siyaasiga caanka ah Xaaji mahamed yasiin ismacil oo wareysi gaar ah siiyay tv-ga somali channel xili uu ku sugnaa wadanka malaysia ayaa waxa uu ka warbixiyay 22 sano ee burburka uu ku jiray dalka somaliya isagoona edaynta dusha uga tuurayay madaxda dalka oo uu ku tilmaamay inay gabayn howlihii loo idmaday .
xaajiga ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka cusub ee u bilowday dowlada mareekanka iyo dowlada somaliya isago ku tilmaamay inay tahay horumar wanaagsan oo u soo hoyatay labada dal . si aad uga bogato hoos ka daawo wareysiga oo dhamaystiran
http://www.youtube.com/watch?v=e19EZ_RCXNE
Warqaad fadlan hasoo qorina kuwa masayrka iyo xaasidnimadu kabooxdo warkooda, muxuu siyaasad ka garanayaa ninka halsaac gudihiis dowladda ku caayey kuna ammaanay? Wuxuu riyi dowladdu waxay gabtay wixii loo doortay asagoo qiraya guulihii ay dowladdu soo hoysay taasi waxay caddaynaysaa inuuyahay kuwa aaminsan inuu kaligii xaq uleeyahay madaxtinimada hadduu waayana uu meelahaas ka caytamo illaa asaga waa ka dhoofay wixii baaba’ayana dan kamalehe! Markaasay warbaaantuna siyaasi ku tilmaamaysaa.siyaasi ma ahan ee waa fulay damac la qaylinaya oo kaxun horumarka alla ku qabay
Xaaji maxamed wuxuu ka hadlay fikirkisa ku aadan soomaliya lkiin ma uusan sheegin in isaga ahaan uu lug ku leeyahay dhibata wadanka lagu hayo ka muwaadhin ahaann,haddaba aniga waan kaga soo horjeeda fikirkiisa saa darteed waa in qofkasta oo muwaadhin soomaaliyeed ah uu mas,uuliyadda qaataa maxaayeelay madaxa dowladda cidda ku taagereysa qabiil ahaan waa muwadhininta marka sidee ayuu siyaasiga isaga leexinaya isagoo og in wixii ka dhacay soomaliya uu lug xoog leh ku leeyahay,taasi waa arin iga yaabisay ,iguna qasabtay inaan jawaab ka bixiyo fikirka siyaasiga cusub ee hadda soo baxay,