Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wariye C/Casiis Koronto oo Bari Maxkamad la soo taagi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Wariye C/casiis C/nuur Ibraahi oo ay danbi ku soo oogeyn Ciidmada booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa sida qorshuhu yahay in la soo taago Maxkamad si ay u kala cadaadto in lagu waayay danbiga loo heysto iyo in lagu helo.

Wasiirka Garoosrka, Cadaalada, Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya oo Idaacadda dowladda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kiiska Cabdi Casiis uu soo dhamaaday islamarkaana bari Maxkamadeyntiisu ay dhaceyso.

Dhawr jeer oo hore ayaa siyaabo kala duwan dib loogu dhigay maxkamadeyntiisa waxaana hada la filayaa in Bari la soo taago Maxkamad.

Wariye Koronto ayaa Ciidamada Booliska ay xireen markii ay sheegeen in uu baahiyay war been abuur ah oo sheegayay in Ciidamada boolisku ay kufsadeen haweyn iyadana hada gacanta lagu hayo.

Wariyayaasha Muqdisho iyo kooxaha saxaafadda ayaa ku baaqaya in la sii daayo Wariye Koronto waxana ay shegayaan in uu san wax danbi ah la heyn balse Laanta Danbi baarinta iyo booliska ay danbi dusha uga tuurayaan.

One Response to Wariye C/Casiis Koronto oo Bari Maxkamad la soo taagi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

  1. cabdulkadir Wadani says:

    dawlad aan is ogeeyn shacab aan taag iyo tayo lahayn, beesha caalamka oo duli nimada ka hesha, waxay sababaan dulmiga iyo kufaarnimada kuwa sheeganaya dambi baarayaal qaranka somalia u yihiin, ee lasoo taagan dulmi horay loo galay kufsi dumarna ah ayuu wariye c/casiis sheegay, tolow maxay ka qabteen kiiskaas hadayba qiranayaan, hadiise la sheegay markay wax ka qaban waayeen ma sidii mooryaantii afduubteen dhibanayaalka qaranka la?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII