Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ku dhawaad 500-ruux oo lagu soo qab qabtay howlgal laga sameeyay degmooyin kuyaalla gobolka Banaadir (Sawirro)

Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo maanta howlal ay ku soo  qab qabteen dad gaaraya ku dhawaad 500-ruux waxa ay ka sameeyeen degmooyinka Hilwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugiga gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo ka warbixiyay howlgalkaasi ayaa sheegay in 477-qof lagu soo qabtay howlgalka oo ay sameeyeen ciidamo isugujira Nabad Sugid iyo Boolis.

Khaliif Ereg aya tilmamay in dadka tirada badan ay soo qabteen ay ku jiraan sida uu hadlaka u dhigay rag ka tirsan Al Shabaab oo uu xusay in ay baaritaano ku hayaan sida uu hadlka u dhigay.

Dadka la soo qab qabtay ayaa u badnaa dhalinyaro waxaan intabadan howlgalada la sameeyo lagu bartilmaameed sadaa dhaliyarada oo la rumeysanyahay in ay Al Shabaabka iyagu u badanyihiin.

Intabadan dadkii la soo qab qabtay ayaa la siidayay waxaana hada gacanta lagu hayaa 149-ruux oo lagu tuhun sanyahay in ay Al Shabaab ka tirsan yihiin.

Howlgalkaani ayaa noqonaya inta la xasuusto kii labaad ee ugu balaarnaa ee ay ciidamada dowladda ka sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo howlgal sidaan oo kale lagu soo qab qabtay dad badan laga sameeyay degmooyinka Wardhiigley, Hodan iyo kuwo kale.

1

2

7

8

 

3 Responses to Ku dhawaad 500-ruux oo lagu soo qab qabtay howlgal laga sameeyay degmooyin kuyaalla gobolka Banaadir (Sawirro)

  1. Laailaaha ilalahu muxamedu rasulalah dhaman ma al shabab war dawladu haka firsato arday iyo shaqalo o wala yaqana mesha ay dalka ka jogan mad adan ama wad ibsan rbtan sida ay yesho kenya cml war dalkoda hoyo ayago jogo miya sidan lo gala

  2. Huseen says:

    Warka qaleya ciyaay xafadeedka alshabab hadad qabatan lacag yaa kagusidayne

  3. fodcade says:

    ilahay hadiin ciqabee umada kadaya ciqaabta duliyaal yoow calool ushaqeeste yalyow. An waxba garan nabad sugid inteetala shacabka ayad ka iib satiin mareykan iyo ingiriika maciidankaas aya somali ah waciidan mareykan oocadiin ah duliyaal ilahay umad haidiiinka gargaaro inshaalah melxun ayad kudan beydoon taan inshaalah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII