Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: Shir Jaraaid: Shirweynihii Maamul usamaynta Jubbooyinka oo xakad uu ku yimid “Sababta”"..

Shir-Jaraaid-KismaayoAyadoo maalinimada beri lagu waday in oo furmom shirka loogu go gol xaraayo in maamul Loogu dhiso Gobolada Koofureed ee wadanka Soomaaliya ayaa Galabta waxa shaaciye gudiga Maamul Usameynta Maamulkaasi in dib u dhacay.

Guddoomiyaha guddiga Macallin Maxamed Ibraahim ayaa ka sheegay shir jaraa’id in uu shirka dib u dhacay kaddib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan.

Hoos ka dhagayso Shirka Jaraaid ee Gudoomiyaha

DHAGAYSO5

 

 

Macallin Maxamed Ibraahim ma uusan sheegin waqtiga la qaban doono shirka, balse wuxuu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Sidoo kale waxa halkaas hadallo adag kasoo jeediyay Jeneraal Cali Madoobe wuxuuna sheegay in u diyaar garowga Shirka ay u soconayso sidii loogu talagalay, wuxuna intaasi Raaciyay Jeneraalka cilado Farsamo oo kamid tahay imaansho la’aanta Shirka ee Dowladda in dib u dhaca uu keenay.

Hoos ka dhagayso Hadalka Janaraalka

DHAGAYSO5

Ugu danbeyntii Guddiga farsamada ayaa dhawaan sheegay in shirka uu yahay mid maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, looguna talagay in ay ka soo qeybgalaan  500 oo qof oo ergooyin ahj, oo isugu jira dowladda federaalka, urur goboleedka IGAD iyo dadka deegaanka.

Waxaase xusid mudan in maamulka dowlada iyo siyaasiyiinta kale ee Gedo ay diideen kasoo qeyb galka kulankaas looga hadli lahaa maamul usamaynta Jubbooyinka.

Hoos ka dhagayso Go’aanka Maamulka Gedo

DHAGAYSO5

 
Sh Aadan Madoobe oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool ayaa qaba inaan maamul loo samayn Jubbooyinka hase ahaatee la mideeyo gobollada Bay,  Bakool, Jubbada Hoose, Jubada dhexe, Sh/Hoose iyo Gedo.

Hoos ka dhagayso Hadalka Aadan Madoobe

DHAGAYSO5

 

 

Cabdulaahi Cabdi Xaashi

Muqdisho-Somalia

22 Responses to DHAGAYSO: Shir Jaraaid: Shirweynihii Maamul usamaynta Jubbooyinka oo xakad uu ku yimid “Sababta”"..

  1. wiil sade says:

    kkkkkk been badanaa mamulka jbl xassan m.culusow is ka daye besha calamkan ayaan hoor is tagii karen mida kale aniga joog kismaaya hawushu mamul u samenta sifiican bay uu socota ku farxa ama ka naxa viva jubaland

  2. qadhoosh says:

    Wax shir lagu telmami karo kama socdo galo waxba madhisi karto anaga muslim ayan nahay somalida dagan aya wax dhisi karto dowlada aya masuliyada shirkaleh waxba ha ku mashqulin hawo cidlo ah sacid shirdon utaga oo warqad kasoqata wabilahi towdiq

  3. Xaylow bucul says:

    Maamulka maad sameystid hadaad ogood leedahay yaa ku hashta adiga calaacanlaa sxb hadad ishubta ragnimadada muuji

  4. Sagag boy says:

    Hada ayaa siriq loodhigay xasan culuso waxa hortaala 2 mid un,!
    Inuu yimaado !
    Inuu noqdo hogaamiye kooxeed oo ay sharciyadiisu dhacdo!
    Caalamiu ishuu kuhayaa kubadane xagiisaa loosoo laaday

  5. Sagag boy says:

    Waxaa lasugayaa jawaabta xasan culusow ! Banooniga xaggiisa ayaa loosoo laaday!
    Aynu sugno sida uu usoojawaabo.
    Siriq xunbaaloodhigay walee

  6. Bangal kenya wiil gaaljecel says:

    Shirka wuu soconiya birita ishii bugtay ku bakacaso

  7. waxkastaa hadhacaana dhul ninkiisi baa iskale. dhoof ninkii kuyimidbeey geeridu dhibeysaa waqtigii dhamayoo wuu dhaqaaqi doonaa. maanta waxa laga hadlaaya waa maamul usameynta kismaayo. insha alaah beri ama saadambe waxaa xigi doonda waa loosameeyay. hala samro guusha waa dhowdahay waana bilaabatay. jubaland hanoolaato somaliya hanoolaato.

  8. Galmudug boy says:

    Ilaa xasan shiikh maxamuud aabbe la yiraahdo hadii la dhiso been baan idiin sheegey aaduunkaba lama socotaan ma ogtihiin ninka aad madaxweynah u rabtaan axmad madoobe inuu yahay ninkii diley gaalkii muuris hala xisaabtamo

  9. JUBBA ASAL says:

    Shirka ay diidanyihiin beelaha jubooyinka 90% sidee buu u hirgalayaa, dowladda Soomaaliyeedna aysan ogolayn. Waxaa iswaydiin leh nimanka shirka doonaya inay qabtaan xageebay ucararayaan? May sugaan waqti fiican oo ay dadku isu socon karaan? Jubada Dhexe lagama saarin Shabaab oo odaayshii iyo waxgaradkii maynan imaanin. Waxgaradka beelaha intooda badan ma joogaan Kismaayo. Waxgaradkii Gedo majoogaan. Waxgaradkii Digil iyo Mirifle ma joogaan, waxagaradkii Mareexaan ma joogaan Kismaayo, Waxgaradkii Sheekhaal iyo culimadoodii majoogaan? Gaaljecel hasheegin, Cawramale iskabad dhaaf, Biyomaal lama hayo. Nimankani waxay doonayaa inay si dagdag ah wax udhoodhoobaan oo ay yiaraadaan maamul baan samaynay, taasina ma suurtagalayso. Jamaambe, iyo Jilib iyo Buaale, iyo Mareeray iyo Kamsuuma, iyo Turdho iyo Goobwayne iy Beerxaani iyo Jaanay Cabdalla iyo Hoosingow, iyo Saakow iyo Baardheere iyo Luuq iyo Garbahaaray iyo Doolow iyo Ceelwaaq iyo Balad Xaawo, iyo Yoontooy, iyo Luglow iyo Buula Guduud iyo Xaranka iyo Buula Yareey iyo Makaaso iyo Geesguud iyo Ceelmooge cidii noogu timaadda ayaan arki doonaa.

    Maamulkani meel uu ka shaqeeyo ayaan loo baahnaan doonaa. Marka aan lagu dagdagin, Soomaali way isbartay oo lama kala adka cidna lama juujuubi karo, ka ahaaw beelaha iska aamusan ee aan qaylada badnayn sida Gaaljecel, Sheekhaal, Cawramale, Dabarre, Biyomaal, Jareer, Baajuun, Ajuuraan ama ahaw beelaha qaylada badan ee iska dhaadhiciyay buuq iyo qaylo ayaad dhulka dadka ku qaadan kartaan sida, Ogaadeen.
    Xigii jabhadayntu way dhamaatay.

  10. JUBBA ASAL says:

    WAR DEGDEG AH:

    Waxaan maqlay inay beelaha Sheekhaal, Gaaljecel, Mareexaan, Biyomaal, Jareer, Cawramale iyo Beesha Digil iyo Marifle iyo kuwo kale ay shireen oo ay ku hashiiyeen inay wax wada qabsadaan, dadka dhibka ku haya Jubooyinka ee Shisheeye kalkaal ahna si siman la’isoga qabto, hadii ay diidaan wada noolaanshaha iyo walaaltinimada, iyo qarannimada Soomaaliya.

  11. burgeesoole says:

    @jubba asal, commentigaada hore aadbuu u fiicnaa illaa aad kan labaad xaar iskaga wareegtay marexaan iyo ogaadeen qori dambe isuma qaadanayaan ee magaca marexaan meesha ka saar,haday labadaasi heshiiyaan jubaland way dhismaysaa maxaa yeelay waa labada qabiil oo dhulka intiisa badan deggan oo wada dhashay sidaa ula soco yeysan kaa hoos bixin siyaasaddu. :)

  12. Anaga hadanahay shacabki somaliyed anaga aya xaq uleh inan dhisano mamul lkn mamul garisa iyo neyrobo laga kenay yeli meyno wlhi kenya hadad umaleysay wehel wehel kuma noqonayso ee malin cad ayaad u cararidonta kelinka shanad iyo waqooyi bari war wadanku dowlad la aqonsanyahay aya kataliso kenya kama taliso anagana hadanahay beel weynta digil iyo mirifle anaga aya naga go’ada talada jubooyinka

  13. Waxey bbc da ayshegtay hada wuxu shirka dib ugu dhacay in dowlada ay san ka so jawabin casumadi sawabta ma aqan

  14. waxaan aad ulayaabanahay dhulka mahaddaan wada degnay mase awelbaa lawada degganaa war wanaagga kashaqeeyaa soomaliyey waxa barakada idiinka qaaday waa xasidnimada waxa ogaden barakeeyey ee laandheeraha kadhigay waa dulmiga ay soomali ku hayso iyo sammirka uu u sabro Illaahey kheyrka idinka qaad xumaa duulku

  15. Wiil ogaden buaale says:

    Waw yaan la wal walin shirku wuu socon in shaa allah lkn cidi indhaha qabsaneey qabso cidii furiyeena fur

  16. Kismayo my home says:

    Kkkkkkkkkkkkk waxaan idii sheegayaa udi isusheegow caqli shaqeeya la imada kismaayo inta baardheere al shabaab ayu joogaan maamulku waxaa uu ujiraa inta cirku ujiro kkkkkkkk diqsi yow urur oo uruur carhaan buji

  17. yaqbisharo says:

    ahmed madobe waa jujus u shaqeya kenya marka kismaayo mano qonaysa dadka degaanka waxay rabaan inay dowladda somali lashaqeyaan. hal cid oo shaqali kala ah gobalka ma matasho.

  18. Walahi meshaan shimbiryalow heesa aya lagu haya ee waxkaso baxayane male balse wan arki donna insha allah

  19. Asc dhalin yarada somaliyed e sharafta iyo wadani nimada leh wad salamantihin

  20. Shirka dib ayuu udhacay, lkn taamacnaheedu maahan inuu gabi ahaanba istaagay, laba maalmood oo looga danleeyahay in dowlada lagu fashiliyo uunba lagudaray, taariikh 25 oo isniinta kubeeganna wuu bilaabmaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII