Sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayan waxaa maanta fatahaad sameeyay wabiga Shabelle kaasi oo qasaaro xoogleh u geystay dadka ku nool deegaanka Buulo Xaaji oo hoos tagta degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Fataahaada ayaa xoogeeda sameysay beeraha ku yaala deegaanka Buulo Xaaji iyo waliba guryo ay dadka deegaankaasi ku nool ay daganaayeen.
lama soo sheegin in ay ka dhasheen fataahadaha wabiga Shabelle uu ka geystay deegaanka Buulo Xaaji hase ahaatee dadka deegaanka ayaa lasheegaya in ay barkac xoogan sameynayaan.
Dadka guryahooda ay burburiyeen fatahaadaha ayaa waxa la sheegayaa in ay xaaladoodu ay lii dato islamarkaana aysan heysan hoy ay ku nooladaan.
Nolasha deegaanka Buulo xaaji ayaa hada laga derinayaa waxana ay dadka deegaanka baaq u direen maamulka gobolka sh/dhexe.