Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska Laurent Fabius ayaa ku baaqay in maanta oo Isniin ah ay golaha Amaanka yeeshaan kulan ay uga hadlayaan Arrimaha dalka Mali ee galbeedka qaarada Africa.
Laurent Fabius oo la hadlayay warbaahinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in dowladiisu ay ka go’antahay ciribtirka Maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya Waqooyiga dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Laurent Fabius ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in caalmku uu san ukala harin la dagaalanka kooxaha xooga ku heysta Waqooyiga Maali.
Ciidamada Faransiiska oo duqeyn ay ku taageerayaan Ciidamada Maali ka bilaabay Jimcihii dalkaasi ayaa waxa la sheegay in shalay ay duqeyeen magaalada muhiimka ah ee Gao halkaasi oo ay gacanta ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta ah.
Hadii ay tahy islaanimadoda islaanimo dhab ah oo ay kudagaalamaya jidka xaqa ah ayiga ayaa guulesan doono lkn hadii ay yihin al shabab ama al qaacidada hala cirib tiro