Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maraykanka oo ka walaacsan Kiiska kufsiga kulugta leh ee dhageysigiisa maanta uu ka bilabanayo Muqdisho

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si sharciga waafaqsan ay u qaado Kiiska la xiriira Kufsiga ee looheysto Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo ah saxafi Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu faafiyay warar been abuur ah oo kufsigaasi la xiriira.

Afhayeenka Waaxada Arrimaha Dibadda dowladda Maraykanka haweyneyda lagu magacaabo Victoria Nuland ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya in ay ilaaliso dastuurkeeda islamarkaana ay qadariso xuriyada saxaafada ka jirta Somaliya.

“Waxaan leenahay caalamku waa uu idin daawanayaa tani waa tijaabo ku aadana Musataqbalka Soomaaliya” ayay tiri Victoria Nuland.

Kooxaha u dooda saxafiyiinta ayaa sheegay in Koronto uu xabsiga ku jiray tan iyo 10kii January taasi oo ah sarci daro.

Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa canabaareeyay kiiska loo heysto Wariye Cabdul Casiis Cabdu Nuur Ibraahim.

Dhageysiga dacwada Wariye C/casiis Koronto ayaa maanta oo Sabti ah bilaaban doonta.

3 Responses to Maraykanka oo ka walaacsan Kiiska kufsiga kulugta leh ee dhageysigiisa maanta uu ka bilabanayo Muqdisho

  1. Abdirizak says:

    War nimayahoow saxafi isku sheegga ahi this is Somalia not America! Ama Afka xirta amase Afarta Addinba sharciga ku soo dhawaada!

  2. mahad meykal says:

    kkkkkk tasturka mawuxu qoraya sharcigu inusan qabanen wariye hadu qalad sameeyo anke waa lamaxkamadenaya hadu dambi lahen yaahesto lkn qof dambi qaran galay hadal wax uma tarayo marekana kamataliyo wadanka iyo tasturka korana waxa lamarsinaya sharciga iyo nagta lacagta qadatay ee cidanka qaranka soomaliyed benta kashegaty

  3. warsame says:

    waa laga daba tagay ben aburka wariya yasha an wax hubsan dowladuna waa ku mahad santahay qaba shada ben abuurka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII