Nidaamka waxbarasho ee dalka waxa uu soo maray heerar kala duwan oo mid waliba uu lahaa duruuftiisa gaarka ah ayna jireen ammaan iyo dhaliilba. Qoramadeenna waxaan ku ifinaynaa waxbarashada sare ee jaamacadeed xilli dalku burbur ku jiray ayna maqnayd kaalintii hay’adihii dawladeed ee ku hawlanaa dejinta siyaasadda waxbarasho iyo kormeerkeeda dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Ka dib burburkii qaranka soomaaliyeed billowgii sagaashameeyadii waxaa la burburay nidaamkii waxbarasho ee dalka, waxaa dhulka lala simay inta badan dugsiyadii dalka iyo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo tiro yar oo dugsiyadii dalka gacanta u galeen dad gaar ah oo uga faa’iidaysta dano gaar ah.
Markii uu meesha ka baxay adeeggii waxbarasho ee dawladeed waxaa billowday aasaaska waxbarasho gaar ah oo hay’ado iyo shakhsiyaad is xilqaamay gacanta ku hayaan. Waxbarashada gaarka ah waxaa ka faa’iideysta tiro arday soomaaliyeed mase daboolin baahida waxbarasho ee jirta maadaama waxbarashada gaarka ah lacag lagu barto, sidaas darteed ayey tiro badan oo dhallaan soomaaliyeed ah aysan duruuftu u saamaxin inay aadaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.
Intaas waxaa dheer in ay billaabatay waxbarashada sare ee jaamacadeed si ay ardayda dugsiga sare dhammaysata waxbarashadooda u sii wataan. Jaamacadihii ugu horreeyey waxaa dhidibada loo aasay bartamihii sagaashameeyadii, iyadoo marba marka ka dambaysa jaamacad cusub la furayey ilaa laga xiiso beelo ku dhawaaqidda jaamacad cusub.
Tusaale ahaan waxaa magaalada muqdisho ka furan soddon jaamacadood qaarkoodna ay dhawr mitir isu jiraan, waxayse su’aashu tahay magaaladaasi ma qaadi kartaa tirada intaas la eg? yaanba tayada la is weydiine.
Marka laga hadlayo qiimaha shaygu leeyahay aragtida cilmiga dhaqaalaha waxaa loo eegaa in helidda shaygu xaddidan tahay, taasi macnaheeda waxa uu yahay in haddii shayga si fudud lagu helayo meel kastana yaal in qiimahiisa iyo tayadiisuba yaraanayso, sidaas darteed ayey is barbar yaaca jaamacaduhu yaraynaysaa heerka waxbarasho ee jaamacadeed iyo aqoonta ardayga jaamiciga.
Waxaa muuqanaysa haddii ay sii socoto ka badashada jaamacadaha baahida deegaanka ay ku yaallaan in laga dhaxli doono kala saar la’aanta dikumintiyada saxda ah iyo cidda sida dhabta ah wax u baratay, taasina waxaa u sabab u noqon karta tira beelka jaamacadaha.
Jaamacadaha ka furan magaalada muqdisho waxa ay kala yihiin:
10-Jaamacadda Jamhuuriya
11- Jaamacadda Jobkey
12- Jaamacadda Salaam
13- Jaamacadda Niileyn
14- Jaamacadda Mustaqbal
15- Jaamacadda Daarul xikma
16- Jaamacadda Hope
17- Jaamacadda Modern
18- Jaamacadda Horizon
19- Jaamacadda Daarul culuum
20- Jaamacadda Hormuud
21- Jaamacadda green hope
22- Jaamacadda Imaam
23- Jaamacadda Southern
24- Jaamacadda Horn of Africa
25- Jaamacadda Webi Shabeelle
26- Jaamacadda Jaziira
27- Jaamacadda Saba
28- Jaamacadda Wagaala
29- Jaamacadda Jubba
30- Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya.
Waxaa ka muuqanaysa jaamacadaha kor ku xusan iyo kuwa kale oo gobollada dalka ku yaal dhaliilo ay ka mid yihiin:
Hawsha aasaasidda hay’ad waxbarasho oo heer jaamacadeed ah waxaa lagama maarmaan ah inay ka timaaddo aragti ka dibna la bisleeyo, iyadoo loo sahan tegayo sida ay aragtidaasi ku mira dhali karto, waxaase jira qaar badan oo ka mid ah jaamacadaha shaqeeya inay ku billowdeen si laab la kac ah, halka qaar kale ay ku abuurmeen is faham darro soo kala dhex gasha hawl wadeennada jaamacadda, ka dibna la kala jiito barayaasha iyo ardayda haba lagu dhexjiro sanad dusgsiyeed waxbarasho oo socda.
Jaamacaduhu waxay inta badan ka wada siman yihiin adeegsiga manhaj aan dib u eegis lagu samayn, ilaa maalintii jaamacadda la furayna horyaal dufcad kasta oo soo marta kulliyadaha jaamacadda.
Waxaa kale oo jira in la adeegsado buug ay qoreen dad kale balse kor looga qoray magaca jaamacadda iyada oo aan oggolaasho laga haysan qoraaga buugga, taasi waxa ay daliil u tahay halka uu joogo wacyiga maamulka jaamacadda oo raalli ku ah ilaalin la’aanta ammaanada cilmiga.
In kasta oo uu ammaan mudan yahay baraha soomaaliyeed oo dhex taagnaa dhallaanka soomaaliyeed marxaladdii adkayd ee la soo maray haddana waxaa jira in la hawlgeliyo qaar ka mid ah ardayda sanad ka hor jaamacadda dhammaysatay lana siiyo magaca bare jaamacadeed laguna aammino maaddo dhan, iyadoo laga yaabo inuusan dugsi hoose noloshiisa wax ka soo dhigin.
Sidoo kale waxaa jira tiro yar oo bareyaal ah takhasusna ka soo qaatay dalka dibaddiisa balse aan lahayn waayo aragnimo wax u dhigis arday heer jaamacadeed ah, taasi waxaa laga dhaxlaa is faham darro soo kala dhex gasha barayaashaas iyo ardayda ay wax u dhigaan.
Tirada faraha badan ee jaamacadaha ka furan gudaha dalka waxa ay ku guul darreysteen in dhexdooda laga helo bareyaal allifa buug noqon karta manhajka lagu derso kulliyadaha ay wax ka dhigaan.
Waxaa lagama maarmaan u ah jiritaanka jaamacad inay ku lammaan tahay maktabad ay ka faa’iideystaan barayaasha iyo ardayda jaamacadda. Jiritaan la’aanta maktabadeed waxa ay keentay in jaamacadaha shaqeeya maaddo walba raad raac (marjac) looga dhigo hal buug oo keliya, ardaydana ay buuggaas sawirtaan si ay uga faa’iideystaan, halkii ay ahayd in ay ardaydu u noqdaan buug badan oo xiriir la leh maaddada la dersayo.
Jaamacadaha shaqeeya waxaa ka jira qalab la’aan dhinacyada kulliyadaha sayniska iyadoo aysan jirin inta badan laabab iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka u ah fahamsiinta ardayda mowduucyada u baahan qalabka baraatikada, sidaas darteed ayaa ardayda la baraa aragtiyo cilmi oo aysan barbar socon qalabkoodii, taasina waa naqsi mar kastaba ay dareemayaan ardaydeennu, iskaba daa inay wax ku bartaan tiknoolajiyada casriga ah.
Duruufaha dalka ka jira awgood ayaa sababay in ardayda jaamacaduhu wax ku bartaan guryo gaar ah oo ku dhex yaal xaafadaha dadku deggan yihiin kuna habboonayn waxbarasho jaamacadeed , taasi waxay sababtay in jaamacad keliya dhawr xaafadood ka adeegsato guryo gaar loo leeyahay, waxaase jira jaamacado yar oo dhismayaal ku leh muqdisho iyo hareeraheeda balse duruufta amniga aysan u suuragelin adeegsigooda
Jaamacadaha shaqeeya waxa ay wadaagaan inaysan soo kordhin cilmi baaris lagu sameeyo dhinac ka mid ah faracyada cilmiga, amaba aan deraaso lagu samayn dhinacyada arrimaha bulshada si loogu helo xal waafi u ah dhibaatooyinka jira, waase marka la sameeyo deraaso cilmiyeysan oo ku qotanta tiirar aqooneed.
Fara badnida jaamacadaha heer y dhaafaan baahida deegaanka waxa ay sababaysaa in sida tiradu u badan tahay aysan tayadu ahayn, waxaa kale oo kororka jaamacadaha laga dhaxlay in ardayda dhammaysata waxbarashada dugsiga sare ay ku wareeraan jaamacaddii ay wax ka baran lahaayeen maadaama jaamacaduhu tira beeleen, ardayduna aysan la socon tayada waxbarashadooda.
Jaamacadaha jira waxa ay ka wada shaqeeyaan baahinta aqoonta, Waxaase maqan dallad midaysa iyo is dhaafsiga dhinacyada macluumaadka, sidoo kale ayeysan jirin wadaag dhinaca cilmi baarista ah.
Gebo gebo:
Qodobbada kor ku xusan waxay muujinayaan dhaliilaha ka jira tacliinteenna sare, ujeeddada aan u soo bandhigayna waxay tahay in wax la saxo si ay u hana qaaddo waxbarashada sare ee dalka, tayadana xoogga la saaro beddelka tirada kordhaysa ee jaamacadaha. Wanaagga iyo ammaanta jirta waxay u baahan tahay in la sii kobciyo si loo helo aqoonyahanno soomaaliyeed oo ay aqoontooda iyo waayo aragnimadoodu isu dheellitiran yihiin.
Ugu dambayn jawaabta su’aasha aan mowduuca cinwaanka uga dhigay waxaan u daynayaa aqoonyahannada, ardayda, bareyaasha iyo maamulayaasha jaamacadaha, sidoo kale ayey aqristayaashu wadaantooda darsan karaan iyadoo miisaan caddaalad ah la saarayo tayada iyo wax soo saarka jaamacadaha gudaha.
By: C/qaadir Max’ed Xasan
bahda waxbarashada magaalada Muqdisho
Email: Himilo124@hotmail.com
Wa run jamacadihi mugadisho waybateen, tayadiina way yaratay marka waxaa lobahanyahay in dawladu arimahas wax kaqabato.
Aniga wxn ahay gabadh soomaaliyeed oo joogta kenya jamacadaha ku yaala muqdisho ma ahan jaamacado aduunka oo dhan laga yaqaana xataa hadii aad shahaado ka heysato malaga aqbalaayo si aad shaqo ugu raadsato aniga wxn jamacad ka dhibtaa nairobi universitty wxn kula talin lahaa dhalinyarta soomaaliyeed ee jooga soomaaliya si ay jamacad ugu dhigtaan haka soo tagaan soomaaliya hadey wax barasho rabaan ileen wadankiina dadbaa ku dheelay sumacadii wax barasho neh wey baaba’day soomaaliya wax barasho ma taalo mustaqbal neh malahan
Dhabtii waa maqaal dhalaalinaya dareenta aqoonyahannada soomaaliyeed. Waxaa mudan ammaan, bogaadin iyo in loo mahad naqo aqoonyahanka daraasadaan sameeyey, waxaan oran lahaa in la joogteeyo qoraalka noocaan oo kale ah ee sida wanaagsan loo tafatiray loogana shaqeeyey si looga faa’iideysto. Webkuna waa mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu u faafiyey dasaasadaan xiisaha leh.