Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: Xerta Ictisaam oo mar kale Hanjabaad iyo baaq adag soo diray oo ku wajahan..

baaJameecada Wadaadada Al-Ictisaam ayaa Baaq soo saarey maanta 21 February,2013 waxana uu u ku bilowdey sidatan:.

1.Waxaan kacodsanaynaa Dhammaan Culimada iyo Ducaadda Soomaaliyeed inay Joogteeyaan siina laban laabaan wacyi-galinta iyo cadaynta marin habowga Kooxda alshabaab , iyadoo la adeegsanayo nadwooyin ,Muxaadarooyin iyo Khudbooyinka Jimcaha , islamarkaasna dal iyo dibad laysku kashashado sidii looga hortagi lahaa dabar goynta ay kooxda shabaab ku hayso madhaafaanka Soomaaliyeed , kooxdaas oo ah Cadowga dadka ,diinta iyo dalka .

2.Waxan kaloo  kacodsanaynaa imaamyada Soomaaliyeed dal iyo dibadba inay bilaabaan Qunuud lagu habaarayo Kooxdaan dhunsan ee alshabaab , looguna ducaynayo muslimiinta in ilaahay shartiida kadul qaado , intii ay galaafteena ilaahay unaxariisto , arintaan waa arin diinta boos kuleh oo nabigu (SCW) ayaa horay usameeyay kadib markii lalaayay Qurraa dadka Quraanka barayay ,sidoo kalana uducaynayay Muslimiinta lacadaadinayay .

DHAGAYSO5

 
4.Waxaan kacodsanaynaa shacabka Soomaaliyeed meelay Joogaanba , inay usoo gudbiyaan laamaha Amniga cidkasta oo ay ku ogaadaan inay ku lug kuleedhay dilkii shiikha ama khatar ku tahay nabad galyada ummadda .3.Waxaan ugu yeeraynaa Dhammaan ummada Soomaaliyeed inay sameeyaan isu soo baxyo waa wayn oo looga hadlayo sidii loo xallin Mushkilada wayn ee kooxda Al-Shabaab kuhayso Shacabka Soomaaliyeed .

5.Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda uga qayb qaataan ololaha looga hartagayo xasuuqa iyo dabar goynta kooxda alshabaab kuhayso dadkeena , qofwalbana waxaa laga doonayaa inuu ololahaas kaga qay galao Cilmigiisa ,Caqligiisa , Khaibradiisa Xoogiisa ,Xoolihiisa iyo Sumcadiisa .

Hoos ka dhagayso Hadalka Ictisaam

DHAGAYSO5

 

 

Golaha Fulinta ee Jameecada Al-Ictisaam Bilkitaab wassunah

Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Al-ictisaam :

Shiikh Axmad Cabdisamad Cabdllaahi

3 Responses to DHAGAYSO: Xerta Ictisaam oo mar kale Hanjabaad iyo baaq adag soo diray oo ku wajahan..

  1. Seyful cadli says:

    Waxa culimada leynayo waa ashahada ladirirka biasta oo aad utaqanan lamaha amniga doqonsana ictisaam wax garada yara bashir axmed salad asago miciya dher sidi yaxas mujahidinta afkisa ku tagi ogaa

  2. mansuur says:

    waxan idiin leeyahay culimada iyo mujahidiinta afkina uraya ka ceshta maxan ladin arkeey nin idinkoo galada wadanka haysata wax kasheegaya mise xoolahooda xaranta ayad cuntaan idinka haduu xaqa ilaheey idin ka leexiyay waxabo haka sheegin mujahidiint cawan yaheey esha lisugu keeney oo mareekan ka iyo yahuuda u shaqeeya

  3. Axmad Xasan says:

    Ictisaamku waxay isku badaleen Ashahaado la dirir sida PIS-ta Puntland u hadlaya, Hadii ay sidan ay ku socdaan ay iska gaari waayaan waa loo cabsanayaa.

    Marka ay Shabaab-ka Mujaahidiinta ah ku Qunuudayaan maa Kenyaatiga, Itoobiyaanka iyo Yugaandhayska ku Qunuudaan ma hooyadeen baa dhashay mase waa Muslimiin?

    Ceeb u dhiman maysaan baa la idin yiri halagu dhoho ictisaam.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII