Kalsooni darada waa la abuuraa,waxaana ay ku timaadaa in qofka aad ku dhago hadashay isagoo kula jooga waxaana taasi ay cuqdad iyo calool xumo ku beetaa qofka wax kaala dhaxeeyo xilligaasi.
Magaalada Muqdisho waxa weeyaan maalmihii dambe mid si weyn la isku weydiiyey arin ay soo kordhiyeen lamaanayaasha cusub ee arooska galaya.
Waxa la sheegay waayadaan dambe soo kordhay wiilka iyo gabadha kolkay aqal galaan waxay kala qaadanayaan cell number (numberadii ay isticmaali jireen).
Muddada todobada maalmood lagu guda jiro ayaa waxa la sheegay in qofba qofka kale uu daaranayo numberka gacalkiisa si loo hubiyo asxaabta uu leeyahay maadaama nolol cusub ay galeen.
Qaar badan oo shacabka muqdisho ah ayaa la yaabay arintaani iyagoo ku tilmaamay mid kalsooni daro u abuureysa lamaanaha guriga cusub bilaabaya.
“Runtii aniga waxaan aaminsanahay labada qofood ee is calmaday inay farxad nolol wadaagaan hadana arintaasi waxa ku qasbi kara ma ogi sidaa waxa yiri gabar dhalinyaro ah oo muqdisho ku dhaqan”.
Ugu dambeyntii sheekadaan ee kasoo cusboonaatay magaalada muqdisho islamarkaana numberada ay kala badashaan muddo kooban inta lagu guda jiro Todobada Arooskooda.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk
aniga waxan u arka arin fool xun). Wiilakii wxan o kale sameyana waa nacas waayo hortiisa waa laguursan jiray sidan okalena lama sameyn jirin wuxu raba gabadhi oo hada so aroosay in mustaqbakeeda ku cayaaro asaga qarashkii u bixiyana u qasariyo naag waa qof adiga reerkaga keensatay waxaana laga raba dulqaad iyo samir inad ku wada nolatan. Loma bahna inad shaki iyo is dabagal inad iskula joogtan qofkana waa hawen caqli goda iyo diintooda waa nusqaan hadii lambarkaga xita lagu qaldamo reerkaga wuxu halkis ugu jira inuu burburo adiga qarshkii wayso ayadana gabar gabar nimadeedi hore ay wayso waxaa iska dhaafa reer xamar waaa qaab dari by by by.
Arrintaas waa cudur halis ah waa wax dhaqankeena ka fog, haddaan kalsooni iyo is aaminaad jirin oo shakiga intaas la’eg uu u dhexeeyo labada qof ee reerdhan ianay dhisaan raba maxay qarash iyo aroos been ah isugu daalinayaan? Haddiise lacalla lambarka la’isiiyey qof aanan garaneyn soo woco maxaan sameynayaa? Ma qofkii aan la aqalgalay baan la dagaalayaa? maxaanse ka fahmikaraa qofka isoo wacay waxa uu uyahay? Ma walaalbaa? Ma waalid buu u yahay? War waxaas dullinimada ah hala joojiyo oo guurku waa sharci ee qamaar ha ka dhiginina. Waliba waxaan eedda saarayaa ragga, war haddaanaan masuuliyad qaadi karin dadka gabdhohooda haka halleynina! adinkuna dayuus ha noqonina
Waa arin fool xun tasi waxa ka fican labada lamanaha is dortay iney iska dayaan lambarada la isticmali jiray ha la iska tuuro nambar ciusub ha la qato maxa yelay nolol cusub oo farxad leh ayaa la galay marka kalsonida ha lagu ciyarin
Gabadha hadaydonto sidas hasameyso lkn wiilka waxay kutahay raganima xumo waxay lamicnatahay ado nagtada ninkale uga shakiyey