Warar goordhow naga soo gaaray madaxtooyada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay soconayso qaban qaabo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo Ra’isul wasaare kuxigeenka dalka Turkiga.
Safarka lagu wado in Bekir Bozdag uu ku yimaado magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehlnaya wasiirka horumarka dalkaasi Cevdet Yilmaz iyo masuuliyiin kale.
Wararka ayaa intaas ku daraya in masuuliyiintan ay Muqdisho ku qaadan doonaan labo maalin oo booqasho ah iyadoona ay la kulmi doonaan madaxda dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa ay masuuliyiintan booqan doonaan xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho iyo goobaha ay mashruucyada ka wadaan gaar ahaan furitaanka Masjid weyn oo Muqdisho ay ka dhiseen, Iskuulo iyo goobo caafimaad.
Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay gaar ahaan dhinaca Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana marar badan ay xubno sar sare oo dowlada Turkiga ka socda ay soo gaareen Muqdisho.
Wararkii soo kordha dib kala soco Warqaad.com Insha Allah