Golaha wasiirada Soomaaliyeed oo shalay kulankii Isniin laha ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansixiyeen qorshaha Maamul usameynta gobolada dalka Soomaaliyeed.
Golaha wasiirada ayaa dood dheer kaddib meel mariyay qorshahaasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Arrimaha gudaha oo loo xilsaaray howshaasi kol hore.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay intani ay macnaheedu noqoneyso in la dhaqan galiyo Nidaamka Faderalka oo uu dalku qaatay sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba qorshahan ay meelmariyeen Goalaha Wasiirada Soomaaliyeed ee maamul usameynta gobolada dalka ayaa waxaa la horgeyn doonaa Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya oo hada fasax ku maqan.
Haday rag rabtaa, maamul u samaaynta gobalada ma dawlada ayaa dhisaysa mase qabiilada taagta iyo xigmada liita. Ayaa soo dhisanaysa ? Baarlamaankaan aan wali qilaafin dawlada iyo madaxwaynaha tolow suuro gal ma tahay inay jufo jufo gobal gobal u kale caroodaan? Markaana kow noqoto qilaaf dhex yimaada ururkaan dawlada sheegta?
DOWLADA SOMALIYA SHAQOYIN FARABADAN AYA U YALA .DEEQIHI DOWLADA LA sinayey muqdisho ma dhafayan walina iyadon aysan jirin wax mamul goboled ah oo ay hir galisay