Safiirka Somaliya ufadhiya ee dalka kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (America) oo la hadlay idaacada VOA laanteeda afka somaliya ayaa sheegay inay dhismaha safaarada gacanta kusoo dhigeen.
Ambassador Maxamed Cali Americo ayaa sheegay in dhismaha Safaarada Somalia ee dalka Kenya oo kol hore la bixiyey mar kale ay kusoo celiyeen gacantooda si rasmi ah.
1995-kii ayaa safiir hore oo somaliya ujoogay Kenya waxa uu kireystay dhismihii safaarada somaliyeed waxaase 2006-dii dacwad ka keenay arintaasi Americo 2010-kiina loo soo celiyey.
Hayeeshee wixii ka dambeeyey 2010-kii oo si rasmi ah maxkamada warqadihii dhismaha ugu wareejin ayaa waxa soconayey dacwada dhismahaasi.
“Hadda waxaa si rasmi ah ula wareegnay dhismaha safaarada Somaliya ku leedahay dalka Kenya,waxaan rabnaa inan uwareegno inaga oo hadda deggan guri kiro ah ayuu yiri Americo”.
Danjire Maxamed Cali (Americo) ayaa tibaaxay inay arintaasi uga mahad celinayaan cid walbo oo isku dayday dib usoo celinta dhismaha safaadarada Somaliya kulahayd dalkaasi Kenya.
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk