Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Xarun Shidaal oo ku taalla dalka Mexico (Sawirro)

Qarax shalay gelinkii danbe ka dhacay Magaalada Mexico City ayaa ruxay xarun ay leedahay shirkada shidaalka ee dalka Mexico.

Qaraxa aya ailaa iyo haatan la xaqiijiyay in ay ku dhinteed tiro dad ah oo lagu sheegay in ay yihiin 14 ruux,halka ilaa 80 kalena la sheegay in ay dhaawac yihiin.

Ciidamada Gurmedka degdega ayaa oo isticmaalaya Ey ayaa baaritaano haatan ka wada xarunta oo dhererdeedu yahay ilaa 54 dabaq oo burbur baaxad lihi uu soo gaaray.

Shirkada shidaalka Mexico oo la yidhaahdo Pemex ayaa sheegtay in aaney ilaa hada cadeyn sababta qaraxa.

Qoysaska shaqaalaha Pemex ayaa xarunta qaruxu ka dhacay ku soo ururay iyaga oo xog ka doonaya eheladooda xarunta ku noolaa.

Ma aha markii u horeysay ee mid ka mida xarumaha shidaalka ee Pemex uu qarax ka dhaco,bishii september ayaa waxa qarax uu ka dhacay xarun shidaal oo ku taal woqooyiga dalka Mexico.

Daawo Sawirrada 

YU

 

A

AS

One Response to Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Xarun Shidaal oo ku taalla dalka Mexico (Sawirro)

  1. Maxa ku dhacay musulemeta qarax maxu iku dhaca

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII