General Katumba Wamala oo ah taliyaha Ciidamada Dhulka ee Uganda ayaa sheegay in loo baahanyahay in la kordhiyo mudda howlgalka AMISOM ee Soomaaliya si loogu guuleysto soocelinta xasiloonida Soomaaliya.
Janaraalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay hada koreyso islamarkaana ay u baahantahay caawinaad balaaran si ay u haleesho wada ay dooneyso in ay kaga gudubto dhibtaada mudada ay ku soo jirtay.
Katumba Wamala ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo koreyso ayna u baahantahay in lagacan qabto si ay uga baxdo dhibtaada heysata waxana uu muujiyay in laga maamaarmaan ay tahay in la gaareero dowladda cusub ee Soomaaliya.
Howlgalka AMISOM ayaa waxa uu waqtigiisu ku egyahay bishan March ee sanadka 2013ka waxana waqtigooda kordhinkara Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay.
Asc
Hadii lokordhiyo , maxu malenayaa inu faido kahelaya . Walee ciqaabta idinsikordheysa . Islamiyinta waxay kufidiyadan dafaha dunida
waa dhab aad ayaan so dhawaynayna in la kordhiyo cidamamada aan walaalaha nahay waxan leeyahay ha la ogolaado in mudada lo kordhiyo waayo taasi hadi aan nahay shacabka somaliyeed waa mustaqbalkayaga guul guul