Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Aroos muqdisho ka dhacay oo lamaanayaashii kala lumeen markii guriga la tagayna la is yiri adi miyaa…adi miyaa?

aroos

 

 

 

 

 

Iyadoo mudooyinkii dambe magaalada muqdisho ay kusoo badanayeen aroosyada ayaa midkeed aroosyadaasi waxa uu noqday mid layaab keenay.

Arooska ayaa waxa uu ka dhacay degmada Hodan meel ku dhaw isgoyska Tarabuunka waxaana markii galbinta arooska kala lumay lamaanayaashii Arooska ahaa.

Sheekada waxaa inoo soo wariyey wiil ka mid ahaa ka qeyb galayaashii arooska waxaana uu ku bilaabay sheekada sidaan:

“Waxaa labo aroos oo kala duwan ay ka dhaceen meelo isku dhaw oo kuyaalla agagaarka isgoyska Tarabuunka waxaana taasi ay keentay in galbintii gaadiidka ay kala lumaan lamaanayaasha.

Baabuurta arooska galbinayey ayaa ku kahay arooskii kale iyagoo hore uqaaday Caruusada arooskii kale taasi oo lamaanihii markii guriga la tagay la is weydiiyey adi miyaa..iyo adi miyaa!!

Anigaba waan yaabay dadkii kale ee babuurka ila saarnaana way yaabeen maadaama ninkii arooska ahaa oo loo galbiyey xaafad kutaalla Baar ubax uu arkay gabadhii uu guursanayey mid aan ahayn.

markaasi kadib ayaa waxa dib loo soo celiyey Aroosadii lagu khalday Arooska kale waxaana dadka goob jooga ahaa meesha ay qosol iyo layaab dhabano heys ah isku darsaday”.

Waxaa sheekadaan soo wariyey Maxamed C/llaahi (Hanad)

W/D:Xasan Cabdullaahi

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

2 Responses to Aroos muqdisho ka dhacay oo lamaanayaashii kala lumeen markii guriga la tagayna la is yiri adi miyaa…adi miyaa?

  1. hadii aad tihiin bahda warqaad fadlan si quruxsan iyo qaab wangsan uso qora barnamijka wa bilaahi towfiiq

  2. walijana says:

    Waxaasi waxaa laga dhaxlay dagaaladii tirada badnaa ee ka dhici jiray Mogadishu sababtoo ah waa nooc minal waali ah oo siloon 70% todobaatan boqkiiba noocaas ayay u dhaqmaan dadka ku nool Mogadishu waxaa hayo waali qafiif ah kaasoo keena dhiigii bina’aadamka ee meeshaa ku daadanayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII