Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Iker Casillas oo saxaafada usheegay “Afar Isbuuc Kadib waan soo laabanayaa”

casillas

 

 

 

 

 

Goolhayaha Xulka qaranka Spain ahna Goolhayaha Kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa waxa uu sheegay in bil kadib uu dib ugu soo laaban doono kaasi oo dhaawac dhawaan soo gaaray garoomada kaga maqan.

Iker Casillas ayaa waxa uu sheegay in dhaawaciisa uu yahay mid ka yara wanaagsan sida loo maleynayey isagoo sheegay in afar isbuuc kadib ciyaaraha k/cagta uu kusoo noqonayo.

“Afar Isbuuc Kadib waan soo laabanayaa,dhaawaceyga wuu bogsan doonaa dhawaan waxaana ugu bishaareynayaa taageerayaasheyda inan soo kici doono ayuu yiri goolhayaha labaad ee dunida ugu wanaagsan Iker Casillas”.

Goolhayahaan kooxda Real Madrid goosha uqabta Iker Casillas ayaa ku dhaawacmay kulan kooxdiisa la yeelatay naadiga Valencia ciyaar katirsaneyd Copa del Rey ee dalka Spain laga ciyaaro.

Qaliin lagu sameeyey kabtanka koowaad ee Kooxda Blancos lagu naaneyso ayaa waxa lagu sheegay in dhaawaca Casillas sidii laga baqayey uusan ahayn dhawaana uu garoomada kusoo laaban doono.

Casillas oo dhaawac kasoo gaaray farahiisa mid ka mid ah ayaa dhaqaatiirta la tacaaleysa daaweyntiisa waxay sheegeen in mar dhaw uu noqonayo goolhayaha mid ciyaaraha kusoo laabta sidaa waxa yiri dhaqtar kusugan magaalada Madrid Realna dhaqaatiirteeda ka mid ah.

Markii uu dhaawacmay Casillas ayaa Macalin Jose Mourinho waxa uu door biday inuu goosha kooxda Real Madrid usii qabto ninka ay kala soo wareegeen naadiga Sevilla Diego Lopez.

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII