Taliska ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamo ka socda nabad ilaalinta Amisom lagaynayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Col. Cali Xumud Afhayeenka ciidamada Amisom ayaa sheegay in ciidamada Amisom loogu talagalay oo kaliya deegaano kooban oo gudaha Soomaaliya ah aysana qorshaynayn in ay geeyaan gobolka Galgaduud.
Hadalka Amisom ayaa ka danbeeyay kadib markii maamulka dowlada ee Galgaduud uu dalbaday in ciidamo ka socda Amisom la geeyo gobolkaas.