WARSAXAAFADEED
February 1 — Mudane Ra’iisul wasaare Cameron,
Kulanka aad la qaadaneysid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Todobaadkan, waxaan jeclaan la heyn aad kula soo qaado arrimihii u danbeeyay ee ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo sidoo kale dilaka loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Mr. Ra’iisul wasaare, Wasiirka Arrimahada dibada Ingiriiska William Hague waxa uu dhawaan soo bandhigay qorshe cusub oo kadhan ah kufsiga iyo xadgudubyada Jisiga goobaha colaaduhu kajiraan.
Sikastaba dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan howl ay ku maxkamadeyneyso Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo wareystay Haweyney barakac ah 8-dii Bishii January taasi oo sheegtay in ay kufsadeen ciiidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Inkastoo Mudane Ra’iisul wasaare uusan C/casiis baahin wareysigaasi hadana waxaa lagu soo eedeeyay in uu jabiyay qodobka 269aad ee xeerka dalka islamarkaan uu sumcad dil ku sameeyay mid kamid ah hay’addaha dowldda Soomaaliya.
Dhibanaha sheegtay in la kufsaday in sadax qof oo kale ayaa wajahaya eedeymo keeni kara in lagu xakumo xabsi gaaraya 9-sano.
C/casiis ayaa si sharcidaro ah loogu xiray saldhig boolis 2-isbuuc ka hor , marka la eego xiritaankiisa saraakiil sare oo uu ku jiro Madaxweynaha, Taliyaha booliska iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa war ay soo saareen ku sheegay in danbiga loo heysto uu daciifinayo mas’uuliyada hanaanka cadaalada.
Mudane Ra’iisul wasaaree Cameron Saxafiyiintu kama sareeyaan sharciga, laakiin sidoo kale Saraakiisha ama Ciidamada Amaankuna kama weyna sharciga.
Bishii January 17, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadanku uu u baahanyahay uu ka gudbo dhaqanada foosha xun ee xadgudubyada ah, laakiin balanqaadkiisa intii ay abuuri laheyd ciidamo wabaara ma aysan dhicin taas.
Maalin kaddib markii uu hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh 18 January waxa Muqdisho lagu dilay Wariy Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo ah saxafigii 5aad ee laga dilo Shabelle muddo 13-bilood ah.
Mudane Ra’iisul wasaare CPJ waxa ay diwaan galisay geerida 12-saxfi oo lagu dilalay Soomaaliya 2012 taasi oo Soomaaliya ka dhibtay meesha u qarta badan ee ay ku noolyihiin saxafiyiin.
waxaan cod saneynaa hadaa nahay macaamiisha sida tooska ah ugu xiran wapka in ay maamulka naga qaadaan meesha uu saaranyahay like facebook maxaayelay hadaa nahay dadka isticmaala moobilada dhib weyn ayaan ku qabnaa facebook like meesha aad saarteen qoraalka ayuu naga qariyaa pls and pls meeshaas halaga badalo waa codsi ku socota maamulka wapka warqaad mahad sanidiin
fadlan ninkadan warqada so qoray ama wariye ahow ama wax kale ahow waxaa ii cad inaan tahey nin alshabaab taagera waa u hsegeynaa raisulwasaraha ingiriska
asc maamulka warqaad waxaan idinka codsanayaa in aad ka qaadaan web ka marka la furo wararka waxa kor fuulayo oo ah xayeeysiinta facebook ga mahadsanidiin
Maa ka tagtaan muqdisho maxaa lacalaan caleysaan waa inaad afka kala baxdaan dowlada iyo been abuurka hadii kale waa leeydin xiraa waana la,idin dilaa namiin ayaa tahaan
bacaaaaaac…soomaali aqligaas ayaa meeshaas madoow dhigay….madaxwaynahoda ayay gaal ku dacwaynayaan oo leeyihiin waxaas waydii oo ayagu may waydiiyaan hadaysa waydiin karin ma gaal wadan kale kasoo jeeda uga turjumaya madaxdoda yaab badanaa allahu abkar!
Saxaafiyiinta somalia ma ahan saxafiyiin sax waayo ayaga ayaa is dilo waxayna la mid yihiin somalida south africa ku nool oo isku kireesta tuugada koofur africaanka ah marka waxaan leeyahay alaah haka cabsadaan oo dhibaatada ay isku haayaan ha dhaafaano kow calooshood u shaqaystanimada hayska dhaafaan mida kale anagu gaalo maahin Muslim ayaa nahay waan xasuusanaa mana iloobin wariyihii TV Ga unversel ee rasuulkayna cswslm u gefay waxaana alaah ka baryaa in balaayo alaah ku rido midkaan xushmeyn diinta alaah swtc hadaa gacantayna ka fakataana wlh ciqaabta ale ayaadna ka badbaadaynina waxaa tihiin dadka isku diro shacabka iyo dowlada waxaa tihiin dadka isku diro qaraabada islaamka ah eesla degan iyo qabeelaadka war saxaafad islaam lagama sooo gaarinee ka waantooba