Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Ciidamada dalkiisa ay ku luglahaayeen howlgalkii fashilmay ee ay Ciidamada Faransiisku ka fuliyeen Magaalada Buulo Mareer ee Koofurta Soomaaliya.
Obama oo warqad u qoray labada gole ee dalka Maraykanka ayaa ku sheegay in holgalkaasi ay ciidamadiisu taageero dhanka farasmada ah ku siiyeen kuwa Faransiiska ay fulinayay.
Barack Obama ayaa tilmaamay in si toos ah ay ugu lug lahaayeen howlgalka inkastoo aysan ka qeyb qaadan weerarka guul dareysta ay lagu soo badbaadin rabay laheyste u dhashay dalka Faransiiska.
Warqada Obama uu u qoray labada gole oo shaacday aya waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada cirka Maraykanka ay diyaar u ahaayeen in ay ka qeyb qataan howlgalka hadii loo baahan lahaa, laakiin kama qeyb qaadan.
“Diyaarad dagaal oo uu Maraykanku leeyahay ayaa si kooban u gashay hawada Soomaaliya si ay u taageerto howlgalka samata bixinta, hadii loo baahan lahaa.” Sidaasi waxaa lagu sheegay warqada uu soo qoray Madaxweynaha Maraykanka.
Ciidamada Kumantosta Faransiiska ayaa habeenimadii Jimcada waxa ay weerar ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan laheyte wadankooda ka soo jeeday waxa ay ku qaadeen Magaalada Buulo Maree ee gobolka Sh/hoose.
Faransiisku waxa ay sheegeen in la heystaha ay doonayeen in ay badabaadiyaan uu geeriyooday halka Shabaab ay sheegayaan in wali uu noolyahay.
Kufarta marekanka warkeda wey cadeysay lkn waxa ay isku dayen iney werar fashilmay kuso furtan danial alx oo sanadi 2009 laga afdubtay wadanka somalia blse lahastahas wan nolyahay