Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dowladda Somalia Oo Looga Digay Wadahadalka Maamulka Somaliland !

digniinJaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan dadka ku abtirsada deegaanada Maamul-gobaleedka Maakhir State, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay wadahadalada u dhaxeeya Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, kuwaasi oo ay laba dhinacba sheegeen inay diyaar u yihiin xal ka gaaristooda.

Ka dib kulan ay Maanta isugu yimaadeen Jaaliyadda Maakhir State oo ka dhacay Cape Town, ayaa waxaa laga soo saaray baaq culus oo ku wajahan Dowladda Somalia, kaasi oo lagu dalbanayey in Dowladdu ay ka fiirsato wadaxaajoodka ay la yeelanayso Maamulka Somaliland.
Mudane Maxamed Deeq Sh. C/laahi oo ka mid ah aas-aasayaashii Maamulka Maakhir State oo halkaasi ka hadlayey, ayaa sheegay in Dowladda Somalia looga baahan yahay inay ka fiirsato wadahadalka Somaliland, isagoo si gaar ah ugu baaqay Dowladda in haddii ayba la hadlayaan Somaliland aysan kala hadlin Gobalada Sool, Sanaag, Ceyn iyo Hayland oo uu iminka maamulo gaar ahi ay ka arimiyaan, islamarkaana aysan Somaliland gacanta ku haynin kana hadli karin haba yaraatee.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Maakhir State ee K/Afrika, Maxamed Cali Samatar, oo ku dheeraaday taariikhda dhuleed ee deegaanada Maamulkoodu ka arimiyo isagoo amaanay qaabka ay Maamul ahaan shacabka ula shaqeeyaan, marka laga hadlayo amniga iyo is dhexgalka bulshada ee ka soconaya deegaanadaasi, waxaana uu ka codaday Dowladda Somalia iyo caalamkaba in la taageero nabadda kasoo bidhaamaysa deegaanada Maakhir State hoos yimaada.
Ugu dambeyntiina, Madaxda, Mas’uuliyiinta, Waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ka qeybgashay Kulanka Cape Town, ayaa ugu yeeray Dowladda inay ka feejignaato dimindaabyada Siyaasadeed ee ay maleegayso Somaliland, maadaama ay sheegtaan dhul aysan iyagu maamulin si ay ugu faanaan nabadda ay ku naaloonayaal deegaanada maamulada is xilqaamay ay ka arimiyaan sida Maamulka Lix sano jirsaday ee Maakhir State.
Xafiiska Maamulka Maakhir State
Maxamed Deeq Sh. C/laahi 
Tell : +27731076639
E-mail : mcaxmed607@hotmail.com

7 Responses to Dowladda Somalia Oo Looga Digay Wadahadalka Maamulka Somaliland !

  1. wiiil sanaag says:

    war ilhey maan laga baqayn waa maxay beentan qaawan sownga joogna anigu sanaag sowta somaliland maamusho ilhey ka baqa oo xumaanta faafinaysaan ka daaya dadaka

  2. somalilander says:

    Adeer 3 gobol ad soqorteen wa dhul somalilander ee mahan dhul dhabayaco aama fadlan lacak ku shubo 4 xabo. Faqash aha dagan ee dhulka maylahan wana ku marti taas ha ogadan dhulkan wa dhul besha irirsamaale aya ku abtirsadaan. Dowlad waxba kama qadikartan meshan waxa wada hadlaya wa 2 dowladod oo walal ah misna jar ah marka 4 oday oo langab ah warkoda mel gadhi mayo ee magacyada benta ah adlabaxaysan iska jojiya. Deganka ana leh

  3. Maakhir state seefta ayay galka kala baxeen.

  4. galgaduud says:

    asc aragtidayda ku aadan maakhir state, waxan u arkaa inay yihiin dadka haya tayada somalinimada macnaha midnimadaa soomali wxy kuxiran tahy makhir state oo u istaaaga inay waxla qayb sadaan somali oo cududoda mujiyaan, ujeedo>labada maamul ee kadhisan waqooyiga somalia marka maakhir laga reebo hadyo jeer waxaay kujiraan sad bursi wayn taaso inta dhalisa khilaaf badan dib u dhac kuyimada hormarinta nidaamka jira

  5. Galmudug says:

    Yaab badanaa war horta yaanba sool iyo sanaag iyo cayn loo xisaabin lagalana hadlin somaliland ne yaa lagala xisaab tamayaa 3 daas gobol maakhir stete iyo khaatumo stete of somalia ? hadaba maakhir iyo khaatumo adin koo is daagaalin isna qab qabsan laba diinu hal maalmul ku midooba kuna heshiiya hadii kale 3 da gobol ee aad laba diinu isku haysataan oo anaa ka taliya iyo anaa ka taliya ku badar tamaysaan iyo aniga hala igala hadlo ogaada in la idiin arkayo inaad dhalan teed fowdo wadaan oo somaliland goboladaas lagala xisaab tami doono sababto ah somaliland inta badan ayadaa inta badan haysata goboladaas sidaas sida laascaanood iyo ceeragaabo oo kala ah laba dii caasimadood ee sool iyo sanaag somaliland oo hal maalmul ah marka maakhir stete iyo khaatumo stete hadaad laba diina oo buuhoodle iyo taleex hays taa mid mar leeyahay anaa ka taliya soo dhalan teed iyo iska hadal iyo xukun jecli la idiin arki maayo maad caqli giina intaad isku biiri saan is tiraah daan inta lagu hardami meel cidlaa oon halnaba oolin ) inta kale adinku ku darsada oo ogaada hadaad tihiin maakhir iyo khaatumo inaad ku hardamay saan meel cidlaa oon halnaba oolin marka hal maamul ku midooba oo isku duubni la imaada

  6. xaji cimow says:

    warkuwan xagey ka yimaden hada ayey hurdada ka tooseen miyaa somali land labatan sano ka hor ayey caradas xoresten oo dad badan layen side hada nin yimid uu u dhihi karaa anaa maamulo maamul aan jirin oo magac uyal ah oo aan tagi karin mesha uu shegagnayo inu maamulo waryada isku xishoda maakhir iyo khaatumo wax jira ma ahan waa NGO lagu qarabto ee bahasha xadka ha kabixinina qaraab ku ekeeye

  7. warsame cap town says:

    asc war ama makhir ahow ama somaliland ahow waxa kali oo maanta soomali isugu imaan karta waa kitaabta ilaahy iyo sunaha nabigeena scw oo aan isku dhaqno taasaa’liibaan aduun iyo tan aakharo ku jirtaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII