Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Magaalada London kula hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha oo hadlkiisu uu dhinacyo badan taabanayay ayaa waxaa uu ugu horeyn Madaxweynuhu uu ku booriyay Jaaliyada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sida Jaaliyadaha kale hormarinta dalkooda si biri ay ugu laabtaan wixii ay hormarsadeen.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Amaanka oo uu sheegay in ay dowladiisu muhiimad gaar ah siineyso si ay u xaqiijiso Amaanka dalka Soomaaliya oo ay wali ka jiraan dhibaatooyin Amaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshayaasha Amaan xaqiijinta ah ay kami tahay in Xiriyooyinkii Ciidanka la sameeyo si ciidamada faraha badan ay dhax tuban wadooyinka Magaalada Muqdisho loo xareeyo.
Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ciidamada dowladda ee dhax socda wadooyinka Magaalada iyo kuwa wax maleegaya aan lakala garan karin sidaasi darteedna lagama maarmaan ay tahay sameynta xirooyinkii Ciidan si dib loogu celiyo cidamada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intiisa badan hadlka uu ujeediyay jaaliyada London iyo nawaaxigeeda waxa uu uga hadlay guubabada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo hormarka.
waxaan cod saneynaa hadaa nahay macaamiisha sida tooska ah ugu xiran wapka in ay maamulka naga qaadaan meesha uu saaranyahay like facebook maxaayelay hadaa nahay dadka isticmaala moobilada dhib weyn ayaan ku qabnaa facebook like meesha aad saarteen qoraalka ayuu naga qariyaa pls and pls meeshaas halaga badalo waa codsi ku socota maamulka wapka warqaad mahad sanidiin
Madaxwaynuhu reerkiisa inu hormariyo way kago antahay kuwakalana waxba kamagalin
Jaaliyadaha dibadda gaar ahaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ingiriiska waa dad runtii waxtarleh waxay nala qeybsadeen inta badan dhibaatadii lasoo maray, waa ammaanaynaa, haddana waxaan ka rajeynaynaa inay dalka horumar iyo barwaaqo u horseedaan waayo waddanka ayagaa leh qofkastana waa xilsaaran inuu waddankiisa u huro wixii karaankiisa ah meelkasta oo uu joogo.