Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah Faahin: Dagaal Xoogan oo qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay ku waramayaa wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ka dhacay Galbeedka Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa bilaawaday markii dagaalyanaho ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen barkantorool oo ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin Magaalada Baladweyne iyadoo dagaalku uu noqday mid ku sii fiday meelo badan oo ka tirsan Magaalada.

Dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa nooqaxiijiyay in dagaalku uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday Madaafiic culus oo waxyeelo u geysatay dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay 3-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka tiro intaasi ka badana waxaa la sheegayaa in ay dhawacmeen oo Isbitalka Magaalada oo xaaladiisu ay tahay mid aan wanaagsaneyn loo qaaday.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay Xalay ayaa dagan waxanaa dadka deegaanka ay sheegayaan in kooxihii weerarka soo qaadeen ay iska noqdeen inkasoo sidoo kale aysan cadeyn qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada AMISOM ee Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxana dagaalkan uu imaanaya xilli dhawaantan ay shaaciyeen in ay xaqiijiyeen Amaanka Magaalada.

5 Responses to Faah Faahin: Dagaal Xoogan oo qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

  1. Cumar aadan says:

    Waa arin wanaagsan in gaalada iyo gaalo raacda la laayo cid laga warsanaane majirto madalkey itoobiyo ledahay? Waa ta rayidka gumeysiga ku hayse

  2. Asc waa dhib taai ababtoo ah magaaldii intaa s gacanta dowlada kujirtay ina hadal lasuu weeraro kkkkkkkkkk kuwaas dowlad mahin ayaa dhihi lahayaa

  3. Sxbiyal runta anaa idin sgeegayo jibuutiya horta midkooda iyo dhaawacooda ayaba arlada dhan xiray 15 askari anaa indhaha saaray kuwa amisom ayagana qasaaro xog leh ayan karseenay kkkkkkkkkkk alxamdu lilah cadowga ale cawa mafax sana kkkkkkkkkk maxaa ceeb ah rag lagu faali waa cidan malatari ah oo agabkoda dagal sita oohadan ciyalka oo tawabar fiican an haysan oo hadana agab malatari an wadan ayaa iney dhaxkalen sidii lo libax kalay lookala fiijiyey kkkkkkkkkkkkkkkkkkk walahi dhalinta soomaaliyed alah daayo waxan dhihi karnaa keesiyaasha adunka idinka galada adonka soo aruusada anagana insha allah ilahban jano uga badala neynaa wabilah towfiiq

  4. Wan ka xumahay weerarka lagu qaaday ciidamada qaranka somalia ee ku sugan baladweyne lakin waxan leyahay ciidamada somalia meel kastoy joogaanbo ha isdifaaceen waana taageer sanahay

  5. Allaahu akabar wa alle mahadii baladweyne kaliiye ma.ahan ee wa meel waliba haday ahaan lahayd afganistaa ciraaq maali suuria somalia war nuur alle yaa hor istaagi karo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII