Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ra’iisul wasaare Saacid oo ugu hanbalyeeyay Ciyaartoyda Kubada Kolayga guulaha ay u soo hooyeen Qaranka Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabadi Faarax Shirdoon ayaa u hanbalyeeyay Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliyeed ee Kubada Kolay kaddib guulo isdaba joog ah oo ay ka gaareen dalalka Kenya iyo Burundi.

Cabadi Faarax Shirdoon Saacid oo telfonka kula xiriiray Wiilasha Soomaaliyeed ee difaacaya sumcada dalkeena iyo Isbootiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubada Kolayga ayaa u sheegay in ay gudanayaan wajib qaran islamarkaana ay xukuumadiisu garab taagantahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa balanqaaday in uu abaalmarino ay ku faraxaan gudoonsiin doono Ciyaartoyda Kubadda Kolayga Soomaaliyeed islagaao ugu duceeyay in ay guulaha Siiwadan kana badiyaan Xulka ku soo foodleh.

Horayay ayaa ciyaartoyeda kubada Kolayga Soomaaliyeed waxaa telfonka ugu hanbalyeeyay Wasiirada Hormarinta Adeega Bulsahda Marwo Maryama taasi oo sheegayta oo ay hoostagto wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII