M/daxweyne Xasan Sheykh Max’ud oo ka hor hadlayay kulan ay magaalada Brussels ku yeesheen xubno ka kooban baarlamaanka, wasiirada arrimaha dibbadda, iyo guddiga hormarinta Midawga Yurub ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisu ay ahmiyada ugu horeysa siinayso dib u dhiska hay’ada dawlada si dawladu u caawiso bulshada Soomaaliyeed.
In Soomaaliya ay ku bad baadi karto nidaam sharci ah oo loo maro maaraynta dhaqaalaha ayuu xusay M/wynuhu inta uu hadalka waday taasoo uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay doonayso inay ku shaqayso nidaam sharci ah si aysan bulshada Soomaaliyeed ugu dhicin dhibaatooyin haysta dadka Africa ku nool.
M/weyne Xasan Shiikh waxaa uu sheegay in ay dawladiisu dajisay qorshe ay ugu talo gashay inay bulshada wax ugu qabato ayadoo qorshahaas ku jiraan in la dhiso dugsiyo wax barasho, xarumo caafimaad, ceel biyoodyo, M/mul goboleedyo iyo saldhigyada booliska si wax qabad dhab ah lo qabto waxana uu intaa ku daray in dawladiisu ay tahay tii ugu horeysay ee qorsheysa dib u dhiska wadanka.
Sadex qodob ayuu M/weynaha Soomaaliya sheegay in dawladu ay wax ka qaban doonto kuwaasoo kala ah Amaanka, Garsoorka dhaqaalaha guud ee dalka taasi oo uu xusay dhaxal gal noqon doonto.
Ururka Midawga Yurub ayuu M/weynuhu ku amaanay doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ka baxdo marxaladii ku meel gaarka aheyd ee ay mudada ku jirtay iyo taageerada ay sii so ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM.
M/weyne Xasan Shiikh waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka midka ah burcad badeda waxaana uu xusay in dawlada Soomaaliya ay ka xun tahay kana wacyi galinayso dhalinyarada inay burcad badeed noqdaan.
M/weynaha Soomaaliya asago arrintaan kasii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Dawladeenu waxay rabtaa in dhalinyarada xabsiyada caalamka ku jira ee burcad badeeda ah lagu celiyo dalka”
Dawlada Soomaaliya ayuu xusay inay garab uga baahantahay beesha caalamka iyo midawga Yurub si loo qaado tilaabooyin wax ku ool ah.
ARREEY ADDUUNKI AALA ROGOOWHAAYAA KAWAANLEEY CALIGAAF AA MADAXDII QARANKA EH EEY LEEYIHIIN WAABO YAABANAH
Ala ilehen wa hadal lo bahan yahay mudhane madaxweyne.sidas kusoco weliga hanaka solabanin 4ta sano kudiman hadi ilahey maya oran.