Wasiirka Difaaca dowladda Maraykanka oo xilkiisa sii dhamaanaya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ay sii xoojin doonaan weerarada cirka ee ay Ciidamadoodu kawadaan dalal ay Soomaaliya ku jirto.
Leon Panetta ayaa tilmaamay in Al Qaacidda ay ku sii kordheyso Soomaaliya iyo meelo kale oo kamid ah qaarada Africa waxaana uu xaqiijiyay ay siiwadaan dagaalka cirka ah ee ay kula jiraana AL Qaacidda Africa.
“Waxaan u maleynayaa inay ku xiran tahay hadba sidaan ula dhaqano ragaan Argagixisada ah,waxaan ku jirnaa dagaal Argagixiso,dagaalkana waxaan ku soo jirnay tan iyo 11,septembar 2002-dii.”
Leon Panneta oo Xilka ka sii dagaya ayaa carabka ku adkeeyay in xoojinta dagaalka AL Qaacidda iyo Al Shabaab lagula jiro ay keeni karto baabi’in guud oo lagu sameeyo kooxaha xagjirka ah ee qarada ku sugan.
Dowladda Maraykanka ayaa dhawr jeer oo hore ka digtay qartar Al Qaacidda eek u soo badata wadamada Africa iyadoo ay jiraan kooxo badan oo ku soo kordhaya wadamada Africa.