Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: kulamo deg deg ah oo kadhan ah maamul usamaynta Jubbooyinka oo Muqdisho iyo Garbaharey ka socda

Waxaa ka soconaya Magaalada Muqdisho Shir balaaran oo soo qaban qaabiyeen Siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka.

Xildhibaan Hore Bood oo goordhow isagoo ku sugan Hoolka Shirku ka socdo hadal kooban Siiyay saxaafada ayaa sheegay in Shirku uu yahay mid ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Siyaasiyiinta iyo wax garadka kasoo jeeda deeganada Jubbooyin,wuxuuna xusay in ajandaha shirka uu yahay Dowladda Soomaaliya in looga danbeeyo Arimaha maamul u samaynta.

Inta kulanku socdo ayaa waxaa la filayaa inay khudbado ka jeediyaan kasoo qayb galayaasha, wuxuuna shirkani kusoo aadayaa xili goordhow uu shirkale oga furmay Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo Wafdi ka socday gudiga Farsamada Maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo.

Wixii kusoo kordha Shirka Muqdisho iyo Garbahaareey dib kala soco

Hoos ka dhagayso

DHAGAYSO5

14 Responses to DHAGAYSO: kulamo deg deg ah oo kadhan ah maamul usamaynta Jubbooyinka oo Muqdisho iyo Garbaharey ka socda

  1. Dajiye says:

    Shirka waa in looga dambeeya beesha sade iyo waliba dowlada soomaaliyeed waayo ayaga ayaa xagg uleh.

  2. ASAL JUBBA says:

    Hadii aysan beelaha walaalaha ah ee Jubooyinka dagan ee asalka ah sida, Gaaljecel, Biyomaal, Sheekhaal, Cawramale, Dabarre, Ajuuraan, Jareerwayne, Mareexaan iyo Ogaadeen ayna dawladdu shir uqabanin, shirkaaso oo marka hore iyaga lagu heshiisiinayo, marka dambana laga wada hadlayo sida ugu haboon ee maamul lagu dhisayo, arinta Jubooyinku waa jugjug, meeshaada joog.

    Dhibaatada iyo colaadda iyo isnaca ayaa sii badan, qabiil xoog qabiil kale ku xukumina majiro oo taas Soomaali way isbartay.

  3. marexankii ruushka u ekaa soo rogaal celi says:

    dadka dega jubooyinka haloo daayo arimahooda

  4. walijana says:

    Haha kuwan cuqubadisho fadistay waa dulmiilayaal kasoo horjeeda maamulka laga dhisaya hadii aadan dadkiina raacayna deegaanka kuwa jooga ayaa idinka badan kuwaasi ayay quseeysaa balse nin banaanka taagan waxuu u sheegayay nin magaaladiisii jooga so that imaada gobalkiina

  5. samatar says:

    madexweynaha waa inuu noqdaa axmed madoobe,waayo hadii lagadhigo sade,ragii kaqaadey galgaduud ayunbaa tana kaqaadi

  6. ASAL JUBBA says:

    @ Samatar,

    Saaxiib Axmad Madoobe Qabadahar iyo Kilinka Shanaad buu ku dhashay ku koray qabiil ahaanna kasoo jeedaa.

    Qaar kamid ah beeshiisu way dagtaa Jubooyinka waana dhab, lakiin Axmad Madoobe xaq umalaha inuu xukuma Jubooyinka iyo Kismaayo toona, waliba uu isku dayo inuu xoog iyo xabad iyo jabhad qabiil ku xukumo.

    Kismaayo Axmad Madoobe xag umala inuu xukumo ee wuxuu xaq uleeyahay inuu xukumo Afmadow, waa hadii ay beeshiisu ogolaato, hadii kale shacabkiisa dhinaca ha ka raaco.

    Kismaayo waxaa xaq uleh dadka Asalka ah oo ah Sheekhaal, Gaaljecel iyo Cawramale iyo Baajuun, waxii intaas kasoo haray waa dad kowta ah, waan ogahay in Majeerteen daganhay magaalada, Mareexaan dagan yahaym, Habar Gidir dagantahay, Abgaal wax ka daganyahay, Soomalai kale oo badan ay wax ka daganyihiin, laakiin dadka deegaan ah ee dhulka dagan waa afartaa beelood ee aan kuu sheegay.

    Hadii xal ladoodi, dhulka dawladda Soomaaliya ha xorayso, kadib xukuumaddu udub dhexaad ha unqoto maamul usamaynta Jubooyinka, iyaga oo la isugu yeedhi dhamaan wax garadka iyo dadka indheer garadka ah ee beelaha wada dagan Jubooyinka, kadibna haka wada hadlaan sida ugu haboon ee maamul lagu sameynayo, sidaa kaliya ayaa la isku ogolaan karaa, hadii aynaan is ogolaaninna colaadu ma istaagayso, beel beel ka xoogbadanna ma jirto, nabadna kama dhacayso Jubooyinka ilaa si dhab ah waqtiyo badan iyo heer kala duwan loowada hadlo.

    • burgeesoole says:

      @asal jubba
      war maamulka waxa loo suubinayo waa 3 gobol sidee wax u fahantay adigu kismaayo kaliya ma’aha.
      dadka meeshan commentska bixiyaa ma wada 15 jirbaa mise caqligaa ku yar?

  7. Shariif says:

    Bal waxa HUUTU kagalay jubboyinka yaa sheegi kara. War meesha laga hadlayo waa jubooyinka, dadka majority ka ahna waa dadka hada haysta. XABAD ayaa lagu xoreeyay hubooyinka, laguma xoraynin shirar iyo idaacado ka hadal. VIVA JUBBALAND
    VIVA AXMED MADOOBE

  8. Gaaljecel dagmada leego says:

    War badnati wax ma taro sxbken asal juba runta ayad shegtay afarta beelod aya xaq uleh nimanka kismaya ku xareysan e ogaaden o kenyatiga kuwardiyeyna mesha wax kuma heysana isaga taga umada rer juba iyaga tashanaye hadii ogaaden wax dhisanayo wuxu xaq uleyahay afmadow axmed madobe wa dagal ooge waxne ma taro

  9. wiil wardey says:

    sxb jubbaland mesha ad ledihin asalkedi waxay aheyd waamoland waxana logu imadey beesha wardey waxa loo diday ona lo didanyahay ila iyo hada dal iyo degan waxakuso duley okafara marojiyey qomimiyo eji ila iyo hadana xoog kuhayta insha Allahu mamulkinana hal bacad lagu lisay ayanka dhignay

  10. JUBBA ASAL says:

    Wiil Warday Cali, adeer xaqaaga waad heli ee la soco.

    Warday waa walaalaheen.

  11. Wardey laga cararo ayaan arki jirnee wardey lagu fanayona hadaan aragnay.

  12. Dr.,yamani says:

    Walaal؛ayaalow yaanles oominin afdilaacsan waa iskahadlayaa ma maantaa leykakarilayahay qoladii oomaneed nin baa wuxuuyiri cimrigaagoo wenaadaa geeldhal ayna waakutusaa lababari isug adaa wax arki doonee ninka omanoow dhibkas waxa igu kenay isago sakaraada ayuu iiyimid walalow imartigeli ayuu iyiri waxan umaleyay ruux hagagsan omuslina wansokaxeyay waxan dajiyay afmadow wakaas matana omane waxaas samen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII