Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah Faahin: Qarax Bom oo ay Askar ku dhawacmeen oo ka dhacay Xirada Qaxootiga ee Ifa, Kenya

Warar ka imaanaya Xiryaha qaxootiyada ayaa sheegaya in qarax aad u xoogay uu xalay ka dhacay Xirada Ifa oo ka tirsan Xiyaha qaxootiyada ee Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxa oo ahaa Bomka nuuca gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday gaari way wateen Ciidamo boolis ah oo Roondo ka sameynayay Xirada Ifo.

Goobjoogayaal aan la xiriinay ayaa noo xaqiijiyay in 3-askari ay ku dhaawacmen qaraxaasi bom iyadoo la sheegayo in askarta dhaawacmay ay ku jiraan kuwo xaaladoodu ay darantahay.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa dhacay Rasaas la isweydaarsanayay oo socoto muddo aan ka yareen 30-daqiiqo taasi oo aan la garaneyn cid wax ku noqtay inkastoo ay xilli habeen ah ay aheyd xiliga ay wax dhacayeen oo aan si rasmi ah wax loo ogaan karin.

Majirto cid ka hadashay qaraxa iyo rasaasta daba socotay laakiin waxa ay qeyb ka tahay falala Amaan dari ee gobolka Waooqyi bari iyo Xiryaha qaxootiyada ku soo kordhayay waqtiyadii danbe.

Xaalada ayaa hada dagana waxaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan la geeyay goobta ay wax ka dhaceen.

5 Responses to Faah Faahin: Qarax Bom oo ay Askar ku dhawacmeen oo ka dhacay Xirada Qaxootiga ee Ifa, Kenya

  1. Aja yare says:

    Illah hanaga qabto wixi shacabka somaliyed wax udhimayo

  2. Maxaa sababey in markasto lala begsado qaraxyo iyo wixi lamid ah xiryaha qaxootga maxaa se laga faidi masaakiintan labarakicinayo

  3. Xog waran says:

    Falal amaa daraha ee xirayaha ka soco ayey waxey ka mid tahay bara kicinta guud ee laku haaye bulshada somaliyey ee ku nool kenya. Marka somaali goaan ha qaadtaan o ha baxaan kenya laga soo bilaawa miin farax macalin ilaa ku qaxootiga ah.

  4. afraxcade says:

    dad aya kubashalaya masakinta iyo cidamada amniga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII