqay.

“Waxaan kusoo arkay Saldhiga degmada Heliwaa dhalinyaro da’yar ah waxay ii sheegeen inay la kulmeen jir dilo xoogan,in raashin aysan helin qaarkoodna xaniinyaha laga bur buriyey sidaa waxa yiri qof utagay”.

Waa hubaal in dhacdooyin badan oo arimahaasi ka daran ay la kulmaan dhalinyarada ku xiran xabsiyada qaarkood ee kuyaalla magaalada Muqdisho iyadoona dawlada arintaasi waxba ka qaban haday og tahay iyo hadii kaleba.

Bishaan bilowgeedii ilaa bishii hore dhamaadkeedii Muqdisho waxa laga sameeyey howlgalo amaan xaqiijin lagu micneeyey waxaase lagu qabtay ku dhawaad 20,000 (labaatan kun oo qofood) qaarkoodna waxba galabsan.

Hay’adaha dawlada ee dhinaca Amaanka ayaa hadii aad dhacdadaan xaniinyaha looga bur buryiyey maxaabiista waxay qaarkood yihiin kuwo taleefoonka aan ka jawaabeyn kuwa kalena ay ka gaabsanayaan.

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

One Response to Maxaabiis xaniinyaha laga garaacay qaar ka mid ah xabsiyada magaalada Muqdisho

  1. Yusri fuda says:

    Wax dhanbuu Gumeystoo dhulkeen goostay Qaarbadane
    Wax dhanbuu Gumaadoo shacbiga Gooyay Madaxoode
    Wax dhanbuu Gantaalaha la dhacay shacabkan Gaajeysan
    Wax dhanbuu xabsiyada joogayoo loogu Galiwaayay
    Wax dhanbuu Gabdhahanaga kufsaday qaarna Gowracaye
    Wax dhanbuu Garbaha wiil ka xiray oo ku riday jeele
    Wax dhanbuu Gumeystuhu na dhibay oo nagaasiraye
    Odayaal Gaboobiyo wuxuu Gabana laayaaba
    Ganbooleyda Dumarkiyo wuxuu Ubadka Gooyaaba
    Gardarada cadaankaa wuxuu nagu Gumaadaaba
    Gaalada aduunyada wuxuu nagu Gumeystaaba
    Guullihi aburtiyo ninkii Diinta Garanwaayay
    Muslimiin Gumaadkiyo ninkii Gacala moodaayay
    Godkaaba lagu dhigi oo adaa galbebsane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII