Madarasada Al furqaan oo ka mid ah iskuulada kuyaalla magaalada muqdisho ayaa waxa saaka lagu arkay iyagoo hortaagan ciidamo katirsan kuwa dawlada Somalia.
Mid ka mid ah maamulka Iskuulkaasi oo saxaafada qaarkood la hadlay ayaa waxa uu sheegay in mar kaliya ay ka war heleen ciidamo hubeysan oo iskuula afarta dhinac ka taagan ardayda iyo macalimiintiina hor istaagay.
Waxa uu sheegay inay usheegeen si sharci daro ah in iskuulka looga dhisay halkaasi dhismaha uu ku shaqeynayey islamarkaana ay bur burin kula dhaqaaqeen dhismaha uu ku yaallay iskuulka Al furqaan.
“Walaaloow saaka ayaa waxa noo yimid ciidamo hubeysan gudaha iyo banaanka iskuulka Al furqaan Waaberi ayey istaageen,macalimiintii iyo ardaydii ayey hor istaageen ayuu yiri maamulka iskuulkaasi”.
Waxay sheegeen inan lagu wargelin inay iskuulka dhismahiisu yahay mid si sharci daro ah loo dhisay maantana markii loo yimid waxbarashadoodii laga hor istaagay bur burina lagu bilaabay dhismaha iskuulka Al furqaan.
Wixii kasoo kordho arintaasi dib kala soco insha allah Warqaad.com
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk
Maxa dhacay ma dhulkaa laysku haystaa