Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gabar muqdisho kunool oo hal mar madaxeeda udhiibtay labo nin iyo sheeko Warqaad idin ka diyaarisay!!

meher

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Adduunyada hadaad joogto wax walbo waad arkeysaa,shabkada Wararka Warqaad.com oo baahisa,falanqeysa soo shaac bixisa wararka bulshada ka qarsoon ayaa soo gudbineysa sheeko culus.

Ka hor sheekada ka dhacday Muqdisho waxaa hore ula socoteen in bishii July 2011-kii Warqaad.com uu daabacay dhacdo ahayd in gabar la guursanayey Xamar ay meherkeeda ka dhigatay inan gabar kale lala guursan.

Warkii hore war soo dhaaf,maantana waxaan idiin wadaa sheeko ka dhacday Degmada Hodan gaar ahaan xaafada Al barako magaalada muqdisho waxaana todobaadkaan Horaantiisii ka dhacay sheekadaan.

Wariye Xasan Cabdullaahi oo socdaal ku tagay meel ku dhaw halka ay dhacdada ka dhacday ayaa looga xog waramay sidii ay wax udhaceen kadibna sheekadaan ayuu ka diyaariyey.

Waa barqo waxaan kusugnaa guri ka mid ah kuwa kuyaalla Degmada Hodan xaafada Al barako dhinaca Warshada Caanaha xigta anigoo kusugan guriga ayaa waxa isoo gaartay in gabar labo nin mar kaliya mehersatay.

Waan dhuuxay nuxurka hadalka anigoo kadibna qofkii ii sheegayey sheekada aan weydiiyey sida ay wax udhaceen wuxuuna hadalka ku bilaabay:

Gabar ayaa cideeda laga soo doontay,waxaa soo doontay ergada wiil dibada jiray waxaana loo guryo fariistay ehelka gabadha si gabadhooda ay dooneen loo siiyo ama loogu diido.

 

Markii cidii loo tagay ayaa odayaashii waxa lagu soo dhaweeyey gacmo furan iyadoo shaah lawada cabay kadibna cidii gabadha laga doontay ay ogolaadeen in gabadhooda la siiyo wiilkii soo calmaday.

 

Ileen hore baa loo yiriye gabari waa hooyadeed markii guur iyo arimaheeda timaadana kuma jirtee gabadhii waxa la weydiiyey side u’aragto ninka soo doontay ee dibada kusugan wayna soo dhaweysay.

 

Maalmo kadib iyo ballamo labada qoys kala qaateen waxaa la gaaray meherka maalintii loogu talo galay waxaana iyadoo xilliga quraacda lagu guda jiray ayaa waxa yimid guriga wiil dhalinyaro ah tollow waa kuma?

 

Wiilka dhalinyarada ah waa gabadha la aroosayo wiil ay isku xirnaayeen waliba si qarsoodi ah (Khudbo Siro) isagoo utagay gabadha hooyadeed isagoo ku yiri:

 

“Haye…Haye…meesha maxaa kasocda markaas baa lagu yiri heblaayo ayaa la aroosayaa saw ku jawaabay anigaa gabadhiina qabo waana xaaskeyga isagoo soo bandhigay labo nin oo xilligii meherkooda marqaati ka ahaa”.

 

Hooyadii guriga ayaa si jees jeesnimo ah ku tiri “Waryaa heedhe orod oo bariiska iyo hilibka dadka cunayaan wax ka cu nee naga tag aan waxeena kaa karsanee”.

 

Mar kaliya jawiga farxadii arooska ayaa noqotay buuq iyo wax isweydiin iyadoo labadii qof ee isku timaadaba is weydiinayey gabadha nin hore ayaa qabay ninkii dibada kusugnaana waa la siiyey waa yaab!!.

Ugudambeyntii Culimada Somaliyeed side bay uga jawaabayaan mas’aladaan guurkaasi siduu noqonayaa maadaama gabadha oo nin hore uqabay hadana nin kale la siiyey?

