Dowladda Sweden ayaa go’aansatay shalay in Ciidamo Swedish ah ay u soo dirto Xeebaha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka la dagaalanka burcad badeeda oo aad awoodooda loo wiiqay.
Sweden ayaa tilmaamtay in ugu badnaan Ciidamo gaaraya 260-Askari ay u soo diri doonto Xeebaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan afarta bil ee ugu horeysa sanadkan howlgalka Midowga Yurub.
Carl Bildt oo ah Wasiirka Arimaha Dibadda Sweden ayaa shegay in dowladiisu ay u taagantahay sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dagaalka lagula jiro burcad badeeda Soomaalida ay ka qowleysta xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah.
Maraakibta dagaal ee swedan oo ay wehlinayaan diyaradaha qumaatiga u kaca ee helkobtariska ayaa hawgalka ladagalanka burcad badeda Soomaliya ka mid noqon doona bisha april ee sanadani.
waa arin fican lakin swedan waxaan ku ogaa wadan nabadeed maxay karaabtaa wiilasha soomaaliyeed badoona iska ilaashado,
waa laga fican yahay sweden waxan dhihi lahaa inka dhaaf soomlia mareykan ayaa tabar u waayee 260 askari waxba kama soo kordhinkarto somlia arimaheeda.
war tuugo nimo ayay uso socdaan e fahan