Wararka ka imaanaya Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in qarax uu kadhacay Bartamaha Magaaladaasi kaasi oo qasaaro geystay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bom nuuca gacanta laga tuuro islamarakaan uu ku dhintay qofkii tuurayay sidoo kalana ay ku dhawacmeen 4-qof oo uu ku jiray Askari ciidamada booliska ka tirsan.
Qaraxa oo dhacay salaadii Cishe kaddib ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameedsanayay ciidamada Amaanka oo Roondo ka sameynayay Nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay.
Dadkii ku dhawacmay qaraxaasi ayaa loo qaaday Isbital ku yaalla Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Ninka qaraxa bom tuuro oo isaga laftigiisu uu ku geeriyooday ayaa la sheegayaa in uu yahay Kenyan ka yimid gobolada kale ee Kenya balse uusan aheyn qof kamid ah dadka kunool Waqooyi Bari Kenya.
Wa mkamba
hala qabto wacalada
Waxan u jiray wax kayer 50 tilaabo mana hubo siday wax u dhacen lkn sidan maqlay waa saas mahadsanidin
useless guys remove this facebook notice i cant read any news,you are so usless
Aad baan ogaxumahay dadka kudhintey qaraxa.
Qaraxyada ka dhaca waqooyi bari ee kenya markii qofkii dhigaayay u dhinto ama u wax aqoonsi kaga taga sida telephone,id wuxu noqonaya kenyanka gobolada kale.hadii u baxsado wuxu noqonaya somali.marka waxan leyahay away siyasadiinta waqooyi bari?
Waxa dadka qarxinayo Waxaway jarerta o kaimatay down keny