Akhriste Fikirkaaga kazoo dhiibo waa muhiim mahadsanid

W/D:Xasan Cabdullaahi

Xafiiska Wararka

Www.Warqaad.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

36 Responses to Gabar muqdisho kunool oo hal mar madaxeeda udhiibtay labo nin iyo sheeko Warqaad idin ka diyaarisay!!

  1. Asc walalayaal horta Guurkaas waa baadil BECAUSE NEBIGEENA NNKHH WAXA UU YIRI inantii weli la’aan guursata guurkeeda waa baadil guurkeeda waa baadil guurkeeda waa baadil SADDEX JEER AYUU KU CELCELIYEY. Mahadsanidiin

  2. Bal jawaabta culimadana aanu aragno

  3. AXMEDYAYE says:

    wadhacdo layaab leh haweynka dhagartoodane waa mid weyn

  4. sh basbaaas says:

    Waa waxaa wax alle kuugu dar culumada ayey u taaal oo kala saaraya ayey ila tahay

  5. Kaambooni says:

    Waxaan dhihi lahaa dumarka alle hakabaqaan sharcika islaamka ma oqolo

  6. Odey-8iiqe says:

    sxb maadan kala sheegin in Waligii Gabadha joogay & inkale markuu meher xaday ninkan hore !!?? . Hadaba arintu waa labo qayboob 1- Ninkii hore ayaa qaba gabadha hadii ninkii hore meherkiisu sax ahaa . Ogow labo meher hal gabadh ma wada qaban karaan hal mar sxb !!!. 2- meherkii hore haduuna sax aheen ninka hadda lagu meheriyo ayaa guursan . ninkii horena Xaaraan ayay isku qabeen weeye macnuhu ( Boy & Girl friend ) ”’wali la,aan Nikaax majiro” waa Xadiis saxiix ah . Waligeedii oo jooga haduu ( qodbo siro ) ku qabay xaaraan ayuu ku qabay ninkan horana . Hadda kii loo mehersho ayaana guursan . Sidaa ayay kala tahay arintu .

  7. Faysal says:

    Nagta ninkan danbe ayay kumehersantahy isagana qaba qudbosiro sal iyo raadtona maleh

  8. qudba siro hadu kuqabey .wax jiro ma ahan gurkas waxa jira ninki ay walidinteda siyan aya qabo orali ugayihin. Wakas aw qudbosiro filimka ey aya cunay.

  9. olhaye says:

    asc aniga fikradeyda waxay tahay guurki hore waxba kamajiro waayo gabar weli la’aaan ma mehersanto hadana tan waxaaba laga yaaba inuu aabaheeda meesha joogo marka guurki hore waa kakac

  10. Shuriye says:

    Su’aasheyda waxa waay gabar abehed iyo hooyaded ay joogaan sidee kunikaaxsami? Marka guurki hore ayaba leyskuhaysta

  11. Abuu maxamud says:

    Gabadha waa faasiqad ee hala xukmiyo sida lashegaa hadi ay run tahey

  12. Ninkii wasaleh walalayal

  13. cadeey says:

    caadi mahan nasiib badanaa gabadhaas wiil yar ay heshay kadibna ninkii reerkooda ay la rabeeyn duco ayeey reerkooda ka heshay madaamey ogolaatay ninkii waliidsii ay ninkii xun ay iskiiga tagtay intay ceebtooda aysoo bixiin caadi mahan i love it.

  14. Dube says:

    Naag ninkii utaga haloo daayo

  15. Jilib says:

    Waxan dhihi laha marka hore nagta uur halaga baro kadib waxii kuso boxo hala xadeyo

  16. goodir says:

    waa nikaax baadil ah wali la aan gabadhu ma mersamayso markaa baadil bay isku qabeen waxad qarsata waa ku qarsadan wildidku waa saxnayen inantoda 1 nin baa gaya kiina wa siiyen by

  17. Jamaame says:

    Waa yaab oo nagtu masugila ayd intii cideda ugasheekto wayab waxlawaynayo malahan

  18. Masuulsare says:

    Gabadha arintedu way cadahay yaan wax laysku qasin ninki hore hadu wali laan qabay gabadha waligedii oo jooga waa wax kamajiraan hadayna gabadhu wali udhaw lahayna waa wado goni ah hadi kale way cadahay waxaa guursan ninkay waalidiinteed siiyen

  19. Adam says:

    Si kasta oo weli u bixiyo gabadh haddaan iyadu raalli ka noqon meher ma jirayi,marka gabadha rabitaankeeda yaan la iska indha tirin.marka kii iyadu rabtaa soconaya.

  20. C/laahi Baariga says:

    Gabadha Waxaa XaQ U Leh Ninka Ay Waalidiinta Siiyeen Balse Kii Hore Ee Qudba Sirada Let Him Disappear Hadii Kale Daalac Ayaa Loo Raacin

  21. Ali c/ salaan says:

    2 badubo dan bi ayee ku jiraan ee alla ha utoobad keenaa????
    Mida kale oo gurka danbo ayaa sax ah

  22. abdi biixi says:

    gadabadha waba raxaysatay waxay udhiganta sino oo kale ma herkihore kaliya way raxaysatay

  23. Asc dhamantiin horta wan ina wada salamy marka xigta dhamanti hal wado ayaad wada qaaden horta wa saxan tahay lkn aniga waxan qabaa hadi ad manta heshaan gabar raali in kaga ah inaad qudbo sireesatan kamiina diideen ee horaad ugali laheedeen marka idinkoon ogala jeedin ku xumeen gabadha iyo wiilka hore u qabay xagooda ah runta halaga hadlo fursadaas hadey ina so madho maxad ka dhihi laheedeen ma ka faa’ideysan laheydeen ama wad ka leexan laheydeen

  24. Shanshi yare says:

    Horta warqaad inta ka shaqeyso habartiin futada ka wasa aflagaadana ka daaya dumarka malin walbo waxaa sheegtaa wax eey wabseyada kale ka xishoodan maalin walba waxaa noo sheegtin wax aana jirin ayaa nooshegtan markaas ayaa leedihin xamar ayeey ka dhacdy waa suaale makaligin ayaa joogtan xamar wabsed kale ma joogo miyaa naga daaya beenta hadii kale waxaa la kulmeysaa waxaa la maqal

  25. Konfurta som says:

    Walalayan nikaxa hore waxa lagu magacaaba nikax fasid ah .waxaka lafiriya ma ugalmoday mise mayo?hadeysan galmojirin wax axkam ah o ka dhalanayo malahan .lakin galmada kadib .axkan aya karatibmeysa .sid:ilmaha in loxukumo. cidad iney gasho.3 mohermithi .wa sidas.waxi inta kadambeyo .waxay kuxirantay sida laguheshiyo.

  26. Wadani runlow ah says:

    Kkkkk.gabadha halayaabin wayo horaa loyiri “noolaatay naag labo nin lehi wase naag kiro” marka waxay rabtaa inay bal inay nimanku kala macaanyihin iyo inkale kalaogato.

  27. Dacad says:

    Waa macquul anay igu dhacday qisadan mana jecli in laga shekeyo marka khayanada ugu weyna waxey ka timadaa haweynka ama ha qayaneyan rerka ay ka soo jedo ama raga gursanaya marka ani waxaan dhihilahaa gabi ahaan hala jojiyo guurkas

  28. Mar haduuba qaawiyey ha loo daayo wax la cunay mar labaad dhadhan malaha

  29. Ali nuur says:

    Asc wr horta marka hore si tuhun kujiro inay wax udhecen iyo in kale aya la hubsada
    nikaaxa 2da ah wala kala qadaya
    nikax an wali lahayn majiro marka waligu wuu badan
    wali muxakama o ay gabadhu ka xakimyelato o amar keda udhibato
    iyo wali qaadiya magalada dhan xukuma
    iyo wali qariba sida abaha walalka adrka awawga
    mesha nikaxu kadhacayo hadaysan jogin waliga qaribka gabadhu way samaysankarta wali ninka mehrinaya ayay kaxakim yelan karta amarkedana udhiban karta marka nikax bila wali dhaca majiro akhyarey wali midka gabadha dhalay kaliya lama dhaho e waliga badan marka nagta nikax haday samaysay mid 2aad maqabto ki hora sax ah kan dambana wa fasid marka suasha mesha tala waxay tahy nikaxu se udhacay ma ayado waligi qaribka aha o gabadha dhalay lagaheli karo magalada budhacay mase ayago kafog haday kafogayen wax sax nikax hore kan dambana wafasid kadi kale o laga helayo meshana ama magalada kandambe aya asaxaya

  30. sharafta says:

    To diinyar dar alle
    Waryaa adi ma cuntaad ka hadlaysaa mise qof bilaaden adoo kale ah..
    Alla abow! nimanki somaalida waxey qacli ka digteen iney haweenka yasaan oo qiima u yeli. Wax isku fal plz oo mar dambe dumarka saa ha oga hadlin. Wax lacune dhandhan malaha keye, bal adi eeg sadxinimada intaa le’eg.dumarka ibnaadem maha miyaad maqashey.

  31. Hamdi says:

    Nagta waxaa qada ninki waridkiid siiyeen

  32. Hamdi says:

    Nagta wwaxaa qabo ninki waridkiid siiyen waxaa la rabaa arintaad in ee raga somaliyed ku quusqaatan

  33. Hamdi says:

    NAGTA WAXA QABO NINKII WARIDKEED SIIYEN ARINTAAN WAXA LA RABAA IN EE RAGA SOMALIYED KU QUUSQAATAN

  34. Hamdi says:

    Nagta waxaa qabo ninkii waridkeed siiyen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII