Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xarakada Al Shabaab oo ganacsto ku xirxiray Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Buula-burde, Ciidamada Xarakada Al Shabaab ee halkaasi gacanta ku hayay ayaa maanta xabsiga u taxaabay ganacsto caan oo ku dhaqan Magaaladaasi.

ganacsatadani oo gaarayay ilaa iyo 4-ruux ayaa waxaa la tilmamaay in laga soo waday iyaga oo ku sugan xarumahooda ganacsi, kaddib markii ay ka dhaga adeygeyn in ay bixiyaan lacago Al Shabaab ay cashuur ahaan u doonayeen.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqaad.com ayaa sheegay in ganacsatada la xiray uu ku jiray Madaxa laanta Dahabshiil ee Magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraran halkaasi oo ay hada ka taliyaan Al Shabaab.

Ganacsada ayaa ku xiran xabsi ku yaalla Magalaada, waxaana dadka ku sugan degmada ay sheegayaan in Shabaab ay kordhiyeen lacagihii ay ka qaadijireen goobaha ganacsi ee ku yaalla Magaalada Buulo-burde.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Maamulka gobolka Hiiraan ayaa canbaareeyay falkaasi, waxaana uu sheegay in arintaasi ay muujineyso sida ay Al Shabaab u dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalooyinka yar ee ay gacanta ku hayaan.

3 Responses to Xarakada Al Shabaab oo ganacsto ku xirxiray Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan

  1. Asad says:

    Ganacsata somaliya wa kuwa horseedka ka.ah qalalaasaha hada kajira dalkena.

  2. Asad yare says:

    Haaa waa qalad in ladhibaateeyo ganacsatada

  3. Web iska xiran cid idin daalacato majiran hoose udhac weyn aadin heley waan kuqoslaa but no matter caasimada somalida manta io hiran net eyu shidan tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII