Syria ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Qaramada Midoobay taasi oo ku daan duqeynta ay diyaaradaha dagaalka Isreal ka geysteen gudaha dalkaasi.
Ciidamada Syria ayaa sheegay in diyaaradaha Israel ay bartilmaameed sadeen xarunta baaritaana milatariga ah oo ku taalla Waqooyi Galbeed Magaalada Dimishiq Arbacadii.
Dowladda Syria waxa ay beenisay hadalka Maraykanka iyo dowladaha kale ee sheegaya in la bartilmaameedsaday gawaari siday hub kuwaasi oo ku sii jeeday dalka Libanon.
Syria waxa ay sheegtay in ay xaq u leedanahay in ay difaacdo nafteeda iyadoo xulafadeeda Ruushka iyo Iran ay canbaareeyeen weerarka diyaaradaha dagaalka Israel ay ka geysteen dalka Syria.
War ay dhacdadaasi ka soo saartay dowladda Syria oo lagu baahiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen Xarunta baaritaanada ee kutaalla Jamraya waxana ay sheegeen in ay ku dhinteen labo qof 5-kalana ay ku dhaawacmeen.